Sign in to follow this  
General Duke

Somali UK community speak with Ministers in Nairobi

Recommended Posts

Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka UK oo Wada tashi layeelatey Wasiiro ka tarisan Dawlada Federalka Soomaaliya

Posted to the Web Jun 06, 19:29

 

 

Birmingham:-Maalintii shalay oo ay taariikhdu tahay 5th June, 2005 waxaa magaaladda Birmingham ka dhacay kulan ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool dalka UK. Waxaa kale oo shirkaas ka qaybqaatay kana hadlay madax sar sare oo ka tirsan DFKS oo ay ka mid ahaayeen Axmed Sh. Maxamed Loxos oo ah Wasiiru Dowlaha dib uheshiisiinta iyo Jaaliyadaha dibada iyo kuwa kaga qayb qaatay khadka telefoonka oo ay ka mid yihiin. Ali Ismaaciil Abdi Giir Wasiirka dekadah iyo gaadiidka bada, Wasiirka reer miyig iyo daaqa Maxamed Maxamud gacamadheere.

 

Maxamed Ali Xareed Wasiira dawlaha gaashandhiga, Mowliid Macaane Wasiirka degaanka iyo dhulka iyo Salad Cali Jeele Wasiir ku xigeenka warfaafinta waxayna dhamaan ka qeyb qaateen shirka oo ay kaga qeyb qateen khadka telefoonka.

 

Ujeedada shirku waxay ahayd in jaaliyaddu muujiso sida ballaaran ee ay u taageersantahay DFKS iyo inay wax ka ogaadaan howlaha dib u heshiisiintu meesha ay marayso iyo madaama uu soo dhawaaday guuritaankii dowladu qaabka ay rabaan inay u guuraan iyo meesha ay dowladu ay u guuri doonto.

 

Shirkaas oo ay ka soo qaybgaleen Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo waxgarad kale oo farabadan, xanbaarsanaa xamaasad qaran jecel oo aad u sareysa ayaan halkaas ku soo bandhigey tageero buuxda iyo talooyin kale duwan oo ku aaden dawlada Federalka Somaliyeed.

 

Waxaana shirkani u dhacay si heer sare ah taas oo ay ka soo shaqeeyeen gudiyadii loo xilasaaray taas oo laga dhax arkayey midnimo ku salaysan Soomalino taas oo aan hore looga baran qurba joogta Somaliyeed laakiin hada waxay noqon kartaa arrinkani mid yididiilo geliya dhamaan shacabka iyo dowladoodaba.

 

Runtiina waxaa si aad ah noo farax geliyey jawaabihii ay bixiyeen dhamaan Wasiiradii iyo Wasiiro ku xigeenada taas oo ay ku cadaatay in dowladu ay ka go'an tahay sidii ay dalkeeda hooyo uga howl geli lahayd.

 

Intaa wixii dheer ah waxaad ka dhegeysan kartaan Radio Daljir oo si tooos ah ula socday hadba meesha uu marayo shirku.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Birmingham: Jaaliyada Soomaaliya ee dalka UK oo Wada tashi layeelatey wasiiro ka tarisan Dawlada F Somaliya

- Monday, June 06, 2005 at 01:03

 

Shirkii Wada tashi ahaa ee Jaaliyada UK layeelatey wasiiro ka tarisan dawlada federalka Soomaaliya

 

Birmingham (AllPuntland)- Magaaladda Birmingham oo ah magaalada labaad ee Soomaalida ugu badan ay ku nool yihiin cariga Ingiriiska ayaa waxaa maalintii shalay (Axad, June 5, 2005) ka dhacay kulan ballaaran oo ay jaaliyadu ku waraysteen Wasiiro ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya, kulnakaas oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka UK.

 

Shirka waxaa ka qaybgaleen kana hadlay madax sar sare oo ka tirsan DFKS oo ay ka mid ahaayeen Axmed Sh. Maxamed Loxos Wasiiru Dowlaha dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha dibada oo joogay goobta iyo kuwa kaga qayb qaatay khadka telefoonka oo ay ka mid yihiin Mowliid Macaane Maxamuud wasiirka Deegaanka iyo Dhulalka, Cali Ismaaciil Cabdi Giir Wasiirka dekadah iyo gaadiidka bada, Maxamed Maxamud (Gacamadheere) wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Daaqa, Maxamed Cali Xareed wasiiru dawlaha Gaashandhiga iyo Salaad Cali Jeelle wasiir ku xigeenka warfaafinta, waxayna dhamaan ka qeyb qaateen su'aalo iyo xogwaran jaaliyadu ku waydiisay khadka telefoonka.

