Sign in to follow this  
Paragon

Ciidamo ka gadoodey Hiraale

Recommended Posts

Paragon   

Ciidamo ka gadoodey Hiraale

11 Oct 11, 2006, 11:49

 

Ciidamo ka amar qaata Col.Barre Aadan Shire oo ah Wasiirka Gashaan dhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gaaray tuulo ku dhow degmada Saakow oo ka mid ah Gobolka Jubada Dhexe.Ciidankan oo ku hubaysan illaa iyo dhowr iyo labaatan Teknika ah ayaa waxaa la sheegay inay ku soo wajahan yihiin Degmada Bu’aale oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Maxkamadaha.

 

Wararka aanu ka heleyno Degaanadaas ayaa waxaa ay sheegayaan in khilaaf uu soo kala dhex galay Ciidamadii Barre Hiiraale iyadoo qaar ka mid ah ay soo jeediyeen in aan waqtigan loo baahnayn wax dagaal ah., halka qaar kalena ay Barre ku eedeeyeen in mudadii uu Gobolka Jubada Hoose uu ku sugnaa uusan waxba ku soo kordhinin danaha Beesha ha noqoto dhinca teknikada iyo dhinaca hormarka iyagoo intaa raaciyay wixii dhaqaale ahaa ee ka soo xeroon jirey Gobolka Jubada Hoose ay ahaayeen kuwo uu ku takri falay Barre nafsad ahaantiisa.

 

Qaar ka mid ah Ciidamadan oo dib ugu laabtay degmada Baar dheere ayaa bulshada halkaa ku dhaqan waxay u sheegeen in waqtigan aysan haboonayn Dagaal, maadaama uu barre horey isaga soo baxay, Kismanyo warku waxaa uu intaa ku daray in Barre Hiiraale uu gurmad ka sugayo dhinaca Dawladda Federaalka.

 

Somalitalk+Garowe online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this