Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Soomaaliya: Qaran gacanta loo geliyay cadowgiisa

Recommended Posts

Another daljecel oo dhab ka ah. He is the former daljire to Hindiya and the caretaker post-civil war of that embassy.

 

Md. Max'ed Cismaan Cumar wrote a very detailed, balanced historical book about Soomaalis and Soomaaliya, which I keep forgetting to buy it from his sons' famous restaurant where they sell it, Macmacaanka Xamarweyne here in Koronto.

-------------

 

Soomaaliya: Qaran Gacanta loo Geliyay Cadawgiisa

 

mohamed_osman1.jpg

 

Maxamed Cismaan Cumar

May 10, 2007

 

Waxa ka dhacay dalka Somaaliya maanta waa wax aan loo dul qaadan karin, ahna dhibaato in laga soo kabsado waqti qaadan doonto. Waa dhibaato xad-dhaaftay adkeysiga bani-aadanka. Waxuu dhaliyay musiibad aan maskaxda qaadi karin. Iska dhegatirka ama faro ka qaadka dilka loo geystay maalin kasta shacab aan waxba geysan, oo ay ka mid yihiin dumar, carruur iyo waayeel oo ay ku dhinteen gantaalada culus ee ciidanka Ethiopia ay ku soo tuuraayeen xaafado ka mid ah magaalada muqdishu, gaar ahaan meelaha ay dadka ku badan yihiin, waxaa loo qaadan karaa in kooxaha loo yaqaal “mujtamaca adduunka” ay is yiraahdeen “maxaa naga galay” haddii la dhameeyo shacabka Soomaali, dalkana laga tirtiro khariidada adduunka.

 

Shaki kuma jiraan in “mujtamaca adduunka” oo ay ka mid tahaya Qaramada Midoobay ay ku dhaqmaayaan tayda ah “waxba ma arkin”, “waxna ma maqlin”. Waxaa yaab leh halkii ay mareen dadkii faraha badnaa oo had iyo jeer wadooyinka magaladaha isu soo baxi jiray iyagoo ka mudaaharaayo gardarrada iyo daandaansiga lagu haayo dadka dabarta darran iyo kuwa aan is daafici karin.

 

Aaway dhalinyaradii geesiyaasha ahaa oo ka wada iman jiray kuna soo qulquli jiray caasimada adduunka iyagoo sita boorar looga soo horjeedo dilka iyo xasuuqa shacab weynaha?

 

Munaafaq-nimo xad malaha. Waxaa jiri jiray in xitaa haddii qof xayawaan (sida eyga) uu asiga leeyahay garaaco, dad badan si adag uga soo horjeesan jiray oo bannaanbax ka sameyn jiray iyagoo ku andacoonaayo in ay u dagaalamaayaan xuquuqda xayawaanka. In bannan baxyadaas ay ula jeedo gaar ah leyihiin, waxaa ku tusaaya in dhowaan meello badan oo ka mid ah caasimadaha reer galbeedka oo bannan baxyo looga soo horjeedo Dawladda Suudaaan laga qabanqaabiyay kaas oo lagu taageeraayey dadka gobolka Daarfuur ee dalka Sudaan oo waxa sidaas loo buun-buuninaayo oo halkaas ka dhacay, dhimasho ama barakac dadweyne, aan marna la bar-bar dhigi karin waxa loo geystay ummadda Soomaaliyeed. Markii ummad dhan waddooyinka lagu dilay ama ku dhaawacmay bombooyin guryahooda lagu soo aadiyay, carruurtana ku dhaawacmay ama ku dhintay iyagoo dibadda ku ciyaaraayo ama kuwa yaryarna sariirta jiifa, waxaa u soo bannnaan baxay, oo weliba codkooda la cuna- qabateeyey, waxay ahaayeen Soomaalida ku nuul dibadaha, oo isugu jira rag iyo dumar, yar iyo weyn, hase yeeshee aan qayladoodana dheg loo dhigin. Gabartii lagu keenay TV-ga Al-Jazeera oo sheegtay in iyadoo reerka u kululeynaysa contadii bariday bomb kurigooda ku soo dhacay oo dadkii deganaa oo dhan ku dhaawacmay. Cabsi laga qabo in, iyadoo jidka la goynaayo ay bomb disho, ayaa dadka ku qasbay in maalin kasta suuqa loo bixin oo waxii baryay loo kululeeyo reerka.

