General Duke Posted January 5, 2010 Dagaal & qaraxyo ka dhacey magaalada Muqdisho 5 Jan 5, 2010 - 1:33:07 AM Duqeyn iyo qarax xalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 11-qof, waxaana ku dhaawacmay 35-qof oo la gaarsiiyay Isbitaalada Muqdisho, qaarkood, sida ay sheegeen goobjoogayaal ku sugan Muqdisho. Khasaaraha ugu badan ayaa waxay ka dhasheen duqeynta, taasoo bilaabatay markii lala beegsaday hoobiyeyaal dekeda Muqdisho, halkaasoo la xusay inuu ku xiran yahay markab u raran ciidamada AMISOM. Madfac ku dhacay gudaha dekeda Muqdisho ayaa sababay inay dhaawacmaan ugu yaraan 3-qof oo ka mid ah shaqaalaha dekeda, iyadoo aanay wax kale oo khasaare ah ka dhalan duqeyntii lala beegsaday dekeda Muqdisho. "Afar qof oo xamaalato ah ayaa ku dhintay suuqa Bakaaraha, markii uu madfac ku dhacay bakhaar ay ku jireen" ayuu yiri goobjooge ku sugnaa qaybta raashinka ee suuqaas. Madaafiicda oo laga tuurayay saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DF ay Muqdisho ku leeyihiin ayaa sidoo kale ku dhacday xaafado ka tirsan Degmada Hodan, iyagoo geystay dhimasho iyo dhaawac. Gaadiidka ku gurmadka degdega ah ee Life Line Afrika iyo NationLinks ayaa sheegay inay dhaawacyada dadkaas kala gaarsiiyay Isbitaalada Dayniile iyo Madiina oo koonfurta Muqdisho ku yaala. Dhanka kale, bam gacmeed lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen dhalinyaro oo ku taala degmada Madiina ayaa sababatay inay dhintaan 3-qof ayna dhaawacmaan tiro ka badan 10-qof, kuwaasoo dhamaantood ahaa dhalinyarada. "Ciidamada dowlada ayaa goobta soo gaaray, waxayna ku guulaysteen inay meesha ka qaadaan dhaawacyada, arintan waxay ahayd mid aad looga naxay oo musiibo ahayd" ayuu yiri ruux ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay. Inkastoo aanay jirin koox sheegatay mas'uuliyada weerarkaas ayna baxsadeen kuwii ka dambeeyay, ayaa hadana waxaa cambaareeyay Maamulka degmadaas iyagoo ku eedeeyay kooxaha DF ka horjeeda. GAROWE ONLINE Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 5, 2010 Duqeymo Muqdisho ka dhacay oo khasaare u geystay Dad shacab ah Waxaa goor dhoweyd ka dhacday Magaalada Muqdisho Caasimada Dalka duqeymo dhaliyay Khasaare aan ilaa iyo haatan la aqoon inta uu la egyahay kaas oo loo daabulay qeybaha kala duwan ee Caafimaadka Magaalada . Waxaa ay ku soo dheceen dhowr madfac oo jawaab ahaan uga yimid ciidamada Amisom ee degen Fariisin ku yaala Wadada Shaqaalaha Muqdisho Degmooyinka Hodan iyo Howl wadaag kuwaas oo ku habsaday dad shacab ah oo guryahooda ku sugnaa, waxaase dad goob joogayaal ahi sheegeen in ku dhowaad 3qof ay ku waxyeeloobeen dhacdadaas. Sida la xaqiijiyay waxaa ay yimaadeen duqeymahan ka dib markii xoogaga Hubeysan ee Dowlada ka soo horjeeda ay weeraro hoobiye yaal ah ku tuureen Fariisimo ay ciidamada Nabad ilaa linta Amisom Wadada Shaqaalaha Muqdisho ka dibna ay soo bexeen Jawaabo ka dhan ah weeraradaas. Si kastaba ha ahaatee ma ahaan tani mid ku cusub dadka reer Muqdisho waxyna noqotay mid caado u noqota markii ay dhacaan weeraro lagu qaado Amisom Jawaabaha ay soo bixiyaan taasina waxay Qatar gelisaa Shacabka oo mararka qaar dhibaato xoogan ka soo gaarta. C/raxmaan Lucky SBC International- Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites