Sign in to follow this  
Cowke

Farole Going To Nairobi Due Cisman Diyano Issue

Recommended Posts

Cowke   

Madaxweynaha Puntland oo Safar Deg Deg ah Ku Tagaya Nairobi

 

Garowe (RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa isu diyaarinaya safar uu maalinta berito ee Axadda ah ugu socdaali doono magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida RBC Radio u xaqiijiyeen ilo wargal ahoo dowlada Puntland ka tirsan.

 

Socdaalka madaxweynaha uu ku tegi doono Nairobi ma ahayn mid horey ugu sii qorsheysnaa madaxtooyada, waxaana wararku sheegayaan inuu yahay safar kedis ah oo madaxweynuhu si deg deg ah ugu ambabixi doono.

 

Saraakiil u warheysa safarka madaxweynaha oo ku sugan Nairobi ayaa u xaqiijiyey wariyaha RBC Radio ee Nairobi in madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo dhowr masuul oo dowlada Puntland ka tirsan ay socdaal ku iman doonaan Nairobi isla todobaadkan. Waxaana socdaalkaasi uu ku xiriirsan yahay wada hadaladii muranka badan dhaliyey ee waayadanba hareeyey hawlaha madaxtooyada kuwaasi oo ku saabsanaa xilka qaadistii agaasimihii hay’ada sirdoonka PIS Col. Cismaan C/laahi Maxamuud (Diyaano) taasi oo uu ka biyo diiday Col. Cismaan Diyaano.

 

Mid ka mid ah qabanqaabiyaasha safarka madaxweynaha ayaa laga soo xigtay in safarka madaxweynuhu uu ka dambeeyey marti qaad uu ka heley saraakiil sare oo ka tirsan waaxda sirdoonka Mareykanka oo ku sugan Nairobi si ay uga wada hadlaan soo afmeerida xiisada ka dhalatay xilk qaadista sarkaalkan oo khilaaf ka dhex abuurtay taliska hay’ada PIS iyo madaxtooyada Puntland.

 

Waxaana socdaalkan oo weli aan si rasmi ah loo shaacin uu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadkii hore kulan ka dhacay madaxtooyada Boosaaso isla markaana wada yeesheen madaxweyne C/raxmaan Faroole iyo saraakiil ka tirsan sirdoonka oo uu hogaaminayey sarkaal Mareykan ah la isku afgaran waayey ka dib markii madaxweyne Faroole uu ku adkeystey go’aanka xilka qaadista agaasimaha Cismaan Diyaano taasoo sababtay in saraakiisha sirdoonka ay isaga baxaan kulanka.

 

Lama yaqaano waxyaabaha sida gaarka ah looga wada hadli doono kulanka ka dhici doona Nairobi marka uu madaxweyne Faroole halkaasi safarka ku tago, hase ahaatee waxaa warar hoose sheegayaa in madaxweynaha iyo saraakiisha hogaanka sirdoonka Mareykanka oo ay hoostagto hay’ada PIS ay ka wada hadli doonaan sidii loo xalin lahaa la isuna meel dhigi lahaa khilaafka ka taagan xilka qaadista agaasimaha PIS.

 

Xubnaha safarka ku wehlin doona madaxweyne Faroole ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose C/laahi Axmed Ilko jiir iyo agaasimaha cusub ee hay’ada PIS uu u magacaabay Col Cali Biinge kuwaasi oo dhamaantood ku wada sugan Boosaaso.

 

Sida wararku nagu soo gaarayaan madaxweynaha Puntland waxaa uu qabaa in hay’ada PIS hadda wixii ka dambeeya ay noqoto mid hoostagta lagana maamulo madaxtooyada, laakiin ma cadda sida arintaasi uu ugu guuleysan karo adaxweynuhu waayo hay’ada PIS ayaa mushaharaad, tababarada iyo qalabkaba ka hesha dowlada Mareykanka.

 

Socdaalkan ayaa soo baxay iyadoo madaxweynuhu maalmahan kulamo uu kula lahaa magaalada Boosaaso odayaasha dhaqanka iyo masuuliyiinta kala duwan ee dowlada, wuxuuna socdaalkan deg dega ah soo afmeerayaa shirarkii madaxweynuhu la lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Bari oo uu todobaadkii hore soo gaaray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this