Sign in to follow this  
Dhuujiye

Dowladda Eritrea oo Dowladda Soomaaliya ku eedeysay in ay dembiyo dagaal gashay

Recommended Posts

Dhuujiye   

Axad, August 23, 2009(HOL): Faallo lagu soo qoray afka Dowladda Eritrea ayaa ku eedeeysay Dowladda Soomaaliya in ay gashay dembiyo dagaal oo ka dhan ah bani’aadannimada, isla markaana ay xasuuq u geysatay Shacabka Soomaaliyeed.

 

Faalladan oo lagu soo daabacay Website lagu magacaabo shabait.com ayaa waxaa ay dowladda Eritrea uga sii hadashay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, kuwaasi oo ay dad badan ku dhinteen.

 

Faallada waxaa kale oo lagu sheegay in dembiyada dagaal ee ay gashay Dowladda Soomaaliya ay noqon doonaan kuwo lagula xisaabtamo, “Dowlad ku sheegta Soomaaliya waxaa ay si gaar ah ugu xulatay dadka Soomaaliyeed in ay disho, iyadoo aan u heysan sharciyad iyo welib marmarsiyo siyaasadeed”ayay tiri Dowladda Eritrea.

 

Waxaa kale oo ay Dowladda Eritrea ku eedeeysay Dowladda Soomaaliya in ay dalka Soomaaliya soo gelisay Ciidamo shisheeye ah oo ayidayay in faragelin iyo xasilooni darro lagu sameeyo Soomaaliya.

 

Dowladda Eritrea ayaa lagu eedeeyaa in ay taageero siiso Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, iyadoo taageero-siinta kooxahaasna dhowr jeer loogu hanjabay in cunaqabateyn lagu saari doono. Sababtaas darted ayaana la rumeysan yahay in ay Dowladda Eritrea u mucaaradeyso Dowladda Soomaaliya oo ay taageeraan Dowladaha Gobolka iyo kuwa Caalamka oo ay ugu horreyso Dowladda Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this