Sign in to follow this  
General Duke

Puntland elders return from Djabouti:

Recommended Posts

Issimadii Puntland ee Jabuuti tagay oo Warsaxaafadeed Garowe ku qabtay (Daawo Sawirada)

Last Updated::2006-10-19 15:13:29

 

issimo_pl_jabuti_191006_2.jpg

 

issimo_pl_jabuti_191006_4.jpg

 

Garowe:- Waftigii isimada ahaa ee tagay dalka Jabuuti ayaa saaka warsaxaafadeed

ay qabteen waxa ay kaga warbixiyeen ujeedada safarkooda iyo kulankii ay wada yeesheen xalay Xukuumada Puntland.

 

Waxaana warbixintaasi soo jeediyey Suldaan Siciid Maxamed Garraase wuxuu yidhi [...annaggu waxaanu ahayn odayaashii Jabuuti tegay, 2001dii ayaanu Carta isku baranay Madaxda Jabuuti iyo shacabkoodaba, dad soomaali ah oo walaalaheen ah weeye oo hilow leh, soo dhoweyn badan iyo juhdi bay ka qaateen dawladdii waagaa halkaa lagu dhisay...] ayuu yiri Suldaan Garraase.

 

 

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri sidii bay (Jabuuti) weli heegan u yihiin casummaada aanu ka helnaynay waxa ay muddo dheer ayaanu kala maqnayn barashadii waagaas ayey jeclaysteen in aanu isu nimaadno oo wada sheekaysano.

 

Waana isfahanay wada sheekaysi ka dib, waxa ugu badan ee aanu ka wada hadalnayna waxay ahaayeen iskaashiga xagga ganacsiga iyo dhan kastaba wixii loo kala baahan yahay.

 

Diyaarad soo xirantay oo Jabuuti earline ah, xoolaha oo iyaga dhowaan loo furayo oo sucuudiga laga qaadayo xayiraaddii, Arrimo fara badan.

 

Annagoo reer Puntland ahaana ay awal ka ganacsan jireen Jabuuti oo raashinka looga keeno Bangkok qiimihii halkaa uu ku yiil laga siiyo maadaama uu iyaga ganacsigii u furmay, xiyaaradiina weli inna saaran tahay waxaanu isleenahay shacabka waa u dan, kuweerina waa danaynayaan.

 

Haddeer waxa Jabuuti lagu qabanayaa afartan dawladood ganacsigooda, innagana way innaku casumeen.

 

Waxaana hadda lagu jiray qabanqaabadii shirkaasi, markaa nimankaasi waxa aanu ka wada hadalnay annagu Odayaal dhaqan baanu nahay waxa aanu u gudbinay dawladda iyo hay'adihii ku shaqada lahaa, oo aanu shir xalay la galnay.

 

Iyagaana (Xukuumada Puntland) fulinayaa oo ku shaqo leh maadaama ay hay'ad waliba shaqo gaar ah hayso annagga taayadu waa duco maadaama aanu nahay dhaqan.

 

Markaa arrimihii aanu meesha kala kulanay sidaas ayey ahaayeen, wax kalena ujeedadyadu ma ahayn hadda kadibna ambaqaadkooda Dawladda Puntland ayaa lagala xiriiri doonaa.

 

Intaasi ka dib ayaa qaar ka mid ah suxufiyiintii ka soo qayb gashay warsaxaafadeedkaasi ayaa waxa ay weydiiyeen su'aasha ah:

 

1.Ma kawada hadasheen wax kale marka laga yimaado arrimahaasi ganacsi?

 

Suldaanka Siciid oo su'aashaasi ka jawaabay wuxuuna yidhi wixii aanu ka wada hadalnay waxa ay ahayd Soomaaliya dayaceeda ama ay wax naga weydiiyeen,

 

Waxaanu niri annaggu Odayaal dhaqan baanu nahay ee idinka ayaa awalba waday IGAD, Afrika iyo dawladda jabuuti waxa ay ahaydeen dawladihii ugu firfircoonaa haddeerna shaqadii waa socotaa.

