Jacaylbaro Posted March 30, 2008 Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa Ku Eedeeyay shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan In ay U Ogolaadeen Inuu Ku dhex dhuumaalysto Deegaanadooda Yuusuf Indhacade Oo Golihii Maxaakiimta islaamka ka ahaan jiray Madaxa Amniga islamrkaana uu ku sheegay Inuu Danbiyo uu ka Soo Galay Dadka ku dhaqan Shabeelada Hoose oo uu Gudoomiye ka ahaan jiray xiliyadii Hore . Dabageed oo hadalkan ka sheegay kulan ay maamulada deriska ah ee shabeelada Dhexe Iyo Hiiraan maanta ku lahaayeen magaalada Buulo-barde ayaa waxuu dhaleecayn iyo eedayn dusha kaga Tuuray shacabka reer hiiraan oo uu sheegay inay ka feejignaadaan reer Hiiraan inay deegaankooda ku qariyaan dadka shacabka dembiga kasoo galay islamrkaana nabad diidka uu ku sheegay waa siduu hadalka u dhigaye . Sidoo kale Gudoomiye dabageed oo dhowaanahanba Booqasho dhinaca dhulka ah ku marayey deegaanada Gobolka Hiiraan oo ay shaqaaqooyin Colaadeed ka aloosnaayeen ayaa carabka ku dhuftay inaysan marnaba ka yeeli doonin cidnaba in wadankooda lagu qariyo Kuwa dembiyada ka galay shacabka soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye . Hadalka Dabageed ayaa kusoo beegmaya xili ay ay maalintii shalay ahayd dagaalo iskaga horyimaadeen Xoogaga wax iska caabinta ee kasoo Horjeeda siyaasada dowlada Iyo weliba Joogitaanka ciidamada Ethiopia Iyo Ilaalada ciidamada dabageed deegaano kamid ah Gobolka Hiirtaan islamrkaana ay halkaas la sheegay inay ku Gubeen Ciidamada Dowlada guri ay lahaayeen dad rayid ah . Dhinaca kale Dhowaanahan ayaa waxaa soconayey dadaalo ay labada maamu iskaga kaashanayaan dagaalada iyo xiisadaha kasoo cusboonaaday deegaanada u dhexeeya labada gobol sidii ay iskaga difaaci lahaayeen xoogaga kasoo Horjeeda . Quote Share this post Link to post Share on other sites