Sign in to follow this  
General Duke

Warlords fail in Mogadishu + Government moving to Baidoa and Jowhar

Recommended Posts

Kooxaha Muqdisho ku hubeysan ee ku jira xukuumadda & baarlamaanka oo ku fashilmay in ay qadaan Isbarooyinka Muqdisho

 

Kulan ka soconaya Ex. Xaruntii XHKS oo hadda farriisin u ah xubnaha labada gole ee dowladda kulan ay la hayeen hogaamiyeyaasha hubeysan ee wasiirada ah, iyadoo kulankanina ay goob joog ka ahayeen xubno ay ka mid yihiin Muuse Muuse, Max’ed Qanyare, Cumar Finsh,Xaaf, Furux, Bootaan Ciise, C/qeybdiid, Ibraahim Shaaweeye, ayaa fashil ku dhamaday kadib markii ay go´´aan cad ka soo saari wayeen waqtiga ay qadayaan Isbarooyinka .

 

Hogaamiyasha Hubeysan ee Muqdisho oo aan marnaba laga sugeynin in ay qadaan Isbarooyinka :confused: sababo la xariiro dhaqaala fara badan oo ka soo gala daradeed ayadoona aysan dooneynin in lagula xisaabtamo dhaqaalahas faraha badan ee micnadarada ku soo galaayo, ayagoona og waxii ay ku heleen darajadana ay tahay isbarooyinka hadii ayagana la qaado ay noqonayaan shacab marka sidaas ayeey ku diidan yihiin in ay qadaan Isbarooyinka ay ku heleen jagada xildhibaanimo .

 

Arinta ay ku qmayaan wasiirada Hubeysan ee Muqdisho ayaa keeni doonto in laga amin baxo lagana joojiyo tageeradii loo siin lahaa wax ka qabshada arimaha ay ka wadaan magalada Muqdisho,ayagoona rumeysan doonaan shacabka intiisa badan Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo asagu qabo in aan la aminin nimakaan uu ku tilmaamay qowleysato aan jecleyn nidaamka iyo kala danbeenta

 

:D another dayniile moment

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan Dayniile Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubnaha Labada Gole ee Dowladda Federaalka ee Muqdisho oo ku fashilmay inay Maanta ku dhawaaqan waqtiga ay qaadi lahaayeen Isbaarooyinka

 

Kadib markii dood waqti badan qaadatay ka yeesheen qaadista Isbaarooyinka yaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeynta waxaa kulankaasi ka soo baxay saan saan tilmaamaysay in weli ay jiraan dad diidan in Isbaarooyinka la qaado sida uu ku soo waramayo Wariyaha midnimo ee kulankaas ka qeybgalay.

 

Kulanka maanta ka dhacay xarunta Xisbiga oo xarun KMG ah u ah Xildhibaannada iyo Wasiirada, Shariif Xasan Sheekh Aadan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wax sidaas ah ka duwanayn kulamadii hore,laakiin go’aanka keliya ee ka soo baxay ayaa waxaa uu noqday in la magacabo Guddi Farsamo oo ka soo shaqeeya qaadista Isbaarooyinka Wasiirada u yaala gudaha muqdisho.

 

Afhayeenka Labada Gole ee xubnaha ku sugan magaalada muqdisho Cumar Xaashi Aadan ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay warka ka qaatan, wuxuuna sheegay Cumar Xaashi in go’aamadii ka soo baxay kulanka ay ka mid ahaayeen in la qaado Isbaarooyinka muqdisho yaalo,wuxuuna caddeeyay in arrintan dood dheer laga yeeshay.

 

Guddiga Farsamo oo talo cad ka keena sida, goorta iyo qaabka loo qaadi karo Isbaarooyinka,iyadoo guddigan ka kooban yahay 5 Xubnood oo Guddoomiye u yahay 1- Enj Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ah Xildhibaannada hubeysan,2- Col Axmed Cumar Jees, 3- Caasho Axmed C/lla, 4- C/llaahi Aadan Axmed (Black) iyo 5- Yuusuf C/llaahi Kaahin.

 

Fadhigii maanta oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirada hubeysan, xubnaha Labada Gole ayaa waxaa shir Guddoon ka ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, in kastoo Wasiirka howlaha Guud Cusmaan Caato uu kulankaas ka maqnaa.

 

Arrinta kale ee kulanka maanta ka soo baxdaya ayaa waxay tahay in xubnaha Labada Gole isla garteen in Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) uu ahaado Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

 

Dadka arrimaha Soomaaliya la socda ayaa waxay leeyihiin waa adag tahay in magaalada muqdisho ay noqoto goob amaan ah marka loo eego kooxaha faraha badan ee isku haysta.

 

Fadhigii maanta ayaa intii uu socday mar aan tagay xarunta Xisbiga waxaa meeshaas isku aragnay Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Cumar Finish oo salaadii Duhur meel bannaanka ka ah ku tukanayay, halka Shariif Xasan iyo xubnaha kale shirkooda iska sii wateen.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

 

www.midnimo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this