 

 

 

Shirka ayaa jaaliyadu waxay u qabatay in ay ku muujiso sida ballaaran ee ay u taageersan tahay DFKS iyo in ay wax ka ogaadaan howlaha dib u heshiisiintu meesha ay marayaan iyo madaama uu soo dhawaaday guuritaankii dowladu qaabka ay rabaan in ay u guuraan iyo meesha ay dowladu ay u guuri doonto, oo ay sheegeen in dawladu bishaan gudaheeda dalka u guuri doonto iyagoo xusay in dawladu tagi doonto dhamaan dalka Soomaaliya saldhigna ka dhigan doonto Muqdisho, Jowhar iyo Baydhabo.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo waxgarad kale oo farabadan oo ka kala socday qaybaha bulshada Soomaliyeed ayaa shirka ka dhigtay mid xamaasadiisu sarayso oo ayna ka muuqatay is jacayl iyo qaranimo jacayl, iyagoo talefoonka kaga dhargay jawaabaha su'aalo faro badan oo qofba goonidiisa isu waydiinayay, waxayna soo bandhigeen tageero buuxda iyo talooyin kale duwan oo ku aaden sida Soomaaliya loogu baahan yahay in ay dawlada Federalku ugu soo celiso qaranimadii, nabadii iyo sharciga dawliga ah.

 

Shirkan oo noociisa aan horay Soomaalida qurbuhu isugu imaan ayaa si heerkiisu sareeyo waxaa uga soo shaqeeyeen gudiyadii jaaliyadu iska qabatay, taas oo laga dhax arkayey midnimo ku salaysan Soomaalinimo oo aan hore looga baran qurba joogta Somaliyeed, waxayna u muuqatay goobta kulanku ka dhacayay mid yididiilo gelinysa dhamaan shacabka.

 

Kulanku markii uu soo gobogaboobay ayaa xubnaha jaaliyada ee kulanka ka qayb qaatay waxay isla qireen inay wax wayn ka ******** jawaabihii ay bixiyeen dhamaan wasiiradii iyo wasiiro ku xigeenada ay waraysteen taas oo ka saartay sida ay sheegeen su'aalo ay iska waydiinayeen sida dawladu dalkeeda uga hawlagayso.

 

AllPuntland, Birmingham

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool dibadda ayaa wada dhaq dhaqaaqyo ay dhaqaalo ugu ururinayaan howlaha nabadeynta gobolka Banaadir.

 

June 06, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool dalalka dibadda ayaa wada dhaq dhaqaaqyo ay dhaqaalo ugu ururinayaan iyo kulamo kala duwan hawlaha nabadeynta gobolka Banaadir.

 

Dhaqdhaqaaq yadan taakulenyta hawlaha nabadeed ee ka socda magaalada Muqdisho ay wadaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibaddaha ayaa la sii dardar galiyey, kadib markii ay soo ifbaxdey is faham u dhaxeeya xubnaha labadda gole ee ku sugan magaalada Muqdisho, taasoo la xiriirta qaabka loo nabadeynayo gobolka Banaadir, isla markaana loogu dhawaaqey xili go’an oo jidgooyooyinka magaalada yaala lagu qaadayo.

 

Munaasabad dhaqaalo loogu ururinayo nabad raadinta magaalada Muqdisho oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa xaley lagu qabtey magaalada Birmingham ee dalka Ingiriiska, halkaasoo khadka taleefoonka uu uga qeyb galey Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan isagoo ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Birmingham ee ka soo qeyb gashey munaasabadan ayaa balan qaadey iney ururiyaan lacag dhan konton kun “US $ 50,000â€, si ay ugu sii hormariyaan hawlaha nabadeynta ah ee ka soconaya magaalada Muqdisho.

 

Diini Maxamed Diini oo ka mid ah qaban qaabiyayaasha dhaqaalo ururintani ayaa HornAfrik u sheegay iney rajo fiican ka qabaan in kaalmadaasi sida ugu dhaqsiyaha badani ay u soo ururaan.

 

Diini Maxamed Diini ayaa sidoo kale sheegay in magaalooyinka kale ee dalka Ingiriiska ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo kulamo loogu ururinayo deeq, hawlaha ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaan magaalada London, oo ay ka dhaceyso kulan balaaran oo la doonayo in dhaqaalo loogu yabooho hawlahaasi.

 

Dhanka kale, xiriirka jaaliyadda Khaliijka ee fadhigeedu yahay wadanka Sucuudi Areebiya, ayaa iyaguna sheegay iney wadaan dadaalo noocaasa oo ay ku taakuleynayaan hawlaha ka socda magaalada Muqdisho.

 

Arrimaha dhaqaalaha lagu uruurinayo ayaa ku soo beegmay xili xubnaha labadda gole ee dowladda federaalka ay ku dhawaaqeen in 07-da bishan jidgooyooyinka magaalada Muqdisho dhamaantood la qaadi doono, iyadoo maleeshiyooyinka iyo gaadiidka tiknikada ahna horey loogu xareeyey xerooyin ka baxsan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this