Sign in to follow this  
Cowke

President Farole Urges TFG In-fighting To Cease

Recommended Posts

Cowke   

Istanbul:"Madaxweyne shariif waan u sheegey in aanan marka Dawladu u baahnayn khilaaf cusub"Madaxweynaha dawlada Puntland.

 

26. maj 2010

 

Istanbul:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay ka hadashay khilaaf dhawaan soo kala dhexgalay madaxda sare ee dawlada soomaaliya,waxayna dawladu sheegtay in aanan waqtigan loo baahnayn khilaaf madaxda soo kala dhexgala maadaama ay dawlado hore ku burbureen.

 

Madaxweynaha dawlada Puntland ee Sooomaaliyeed Dr,Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) oo dhawaan ka qeybgalay shirkii ka dhacay magaalada Istanbul ee wadnaka Turkiga ayaa sheegey in reer Puntland ay ka xunyihiin khilaafka madaxda dawlada,wuxuuna sheegey in uu arintaas kala hadlay madaxweynaha soomaaliya oo ay dhowr jeer ku kulmeen magaalada Istanbul.

 

"Madaxweyne Shariif waanu isargnay,waxaanu u sheegnay in aanu ka xunahay khilaaf soo kala dhexgala madaxda dawlada,marka asna aad buu uga xumaa waxa jira,marka Annagu markasta ma soo dhaweynayno khilaaf madaxda dawlada soo kala dhexgala waayo kuwo hore ayaa ku burburay"Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay khilaafkii dhawaan soo kala dhexgalay madaxda Dawlada.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegey in intii uu khilaafkaasi socday ay qaarkamid ah dhinacyadii ishaystay xiriir lasoo sameeyeen,wuxuuse sheegey in xukuumadiisu aysan marna doonayn inay ka dhexmuuqato khilaafkaadka madaxda dawlada taas darteedna ay ka gaabsadeen,wuxuuna sheegey in markasta khilaafaadyada dawlada ay kasoo shaqeeyaan wadamo shisheeye oo aan jeclayn hor'umarka Soomaaliya laakiin waa uu ka gaabsaday inuu carabka ku dhufto kuwa ay yihiin dawladaha ka shaqeeyaa dib udhaca Soomaaliya.

 

"Aniga intii uu Khilaafkaasu taagnaa waxaan joogay Nairobi qaarkamid ah dhinacyadii ishaysta ayaa xiriir ila soo sameeyey,marka annagu markasta ma jeclin in aanu ka dhexmuuqano khilaaf dawlada u dhexeeya sidaas darteedna waanu ka gaabsanay,waxaadna ogaataan markasta in Khilaafka Madaxda dawlada ay dawlado kale kasoo shaqeeyaan"Ayuu yiri madaxweynaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud wuxuu sheegey in shirkii ka dhacay Wadanka Turkiga dhawaan uu ahaa mid muhiim u ah dhamaan soomaalida oo dhan,waxaana uu intaas kudaray in madaxdii Puntland ee kulankaas ka qeybgashay ay kasoo jeediyeen ajindaha Puntland & qaabka wadanka nabad loogu raadin karo,wuxuuna sheegey in madaxdii ka qeybgashay shirkaas ay ku farxeen dhamaan khudbadihii ay jeediyeen madaxda Puntland ee kulankaas tagtay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xiinfaniin how is the title misleading?

 

"Madaxweyne shariif waan u sheegey in aanan marka Dawladu u baahnayn khilaaf cusub"Madaxweynaha dawlada Puntland

How else do you translate that into english? He said "I told president sharif the tfg doesn't need new hostilities/infighting". I translated that to a Summarized format "President Farole condemns TFG In-Fighting".

 

So if farole says the govt doesnt need any new infighting or bickering, wouldn't you classify that as condenmning? of course it because if he approved of the infighting he wouldn't say "the tfg doesnt need new conflicts".

 

So if you can clear up why my title is misleading please let me know. My topics are not misleading and usually factual.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this