Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xataa Ceelashii Biyaha Waxa Galay Al-Shabaab

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-03-16 (Hadhwanaagnews) Mugadisho-(HWN)- Warsaxaafaadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) ayaa waxa uu ku sheegay in degaanka Ceelasha Biyaha oo ay u barakeceen dadkii colaadaha Muqdisho ka cararay ay ku sugan yihiin kooxd Al-shabaab.

 

Waxa uu Maxamed Dheere sheegay in dagaaladii dhawaan ka dhacay Siinka dheer ee kooxda Al-shabaab ay kula wareegeen hubkii iyo lacagihii canshuuraha ay ka soo qaadeen degaanka Ceelasha Biyaha.

 

Waxa kale oo Maxamed Dheere uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Ceelcirfiid ee degmada Balcad ay ka danbeeyay Ururka Al Shabaab, isagoo xusay in ururka shabaab uu ku dhuumaalaysanayo ceelasha Biyaha iyo degaannada ku dhow dhow.

 

Maxamed Dheere waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku xusay in isugeynta dadkii lagu dilay weeraradii ka kala dhacay Siinka-dheer iyo Ceel cirfiid ay gaarayaan 15 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya sida uu yiri.

 

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka ku qornaa in Al-Shabaab uu ku xiran yahay Ururweynaha Al-Qaacida ee Caalamka kaga jira Jihaadka xooggan ee ka dhanka ah reer galbeedka iyo reer Yurub, kuwaas oo ku duulay baa lagu yiri warsaxaafadeedka dalal dhowr ah.

 

Xubno ka tirsan Baarlamaanka dowladda Soomaaliya oo dhawaan booqday degaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxay sheegeen in xoogag hubeysan aysan joogin ceelasha Biyaha, inkastoo Maxamed Dheere uu sheegayo in xoogga Al-shabaab ee Siinka-dheer soo weeraray ay ceelasha Biyaha ka soo weerar tageen sida uu ku sheegay warsaxaafadeedkiisan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this