 

Laakiin Puntland waxba kama qasna ee hadana ilaa ay soo noqoto wanaaggii iyo shacaarkii dawladdii Soomaaliyeed, wax kala qoqoban oo qoloba magac sheegatay khayr ma leh.

 

Marka waxaanu hawshaa ka niri maamuladii ayaa jooga, Puntland ayaa joogta Federaalkii ayaa jooga, Qolyahaa kale ee xamar baa jooga.

 

Maamulka Puntland ayaa annagga nooga wakiil ah wixii aad idinku halkaa ka qabanaysaa.

 

Maadaama aad tahay Madaxweyne la aqoonsan yahay (waa Ismaaciil Cumar Gelle'ee) waxaad ku dadaashaa ayaanu ku nidhi sidii aad Soomaaliweyn isugu keeni lahayd adiga ayey kuu taal.

 

Su'aal kale oo la weydiiyey ayaa ahayd:

 

2. Suldaan waxa jirtay socdaalkiina Jabuuti, maamulka Jabuutina dhanka siyaadana sida loo badinayo waxa ay taageersan yihiin Maxaakiimta Muqdisho, tuhun badana tegitaankiina waxa ay ku dhalisay shacabka reer Puntland markaa arrintaasi maxaad ka leedahay?

 

Jawaab: Haa waa jirtaa, laakiin waxa jira bani'aadamka waxa la yiri carruurta iyo guri raac wax baa laysaga sheekeeyaa.

 

Arrintaasi waxa ay tahay ninkii miyi joogi jiray ayaa ka war qabee, ayaa waxa carruurta lagu yiraahdaa waar soo carar ayaan guri raac ku cunine.

 

Ninkaasi (Madaxweynaha Jabuuti) soomaali isugu mid bay ahayd, wuxuuna u guntanaa in uu soo celiyo sharaftii Soomaali-weyn haddii uu garab u helo.

 

Waxa la yidhi ruq nin lahaa dabada kaga taagan yahay ma kacdo,

 

Soomaali baan laga helayne isagu Soomaali doon buu ahaa,

 

Hadaba shacabka reer Puntland waxa aanu u sheegaynaa annagu isim baanu nahay isimaduna belo ma raadiyaan fidna ma raadiyaan, qolana ma aha,

 

Issim ninkii ahi muslin iyo gaal haddii uu kasban karo haybadiisa waa in lagu wada noolaadaa, caddaalad waa in uu raadiyaa, dadkana uusan kal jeclaysan,

 

Sidaas ayuu magaciisuna adduunkana meel ku gaarayaa jannona ku helayaa.

 

Su'aal kale ayaa la weydiiyey Suldaanka oo ahayd in Ismaaciil Cumar Geelle (Madaxweynaha Jabuuti) uu wado kulan issimada Muqdisho iyo kuwa Puntland ah arrintaasi maxaa ka jira?

 

Jawaab: Nooma uu sheegin annagga taas beeni waxba ma tarayso, isimaduna iyaga ayaa wada xiriira haddii ay is doonayaan, oo waa hadddii ay arkaan wax khatar ah oo yiraahda waar maxaa inoo dan ah, Waase laga xigaa oo maamulo ayaa jira.

 

Ugu dambayntii waxa la weydiiyey waxa ay u soo jeedinayo ummadda reer Puntland?

 

Waxaanu yidhi Suldaanku waxan ummadda reer Puntland u soo jeedinayaa in ay xejistaan nabadda ay haystaan.

 

Annagu belo ma wadno ilaahayna ka baryi mayno, nabaddiina xagsada, sidaa wax ku suga, hareeraha ka taagnaada, tan baadi doonka loogu jirana qaybtiina ka qaata waa Soomaali-weyne, waxaana idiinku ducaynayaa roob iyo nabad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this