Sign in to follow this  
General Duke

PM in Europe + President in UK + Sharif escapes bomb

Recommended Posts

Raysul Wasaare Geedi Oo La Kulmay Danjirayaasha Reer Galbeedka Ee Fadhigoodu Yahay Paris

- Monday, May 23, 2005 at 01:11

 

geedi_wafdi_paris_may052.jpg

 

Ra`iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamad Geedi iyo Wafdigiisa oo ku sugan Paris - Photo AllPuntland

 

 

Paris (Radio Gaalkacyo)- Wararka naga soo gaaraya magaalada paris ayaa sheegaya in Ra`iisal wasaaraha dowladda Federaalka KMG Soomaaliya Cali Maxamad Geedi uu kulamo la qaatay Danjirayaal wadamada reer Galbeedka ah ee fadhigoodu yahay magaalada Paris ee xarunta wadanka Faransiiska.

 

Raysul Wasaaraha Soomaaliya Prof: Geedi ayaa diblomaasiyiinta wadamada Britain iyo Jarmalka oo uu ubandhigay siyaasada dawladiisa cusub ee Soomaaliya si uu taageero uuga helo wadamada reer Yurub, iyo walibsa sida ay dawladiisu u wajahayso xaalada murugsan ee Soomaaliya.

 

Raysul wasaare Geedi aya ala filayaa in uu ku biiri doono safarka Madaxweynaha DFKMG ah ee Jamhuuriyadda Soomaali C/laahi Yuusuf Axmed ee ku sugan magaalada London ee xarunta wadanka Britain, marka uu u dhamaado booqashada uu haatan ku marayo wadanka Faransiiska.

 

Sidoo kale raysul wasaare Geedi wuxuu Paris kula kulmay xalay danjirayaasha carbeed ee fadhigoodu yahay Paris, halkaas oo uu ugu soo bandhigay diblomaasiyiintaas siyaasada xukuumadiisa ee ku wajahan ka hawlgalida gudaha dalka Soomaaliya.

Geedi wuxuu ka codsaday dhamaan diblomaasiyiintii la kulmay in ay dawladiisa ka taageeraan dhinaca dhaqaalaha iyo qorshayaasha dib udhiska Soomaaliya.

 

Raysul Wasaare Geedi iyo Madaxweyne Yuusuf ayaa la filayaa in ay booqshadooda dibada ah ee ay hadda ku sugan yihiin ayna socdaalkood ku tagi doonaan wadamada Belgium, Yemem iyo wadano kale inta ka horaysay 28 bishan oo ku bigeen xilliga ay dawladu dib ugu guurayso gudaha dalka Soomaaliya

 

 

 

Ra`iisal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Maxamad Geedi iyo Wafdigiisa oo ku sugan Paris - Photo AllPuntland

 

 

 

Warka: Samsam M. Gacmay

RG, London

Share this post


Link to post
Share on other sites

London: Warbixin Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Wasiir Ingiriis ah

- Sunday, May 22, 2005 at 22:55

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Wasiiru Dawlaha Ingiriiska Arrimaha Afrika Lord David Triesman

 

cy_david_londonmay051.jpg

Bidix: Martin Lamport, madaxa Qaybta Geeska Africa ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska, Dhex: Cabdullahi Yusuf, Midig: Anna Lake, madaxa Qaybta Geeska Africa ee Wasaaradda Horumarinta Caalamiga

cy_david_londonmay0521.jpg

 

Ka billaw bidix: Martin Lamport, Cabdullahi Yusuf, Anna Lake, Cabdirashid Aden Seed (Lataliyayaha Madaxweynaha), Lord Triesman

 

London (AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudabe Cabdullahi Yusuf Axmed, waxaa uu shalay kula kulmay magaalada London Lord David Treisman oo ah Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha

 

cy_david_londonmay0531.jpg

 

Madaxweynuhu wuxuu wasiirka u bandhigay halka uu marayo geedisocodka dawladda ku meel gaarka ah, wuxuuna ka cosadaday in bulshada caalamku ay Soomaaliyab siiyaan taageero buuxda dhanka siyaasadda iyo dhanka dhaqaalahaba. Wuxuu u sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay dhaqale xoog leh in la geliyo si ay dawladda ku meel gaarka ah uga soo baxdo barnaamijka ay doonayso inay Soomaaliya ka fuliso.

