Jacaylbaro Posted March 17, 2008 hadhwanaag 2008-03-16 (Hadhwanaagnews) Mugadisho-(HWN)- Warsaxaafaadeed uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M/dheere) ayaa waxa uu ku sheegay in degaanka Ceelasha Biyaha oo ay u barakeceen dadkii colaadaha Muqdisho ka cararay ay ku sugan yihiin kooxd Al-shabaab. Waxa uu Maxamed Dheere sheegay in dagaaladii dhawaan ka dhacay Siinka dheer ee kooxda Al-shabaab ay kula wareegeen hubkii iyo lacagihii canshuuraha ay ka soo qaadeen degaanka Ceelasha Biyaha. Waxa kale oo Maxamed Dheere uu warsaxaafadeedkiisa ku sheegay in dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Ceelcirfiid ee degmada Balcad ay ka danbeeyay Ururka Al Shabaab, isagoo xusay in ururka shabaab uu ku dhuumaalaysanayo ceelasha Biyaha iyo degaannada ku dhow dhow. Maxamed Dheere waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku xusay in isugeynta dadkii lagu dilay weeraradii ka kala dhacay Siinka-dheer iyo Ceel cirfiid ay gaarayaan 15 qof oo ay ku jiraan dad rayid ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya sida uu yiri. Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka ku qornaa in Al-Shabaab uu ku xiran yahay Ururweynaha Al-Qaacida ee Caalamka kaga jira Jihaadka xooggan ee ka dhanka ah reer galbeedka iyo reer Yurub, kuwaas oo ku duulay baa lagu yiri warsaxaafadeedka dalal dhowr ah. Xubno ka tirsan Baarlamaanka dowladda Soomaaliya oo dhawaan booqday degaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxay sheegeen in xoogag hubeysan aysan joogin ceelasha Biyaha, inkastoo Maxamed Dheere uu sheegayo in xoogga Al-shabaab ee Siinka-dheer soo weeraray ay ceelasha Biyaha ka soo weerar tageen sida uu ku sheegay warsaxaafadeedkiisan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Yaabka-Yaabkiis Posted March 17, 2008 Cajaaib...soooooooooooomaaaaaaaaaaaaalizzzz You lost Quote Share this post Link to post Share on other sites