 

TV-ga Al-Jazeera waxaa kale ay daawadayaashooda tustay wiil jiifay sariir isla isbitaalkaas oo ama hal jir ah ama ka yar, oo cunaha ilaa caloosha oo dhan ka saran yahay faasho oo u ekaa in caloosha ka gaartay bombadahii faniinkooda. Sidoo kale, asigana waxuu ku soo dhawacmay bombadii ku dhacday gurigooda. Boqolaalo dhibaato oo noocaas ah ayaa dalka ka dhacay oo cid magdhaw siinaysa aan jirin madaama nidaamka ay ku dhaqmaan kuwa ku andacooda in ay la dagaalamaayaan argaxisada adduunka, Somaaliya iyo dalalka kale ee diinta Islaamka haysta dadkii ay ku dilaan: carrur, dumar iyo waayeel, ay ku sheegaan qof laga shakiyay ama lagu tuhmay inuu ka mid ahaa argagixiso. Ma jiraan wax su’aali kara ama u dacwoon kara in maxkamad lagu qaado kuwa wax dilay. Sharcigooda ayaa u fasaxaayaa in ay dilaan ciddii ay rabaan.

 

Ma dhicin in kooxaha lagu sheego “mujtamaca adduunka” ay si toos ah ugu baaqeen in kuwa si gardarrada ah ugu dilay shacabka Somaaliyeed in ay joojiyaan baabi’inta ummadda iyo burburinta hantida dadweynaha. Waxaase xusid mudan in bishii April 23, 2007, ay Modowga Yurub ay soo saareen war cad ay ku “warsanaayaan in ciidanka Dawladda Somaaliya iyo kooxaha ka soo horjeedo ay joojiyaan dagaalka, isla markaasna taageereen dowrka Midowga Afrika ay ka ciyaaraayaan dalka.”

 

Midowga Yurub waxay iska indha tirtay ama ka war-wareegtay in ay soo qaado maga Ethiopia, kaas oo xitaa qalabyada warbaahinka Maraykanka ay qoraan: “Ethiopia inay la dagaalameyso Soomaalida iyagoo ku andacoonaayo in ay gacan siinaayaan ciidanka Dawladda”. Tank ayaa lagu dhameeyay dadka. Tank ama waxii la dhihi jiray gaarida gaashaaman, oo ay Dawladda leedahay waxaa ugu dambeeyay dalka labaatan sano ka hor oo ay jireen tankiyo weli dhaqaaqaayo.

 

Suurto gal ma tahay in Labaatan iyo toddoba Wasiiro Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ee isku sheega inay adduunka ugu ilbax-sanyihiin, in xitaa midkooda uu fahmi waayey cawaaqibta ka iman karta Ethiopia oo soo weerarta, qabsatana dalka Somaaliya, nooc kastaba ha ku soo gashee, iyadoo la ogsoon yahay xiriirkooda taariikhiga ah siduu yahay. Ma dhici kartaa in ay ku fikiri waayeen in aan labadaas dal la iska horkeenin ama in la kala ilaaliyo?. Markii la wada maqlay oo adduunka ku faafay, idaacadaha iyo TVyada sheegeen, dilka faraha badan iyo dhibatada shacabka Somaliyeed la gaarsiiyay ayay garteen in ay iyagana ku biraan kuwa leh: “aad ayay uga walwalsanahay.”

