Jacaylbaro Posted February 10, 2008 hadhwanaag 2008-02-09 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Kal-fdhigii 35-aad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ka furmay Xarunta Golahaasi,isla markaana waxa mudanayaashi halkaa loogu qeybiyey ajandaha loogu talo-galay in lagaga doodo kal-fadhigaas. Fadhigaas oo uu shir-gudoominayey Ku-simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida, ahna Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Md Sh. Axmed Sh. Nuux Fure, ayaa furitaankii kal-fadhigaa hadal uu ka jeediyey waxa uu Mudanayaasha ku wargeliyey in kal-fadhigan ay sugayaan waxyaabo badan oo loo baahan yahay in wax laga qabto. “Maanta waxa aynu isugu nimi kal-fadhigii 35-aad ee Golaha Guurtida, waxyaabo fara-badan oo wax ku ool ah, ayaa intii Goluhu kala maqnaa qabsoomay,” ayuu yidhi Sh. Axmed Nuux Fure Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Oo weftiyaal yimi ha ahaadaan ama kuwo inaga tegay oo faa’iidooyin badan keenay ha ahaadaan, waxyaalo fara badan oo hada bilaw ahina way ina sugayaan, oo way inagu soo waajahan yihiin.” “Markaa waxaa loo baahan yahay in loo diyaargaroobo waxyaalahaas mustaqbalka ina soo qaabilsan,oo awoodi waxa ay noqotaba loo diyraargaroobo” ayuu yidhi Sheekh Axmed Nuux Fure. “Haday suurto-gal noqotana in weftiyo loo baxo, oo kuwo loo baahan yahay ah, siiba Sool iyo Sanaag in loo diro Wufuud Guurti ah, oo aad loogu baahan yahay.” Ayuu yidhi Sh. Axmed Nuux Fure. Md Sheekh Axmed Sh. Nuux waxa uu sheegay in aad loogu baahan yahay, sidii Goluhu [Guurtidu] uga shaqayn lahaa gudaha wadanka, “Bacdamaa-ba hawlo badan la soo qabtay, hawlo badanina ay imika inagu soo waajahan yihiin, waxaa aad loogu baahan yahay in gudaheena aad iyo aad loo foorarsado oo looga shaqeeyo.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Wax allaala iyo wixii Gudaha ka qabsooma ayaa dibadana ka qabsoomaaya.” Mar uu Guddoomiye Sh. Axmed Nuux Fure la hadlayey Aqalka Odayaasha Golaha Guurtida waxa uu yidhi “Markaa Goluhu in uu Maanta guntiga-dhiisha isaga dhigo, oo ku tala-galo mudda-karnimo, inkasta oo dee awal-ba aanu waxba la iska hagranayn, oo uu itaalkiisa dalka wixii u dan ah marnaba hoos marayn,” “Hadana in uu maanta dadaalka sii kordhiyo, oo shaqooyinka aan loo kala maqnaanin, oo si wanaagsan hadh iyo habeen loo yimaado Golaha, kol haduu Goluhu furmay, taasina waxa iga tahay dardaaran.” Ayuu yidhi Sh. Axmed Nuux Fure. Gabagabadii waxa uu Gudoomiye ku-xigeenku uu tilmaamay in kal-fadhigani uu yahay mid cajiib ah,“Kal-fadhigan maanta waa kal-fadhi cajiib ah, sidii aan hore u sheegayna waxyaalo badani soo qabsoomeen, waxyaabo badan oo kale oo ay tahay mustaqbalka in wax laga qabtaana ay ina sugayaan,” ayuu yidhi. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “markaa in Goluhu maanta dadaalkiisa aad iyo aad bu kordhiyo ayaa iga dardaaran ah.” Ugu dambayntii waxaa Mudanayaasha Golaha loo qaybiyey ajandaha Kal-fadhiga 35-aad, oo ka kooban todoba qodob, kaas oo u qornaa sidan: “1- Warbixinta Guddiga joogtada ah. 2- Xog-ogaal u noqoshada xaalada Gobolada Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle. 3- Arrimaha Siyaasadda. a) Gudaha b) Dibedda 4) Arrimaha Nabad-gelyada. a) Gudaha b) Derisyada. 5) Xog-waraysi lala yeesho. a) Taliyaha Xabsiyada. b) Wasaarada Waxbarashada. c)Wasaarada Caafimaadka . d) Wasaarada Arrimaha Gudaha. 6) Wax-ka-bedelka Xeerka Nabad-gelyada Waddooyinka. 7) Waxyaabo kale (Any Other Bissines)” Quote Share this post Link to post Share on other sites