Sign in to follow this  
General Duke

Support growing for deployment of foreign peace keepers to Somalia

Recommended Posts

TAAGEERADA CIIDAMO SHISHEEYE IN DALKA LA KEENO OO SII KORDHEYSA

 

Kaddib wixii ka dambeeyay markii Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya go’aamiyeen in dalka la keeno Ciidamo nabad ilaalin Afrikaan ah oo ka socda dalalka IGAD si ay ula shaqeeyaan Dowladda cusub marka ay dalka dib ugu laabato isla markaana hub ka dhigis ugu sameeyaan maleeshiyooyinka isla markaana tababaro u furaan si ay mustaqbalka uga mid noqdaan Ciidamada dalka.

 

Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya kuna sugan dalka gudihiisa ayaa waxaa labadii maalmood ee ugu dambeysay sii kordhayeen taageerada go’aanka Golaha Wasiirada ku dalbayaan in Ciidamo Afrikaan ah dalka la keeno, hase yeeshee siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal u badan beesha %%%%% gaar ahaan kuwa %%%%%% ayaa diidan in Ciidamo shisheeye dalka la keeno, iyadoo hoggaamiyeyaashaasi ay soo baxayaan inay ka soo dabcayaan mowqifkoodii hore.

 

Xuseen Maxamed Ceydiid oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ayaa isagu sheegay inuu ka soo dabcay mowqifkii uu ka aaminsanaa keenida Ciidamo nabad ilaalineed, taasoo uu sheegay inay ilaalinayaan xarumaha Dowladda, ayna hoos tegayaan maamulka Dowladda iyo howlo kale oo ay ka mid tahay hub ka dhigista maleeshiyooyinka, tababaradooda iyo isku duba ridka Ciidamadii hore ee dalka.

 

Dhinaca kale taageerada dadweynaha ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordheysa, iyadoo dadweyne fara badan oo isugu soo baxay magaalooyinka B/Weyne, Baydhaba, Gedo, iyo qaar ka mid ah gobolada dhexe, kuwaasoo iyagoo qiireysan ku qeylinaya in haddii la doonayo Dowlad awood leh lagu gaari karo oo kaliya Ciidamo nabadda ilaaliya ilaa iyo inta la isaga duba ridayo Ciidamadii dalka.

 

Xafiiska somaliweyn ee Mugadishu

somoginfo@somaliweyn.org

KOR TAG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this