 

Madaxweynuhu wuxuu kaloo wasiirka u sheegay in ay dawladdiisu ka go'an tahay in ay Soomaaliya ku soo celiso xasilloni dhanka amniga ah, iyo inay dib u dhisto hay'adihii dawladda ee burburay.

 

Wuxuu kaloo wasiirka u sheegay in Soomaaliya la siiyo tixgelin gooni ah marka la hirgelinayo barnaamijyada loogu tala galay horumarinta Afrika ee ay dawladda Ingiriisku horseedka u tahay. Sababtuna waxay tahay iyadoo baahida Soomaaliya ay aad u ballaaran tahay, una baahan tahay tixgelintaas goonida ah.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya ay isku hawli doonto sidii loo sameyn lahaa dib u heshiisiin dhan ah oo dhex marta dadka Soomaalida oo dhan. Mar uu ka hadlay arrinta Soomaaliland, oo dawladda Ingiriisku ay il gaar ah ku fiirineyso, wuxuu sheegay in dawladda Soomaalidu ay doonayso in arrinta Soomaaliland lagu dhammeeyo wadahaldal iyo is afgarad. Soomaaliya waa waddan federal, gobol kastana xaq buu u leeyahay in uu ismaamuloâ€, ayuu yiri Cabdullaahi Yusuf.

 

Madaxweynuhu wuxuu wasiirka u sheegayb in Soomaaliya iyo dawladda Ingiriisku ay ka shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa xirirka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dawladood. Dhiniciisa wassirku wuxuu ugu horreyntii madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashadii loo doortay jagada madaxweunaha Soomaaliya waqtigan adag, isagoo u sheegay inuu yahay qof munaasab ku ah jagadaas. Wuxuu sheegay in dawladda Ingiriiska ay gacan weyn ka geysan doonto xoojinta Dawladda ku Meel Gaarka ah, xag siyaasad iyo xag dhaqaaleba. Wuxuuna ku taliyay in la sameeyo shirar joogta ah oo arrintaas lagu dabagalo si mucaawanada u noqoto mid wax ku ool ah oo gaarta halkii la rabay.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in qorshaha dawladda Ingiriisku ugu talagashay in wax looga qabto dhibaatada Afrika ay tahay mid dhab ah, Soomaaliyana ay si fiican uga muuqato.

 

Wasiirku aad buu ugu riyaaqay sida mas'uulka ah ee uu madaxweynuhu u doonayo in lagu xalliyo dhibaatada Soomaaliland, wuxuuna sheegay dawladda Ingiriisku inay arrintaas gacan uga geysan doonto sida ugu munaasabsan.

 

Ugu dambetntii, wuxuu uga mahadceliyay Madaxweynaha booqashada uu ugu yimid, wuxuuna u sheegay inuu rajeynayo in marnar badan oo kale is arkaan.

 

Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed wuxuu wasiirka ugu dhiibay warqad ku socota Ra'iisul wasaaraha Ingiriisaka, Tony Blair.

 

AllPuntland, London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta ka badbaaday Bam la sheegay in lala Damacsanaa in lagu qarxiyo gaarigiisa :: (100 Reads)

 

Posted by webmaster on Sunday, May 22, 2005 - 01:10 PM

 

 

Afhayeenka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh aadan ayaa Maanta ka badbaaday qorshe sida la sheegay lasoo maleegay taasi oo lala damacsanaa in lagu qaarijiyo xubno ka tirsan Labada Gole oo uu ka mid ahaa Shariif xassan xilli ay ku sii jeedaan isaga iyo xubno kale xerada Hiil-weyne oo ay Muddo 9-beri ah Tababar ugu socdo Qaar ka mid ah Maleeshiyooyinka Muqdisho.