 

Midowga Yurub, mucaawino lacageed ayay meel dhigeen, hase yeeshee, ay sheegeen in isticmaalkiisa ku xiran yahay “wada hadal in uu dhex maro Dawladda iyo kuwa ka soohorjeedo”. Intuusan weli hirgelin qorshahii Midowga Afrika ee ahaa in uu ciidan u diro Somaaliya, kumayaalo oo Somaali ah ayaa ciidanka Ethiopia kali ah, ama ay dileen ama dhaawaceen. Kuwo kalena guryahooda ay dhulka dhigeen iyo dad tiradooda lagu qiyaasay 400,000 ay bara-kiciyeen, iyagoo hiil iyo hooba ka helaayaan Midowga Yurub iyo Maraykanka. Somaalida waxay aad iyo aad uga xumaatay cambaareyn la’aanta dawladda shisheeye oo soo weerartay qabsatayna dalkooda, iyadoo ay xubin ka tahay Qaramada Midoobay.

 

Sida horeyna u dhacay, haddana, Golaha Ammanka waxuu door biday in uu ka aamuso in la jebiyo go’aankiisa uu soo saaray 5ii Disembar ee 2006, oo qodob ka mid ah qoraayo:

 

“4. Waxuu ayidaayaa sida ay IGAD qorshaheeda yahay in dawladaha deriska la ah Somaaliya aysan geynin ciidan Somaaliya.”

 

Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yusub Maraykanka iyo Qaramda Midoobay waxay ku heshiiyeen in shacabka Somaali lagu xukumo in ay dembi gashay markii ay u sacab tuntay, guushii Midowga Maxkamadaha ay ka gaareen qabqableyaashii dagaalka, sida la ogyahay, cuna qabateeyay dalka iyo ummadda muddo toban iyo lix sano. Somaalida lixdii bilood ay Maxaakimka dalka qaarkiisa gacanta ku qabsatay uu ahaa, taariikh lama iloobaan, madaama ay muddo dheer ku noolaayeen dulli iyo dandarro oo ay ka mid ahaayeen kufsi iyo xasuuq iyo jidgoys.

 

Xitaa kooxaha u dooda xuquuqda insaanka, ma su’aali karaan haddii Ethiopia iyo Maraykanka ku andacoodaan in gabartii isbitaalka ka hadleysay ee reerkeeda oo dhan bomb dhaawacay iyadoo cunto kululeyneyso ay cuntada u diyaarineysay “argagaxiso” ama wiilkii yaraa, ay yiraahdaan, waxaan tuhun-sanahay in hadduu weynaado uu noqonaayo al-Qaacida.

 

Maraykan dan kama laha in Somaaliya nabad iyo xasilooni gaarto. Waxuu ku andacoonaayaa in uu la dagaalamaayo argagixiso oo ay madax u tahay al-Qaacida, oo saddex ka mid ah ay ku qarsan yihiin Somaaliya. Arrintaan waxaa suurtowda inay tahay marmarsiiyo lagu daboolaayo in ay dalka ka leedahay dan strategic ah, iyadoo ku xisaabtameyso in Somaaliya ay ku taallo meel aad iyo aad strategic u ah. Run ahaan, Somaalida dembiga loo haysto waa ahmiyadda ay leedahay iyo meesha ku taallo.

 

Ma aha markii ugu horeysay oo Somaaliya lagu cambaareeyo in ay qarineyso argagixiso. Markii ay xukunka haysay dawladdii TNGda, waxaa la faafiyay war ku-tiri-ku-teen ah oo dhahaayey in meel la yiraahdo Shimbiraale ay xero ku leedahay al-Qaacida. Markay arrintaas run u qaateen, ayaa wariyeyaal Maraykan ah isla markii Xamar dayaarad ka qaatay oo tagay isla Shimbiraalehii la yiri waxaa jooga al-Qaacida. Waxay soo waayeen wax raad ah ama u ek meel laga guuray. Shimbiraale, waxay usoo arkeen in ay tahay meel xitaa shimbirta ay hebeen ku nasan karin.

