Sign in to follow this  
General Duke

40 dead in cashes between Ahlu-Clan Al Shabaab

Recommended Posts

Xaalada Degmada Guriceel oo saaka xasiloon iyo madaafiic ay is weydaarsadeen ciidamada Ethiopia iyo Alshabaab. .

 

Decembar 30 2008 Radiofreesomalia.com

 

Waxaa saakay xasiloon jawiga degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo ay dagaalo faraha loogaga gubtay shalay ku dhex mareen kooxaha Al Shabaab iyo Ahlu Sunnah, iydoona xalay ay ku baryeen magaaladaasi ciidamo Ethiopian ah oo shalay gelinkii danbe soo degay.

 

Degmada Guriceel oo shalay ay soo gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada Ethiopia oo ka yimid dhinaca degmada Balanbal kuwaasoo qaddar daqiiqado ah oo ay degmada Guriceel ku jireen kaddib xarun ka samaystay duleedka degmada, waxaana kaddib soo gaaray ciidamo kale oo Ethiopia ah oo wata ilaa afar baabuur oo kuwa dagaalka oo ka yimid dhinaca is maamulka Soomaalida Ethiopia

 

Ururka Alshabaab oo ku sugan bariga magaalada Guriceel ayaa xalay waxay bilaabeen inay madaafiic ku garaacaan ciidamada Ethiopia ee fariisinka ka samaystay duleedka degmadaasi, waxaana madaafiic jawaab ah ay ku dhaceen gudaha Degmada, taasoo khal-khal iyo argagax ku abuurtay dadkii fara-ku-tiriska ahaa ee ku haray degmadaasi.

 

Waxaa isa soo taraya qasaaraha ka dhashay dagaalladii iyo duqeyntii shalay ilaa xalay ka dhacday degmada Guriceel, waxaana warar soo baxaya ay sheegaya in ilaa 15 qofood ay ku geeriyoodeen dagaaladaasi iyo duqeyntaasi, halka in ka badan 25 qofna ay ku dhaawacmeen kuwaasoo oo la dhigay isbitaalka magaalada Guriceel.

 

Xiisada u dhaxeysa Alshabaab iyo Ahlu Sunah ayaa ah mid wali halkeedii ka taagan, waxaana Degmada Guriceel ku sugan Maleeshiyaad ka tirsan Ahlu Sunah Waljamaacah, iyadoona Alshabaab ay ku sugan yihiin dhinac aan sidaa uga fogeyn degmada oo dhanka Koofureed ku beegan.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dadki ku dhintay dagaaladi shalay laga yaabo in ay sii kororto maadaama ay jiraan dhaawacyo halis ah oo soo gaaray dad rayid ah iyo kooxihi dagaalamayay.

 

 

RFS _ Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

40 die, 50 hurt in Somalia faction clashes

 

The violence came Monday in central Somalia, the BBC reported. Ten others were killed in factional fighting around Mogadishu in the wake of President Abdullahi Yusuf's decision this week to quit his post.

 

Observers said the violence in central Somalia is coming between a well-known Islamic militant group with alleged ties to al-Qaida called al-Shabab and a previously unknown group of more moderate Islamists called Ahlu Sunna Waljamaca. The latter group has declared a holy war on al-Shabab, blaming it for violence in the country, the BBC said.

 

Ahlu Sunna Waljamaca seized two towns in central Somalia over the weekend, triggering bloody clashes.

 

The weak, pro-Western central government controls only certain parts of Mogadishu and the town of Baidoa while various Islamist and nationalist groups control the bulk of Somalia, the BBC said.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this