Sign in to follow this  
General Duke

Puntland, the Diaspora celebrate 12th anniversary: PICS + SONGS

Recommended Posts

London oo Si Yaableh Looga Xusey Sanadguuradii 12aad ee Puntland [sawiro]

 

August 2, 20100 comments| leave your own!

 

Xaflad balaaran, oo loogu debaal degayey sanadguuradii 12aad ee aasaaskii Dowlada Puntland, islamarkaana si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ka dhaccday magaalada London ee caasimada dalka Britain.

 

Boqolaal dadweyne reer Puntland ah ayaa isaga kala yimid magaalooyinka iyo gobolada ay ka kooban tahay England si ay u muujiyaan maalinta farxada badan ee 1da Ougust.

 

Munaasabadan waxaa kaloo kasoo qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka Somalia oo uu horkacayo Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ah wasiirka warfaafinta DKM ah, dhanka Puntland waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay horkacayeen wakiilka Puntland u fadhiya qaarada Yurub Dr. Maxamed Xasan Barre, iyo sidoo kale C/qaadir Farah Jibriil oo isaguna ah u qabysanaha arrimaha Puntland ee dalkan Britain, madaxda jaaliyadda Puntland, iyo masuuliyiin ajnabi ah oo xafladan lagu soo casumay.

 

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa isagana xuskan kaga qaybgalay khadka taleefanka magaalada Garoowe, madaxweynaha ayaa jaaliyada Puntland ee reer Britain u diray hambalyada munaasabadan qiimaha leh, isagoo si weyn uga hadlay arrimaha amaanka iyo xoojinta xiriirka caalamiga.

 

Masuuliyiintii xaflada ka hadashay oo isugu jiray kuwa ka socday dowlada dhexe ee Somalia iyo kuwa heer Puntlandba waxay diirada saareen adkaynta amaanka Puntland inuu yahay arrin muhim ah, maadaama ay tahay gobolo nabad ahaa in muddo ah, loona baahan yahay in la iska qabto wax walba oo wiiqi kara nabadgelyada mudada dheer ay ku naaloonayeen umadda reer Puntland.

 

Waxaa dhambaal nabadeed loo diray shacabweynaha Puntland ee iyagu ku nool Puntland inay ilaashadaan, kuna fara-adaygaan nabada iyo horumarka ka hana qaaday Puntland 20kii sano ee u danbeeyey.

 

Damaashaadkan oo ahaa mid loo soo diyaariyey si Style ah ayaa waxaa goobta lagu arkayey hablo iyo wiilal ku labisan calanka Puntland, iyo sidoo kale dadweynaha oo qof walba uu sitay calanka Puntland, kaasoo lagu xardhay meel walba oo aad eegto.

 

Waxaa xusid mudan in damaashaadkii reer London ee xalay ay wacdaro lama ilaawaan ah ka dhigeen fanaaniin Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa fanaanka sameeyey, kuna luuqeeya heesta calanka Puntland Ustaad Cali Hasan (Cali Puntland) sidoo kale waxaa iyagana door shariif ah ka qaatay xuskii xalay fanaaniin iyo abwaano ay ka mid yihiin Al-fanaan Xudeydi, Ikraan Caraale, Maxamuud Amoore, Amino Dhool, Kastam, Feysal dajiya, Mahad Prince iyo fanaaniin kale oo reer Djabuuti ah.

 

Jaaliyada reer Puntland ee ku nool UK, waxay ku soo ebyeen damaashaadkii xalay farxad, yididiilo iyo iyadoo aad arkaysay in qof walba oo xaflada joogay ay isugu hambalyeynayeen maalintan qaaliga u ah shucuubta reer Puntland.

 

Horseedmedia

London

Share this post


Link to post
Share on other sites

I am proud of London at last.. Well done.

Indeed the lagest Somali Diaspora has at long last woken up and everything else will be history..

 

Viva Puntland....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Allidalaamale:-Dhamaan Deegaanada Puntland Waxaa maanta looga dabaal dagay xuska Munaasabada 1-da August ee ku beegan Sanadguuraii 12-naad ee Asaaska Puntland.

 

Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland ayaa Maanta waxaa ka dhacay Xaflado si heer sare ah loo diyaariyay oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Dawlada,Aqoonyahanada, Madexdhaqameedka, Ururada Haweenka , Dhalinyarada , Culimada Diinta, Barayasha iyo Ardayda Dugsiyada, Waxaana Dhamaan Xafladahan lagu soo bandhigay Warbixino ku aadan Deegaanada Puntland iyo Waxqabadka Dawlada ee Sanadkan.

 

Magaalada Garowe ee Xarunta Dawlada Puntland ayaa Waxaa ka dhacay Xaflad weyn oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta ugu saraysa Dawlada, kuwaas oo hadalo kooban ka jediyay Musaanada, Sidoo kale Waxaa Goob joog ahaa Qaybaha Bulshada Rayidka ah, Waxayna iyaguna ka hadleen Waxyaabaha ay dawlada ugu baahanyihiin iyo Sida ay u soo bandhigayaan Taageerada Dawlada ay siinayaan.

 

Magaalada Garowe waxaa ka dhacay Xaflado farabadan oo lagu xusayo Munaasabadan Waxaana Galabta jiri doono Ciyaaro ku salaysan Kubada Cagta oo galabta lagu soo bandhigayo Garoonka kubada Cagta ee Magaalada Garowe iyadoo looga qayb qaadanayo Munaasabada 1-da August ee Sanad Guurada Puntland.

 

Magaalada Gaalkacyo ayaa Sidoo kale Waxaa ka dhacay Xaflado kala duwan oo Munaasabadan 1-da August lagu Maamuusayo oo ku aadan 12 guuradii dhismihii Puntland.

 

Sadex Xafladoo ayaa Waxay ka kala dhaceen Xarunta Dawlada hoose, Xarunta Waxasaarada haweenka ee Gobalka Mudug, Xarunta Gobalka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo, Waxaana Dhamaan xafladahaasi lagu soo bandhigay Cayaaro kala duwan iyo Mashxarado Munaasabadan lagu weynaynayo.

 

Munaasabadahan Waxaa ka qayb galay Maamulka Gobalka Mudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Puntland, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Aqoonyahano iyo Wagarad, Dhalinyaro iyo Ururada Haweenka Gobalka.

 

Galabtana Waxaa la filayaa Ciyaaro munaabsadan Lagu Maamuusayo in ay ka dhacaan Garoonka kubada Cagta ee Magaalada Gaalkacyo, iyadoo loogu talagalay in ay Ciyaarahaasi Dawadaan Dadweyne aad u farabadan oo Dhalinyaro u badan.

 

Magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay Xadlado kuwan la mid ah oo si weyn loogu soo bandhigay Taariikhda Puntland iyo Marxalada ay hada Marayso, waxaana Dadweynaha lagu baraarujiyay in ay Dawlada kala shaqeeyaan Sugida Amniga.

 

Dhamaan Deegaanada Puntland Waxa maanta si wadajir ah looga xusay Munaasabada 1-da August oo ah sanadguuradii 12-naad ee ka soo wareegatay Asaaskii Dawlada Puntland, iyadii Sanadkan uu noqonayo sanadkii labaad ee Deegaanada Puntland laga xusay Sanadguurada Puntland tan iyo Markii uu Xilka qabtay Madexweyne Faroole.

 

 

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this