 

Markale, warkii ku-tiri-ku-teenka ahaa ayaa isla ilahii markii horeyna faafiyay, soo if baxay. Markaan, iyadoo aan la xaqiijinin, Maraykanka, waxuu hawl geliyay uu mushahar boqolallo kun dollar ah u qoray dagaal oogeyaashii dalka dan-darreystay. Dagaal oogeyaasha markay keeni waayeen argagixisadii la raadinaayay, si loo sharciyeelo mushaharadii ay qaateen, ayay dagaal la galeen Midowga Maxkamadaha, halkaas oo ay ku guul darreysteen.

 

Markii laga guuleystay dagaal oogeyaasha, ayaa Maraykanka go’aansaday inuu aqoonsado Dawladda Federaalka oo la sameeyay 2004, laba sano ka bacdi markay jirtay. Maraykan markuu laba sano diidanaa in uu aqoonsado Dawladda Federaalka, ayaa danta ku qasabtay, si uu “awoodeeda” sharciyeed u isticmaalo. Madaama uu ogyahay in dawladda ay awood lahayn, waxuu kaga faa’iideystay inay warqad cad ah u saxiixdo Ethiopia iyo Maraykan in sidii ay rabaan ay dalka ka yeelaan oo meeshii ay rabaan dayaarado ama tankiyo ku garaacaan, iyadoo sabab loogu dhigaayo la dagaalanka argagixisada.

 

Qorshaha lagula dhaqmaayo waxaa dejiyay Maraykan. Meelaha la garaacaayo iyagaa tilmaamtiisa bixiyay. Ethiopia waxay weerartay gegadaha dayaarada Muqdisho iyo Balledoogle, bishii Disember 2006. Bishii Jannaayo 7, Markii Maraykanka ku duqeeyay dayaradda dagaalka C-130, meel ay u tilmaamsadeen in ay joogaan argagixiso, halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 70 qof oo xoolo raac ah oo ka nasanaayay daalkii maalintaa oo ay ku soo daaleen caws iyo biyo u raadin xoolahooda. Halkii ay fadhiyeen oo dab ay kaneecada iskaga fogeeyaan u shidnaa, ayaa si toos loogu garaacay dadkii iyo xoolahii.

 

Dadkaas si gardarrada ah loo dilay iyo kuwa magaaladda bombooyinka lala dacay oo dhintay ama dhaawacmay iyo khasaaradaha faraha badan ummadda la gaarsiiyay, xisaabta mubaaxda ah aan cidna loo qabsan karin miyaa lagu daraa?

 

Wax yar oo tala ayan jeclaan lahay inaan u jeediyo dalalka reer galbeedka, Midowga iyo Maraykanka anigoo og caqliga ayku shaqeyn jireen uu ahaa sida ganacsiga loo yaqaan kala bax. Beryahii hore xiriirka dalalkaas iyo dalalka soo koraayo ama dunida saddexaad, meel fog ma gaari jirin sababtoo ah xiriirka waxuu ku xirnaa shaqsiga markaas kursiga ku fadhiyay, oo ay u badnaayeen kuwii isticmaarka ku wareejiyay kursiga, oo galbeedka u aqoonsan jiray in asiga keligii loo dhiibo waxii xisaab ah ee dalka loo soo qorsheyn jiray. Dan lagama gali jiray meesha aay ku baxayso mar haddii shaqsigaas laga dhameysan karo danta la leeyahay. Sida la ogsoon yahay, malaayiin oo dollaarka Maraykanka ayaa lagu warejin jiray bunuugta Yurub, gaar ahaan kuwa ku yaalla dalka Switzerland oo caan ku noqday meelaha ay madaxda Afrikaanta ku shubtaan lacagtii dalkooda iyo shacabkooda la siin jiray oo diwaankana deyn ahaan loogu gelin jirey. Somaaliya waa tii ay ku magac baxday “Qabrigii Mucawinada Shisheeye.”

 

Dhanka kale, dalalka kale, sida Shiinaha, oo macaamilo xoog leh la lahaa Afrika, xiriir waa la lahaan jiray dawladda ama qofka kursiga ku fadhiya, hase yeeshee, mucaanidda dalkaas waxaa loo jeedin jiray mashaariic wax u tara dadweynaha, sida dhismo waddooyin iyo mashaariic ma guuraan ah. Matalan, Somaaliya waxay u sameysay Dawladda Shiinaha, waddo dheer oo isku xiraayo Koonfur iyo Waqooyi, Tuullo sportiga loo isticmaalo, sida garoomaha kubbadda cagta, kuwa kolayga, kuwa tennis iwm iyo Hotel weyn oo qaada martida dalka u timaada ka qayb gal ciyaaraha sportiga. Waxaa kale ay sameysay, Golaha Murtida iyo Maweelada iyo iwm, iyo ay gacan ka geysatay horumarinta beeraha iwm. Reer Galbeedka mar dambe ayay fahmeen in wax ummadda anfacaayo inay hirgeliaan. Waxay hagaajiyeen dekeda Xamar iyo ay dhiseen aqalka Golaha Ummadda. Waxaas ayaa dadka u haraayaa, in kastoo hadda aan wada burburinay. Weligeed soconmeyso siyaasadda ah ka faa’iideyso qofka markaas jagada haayo, lana ilaawo shacabka.

 

Dawlad way timaada wayna tagtaa. Hase yeeshee, shacabkaa waa haraa, isla maarkaasna waxuu awood u leeyahay in uu dawladda doorto ama rido.

 

Toban iyo shanta million ee Yuuro oo Midowga Yurub sheegtay inay diyaarisa, waxaa loo isticmaalaayaa mashruuca Midowga Afrika ay u dejisay Somalia oo ku saabsan ciidamada ay direyso. Ethiopia keli ah, oo weliba aan ku jirin dawladaha loo oggolyahay in ay ciidan Somaaliya keenaan, ayaa hadda boqolaalo dishay. Yugaandana door hosaad ah ayay ka ciyaaraysaa, hase yeeshee, kama madax bannaana dembiga laga galaayo ummadda Somaaliyeed. Qaybta labaad waa loogu talo galay in lagu qabto wada hadal siyaasadeed. Su’aasha waxay tahay, Midowga Afrika, horta, raalli maka yahay in wada hadal dhaco. Runta marka loo sheego, jawaabta waa maya! Maxaa yeelay Midowga Afrika waxay taageersantahay waxa ay ka wadaan Ethiopia iyo Maraykanka dalka Somaaliya. Madaama ay haddeer gacan sareyaan, Midowga Afrika, meel marsiin maayo qorshaha Mdowga Yurub.

 

Su’aasha kale ee meesha ku jirta waxay tahay, sidee wada hadal u dhici karaa iyadoo dalka ciidamo shisheeye haystaan? Dhanka kale, dhamaan waxa faraha kula jira arrimaha Somaaliya waxay jecelyihiin in dalkaas dhulka la dhigo; dhawaaqa way wadaayaan, hase yeeshee, marna, tilaabo lillaahi ah qaadi maayaan si khilaafka u dhammaado. Arrintu waa “Qabta maqalsii, waxna ha u qaban.”

 

Dhibaatada ugu weyn ee Somaaliya haysata waa dhexdeenna oo naloo kala qaybiyey kooxo oo dhinacyo kala duwan ka soo jeedo. Waxaa naloo qorsheeyay in aan dhexdeenna is baabi’ino. Waxaa nala ilawsiiyay danteenna guud ee qaranimada. Ilaa laga helo Somaali oo ku mideysan danta dalkooda, ama ayiga ayaa is dilaaya ama kuwa ay la safan yihiin maanta ayaa berito dilaaya.

 

Qofka maanta ka qayb qaadanaayo burburinta dalka, waxuu berito markuu indhaha kala qaado ogaanaayaa in waxa uu burburiyay aqalkiisa ahaa.

 

Hal shey waa in maskaxda lagu haayaa: Qofka qiyaano dantiisa si uu cadaw ugu faa’iideeyo, asigana waxaa ugu dambeystii dilaayaa kii uu la jiray, maxaa yeelay kan dambe waxaa u cad in qofkii dantiisa qiyaanay in uu asigana qiyaanaayo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this