 

 

Kollonyo Baabuur ah oo iskugu jiray kuwa dagaalka iyo kuwa martida ayaa jidka isku xera Hiil-weyne iyo Muqdisho Gaar ahaan Deegaanka Ceel Carfiid loo dhigay Bartamaha Wadada Bam la sheegay in la soo dhex geliyay Bac, midaasi oo inta aysan soo gaarin wafdiga uu ku qarxay 3-ruux oo mid ay haweeney tahay iyo 2-Caruur ah.

 

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno Goobta uu Bamku ka qarxay waxaa isla Goobtaa qaraxa ka dhacay yaalay 2-Bam kale oo iyaguna qorshaha ku jiray in lagu qarxiyo lakin aanan dhicin arinkaa oo Gacanta lagu dhigay, waxaana lasoo sheegayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa markii uu dhamaaday Qaraxa ay u sii Gudbeen Xerada Hiil-weyne oo Qorshuhu ahaa in uu aado.

 

3-da ruux oo qaraxa ku dhaawacmaya yaa midkood waxaa lagu magacaabaa Xasan Nuur Maxamed iyo Hooyadiisa Faadumo waxaana dhaawacooda loosoo qaaday Magaalada Muqdisho si loo daaweeyo waxaana la sheegayaa in dhaawacoodu yahay mid Culus.

 

Talaabadan ayaa Muujineysa in Magaalada Muqdisho iyo Nawaaxigeeda ay tahay Goob aan la isku haleyn karin iyadoo tanina ay daba socoto qarax 3-dii may ka dhacay Garoonka Muqdisho Stadium xilli uu Halkaa Khudbad ka jeedinayay Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi, waana isku daygii labaad ee Xubnaha Sar sare ee Dowladda Federaalaka lagu qaarijiyo.

 

Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo waxyaaban qatarta leh ee iska soo daba noqonaya ayaa waxa ay salka ku hayaan ishaysidka u dhaxeeyay Xubnaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo qaarkood ku doodaya in Muqdisho ay tahay Goob ay Amaan Xumo ka jirto halka qaarka kalena ay ku doodayaan in Muqdisho ay tahay Goob amaan ah oo la isku haleyn karo Dowladduna ay ka shaqeyn karto.

 

Arintan ayaa ka duwan mid saadaal lagu dhameeyo sababtoo ah dadka u kuur gala xaaladaha Muranadu ay hareeyeen ee Soomaaliya ayaa waxa ay qabaan dareen Feejignaan Tilmaamaya oo ku aadan amaanka Muqdisho,waxayna Hoosta kaxariiqayaan in Muqdisho oo ah Caasimadda Dalka Soomaaliya Hoy u tahay Kooxo Hugan Shaarar Qabiil oo Nabadda si weyn uga soo horjeeda iyo fara gelin ka timaada qabaailada kale ee Soomaalida iyo qaar ka mid ah Dalalka Deriska la ah Soomaaliya.

 

Waa qaraxii 4-aad oo Muddo dhowr bilood ah ka dhoco Muqdisho sida qaraxii Bamka ee Mootada lagu soo rakibay oo ka dhacay agagaarka KM 5, Qaraxa labaad iyaa isna lala beegsaday Xarunta Tuulo Caruureedka SOS, Kan sedexaadna waxauu ka dhacay Muqdisho Stadium oo uu ka Khudbadeynayey Ra’iisal wasaare Geeddi iyo kan afaraad oo isna Maanta ka dhacay Deegaanka Ceel Carfiid ee ku yaala Duleedka Magaalada Muqdisho goor uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku sii Jeeday Xerada Hiil-weyne.

 

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid ahaa Wasiirka dhaqan celinta iyo maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalim, waxaana safarkiisa ku wehelinayay xubno uu ka mid ahaa Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde),Jen Maxamed Nuur Galaal, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf iyo kuwa kale

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Parliament speaker escapes bomb trap

Sun. May 22, 2005 10:29 am.

 

picture: courtesy of arlaainet.com

The Speaker of Somali Parliament Mr. Sharif Hassan and his convoy were stopped on their way to a military base outside of Mogadishu after a bomb exploded on the road they were traveling on. The explosion happened a few minuets before they reached where it was planted.

 

According to Mogadishu based website midnimo.com, the bomb injured three pedestrians, a woman and two children. Two more un-exploded bombs were also found at the scene.

 

The prime minister escaped uninjured in a similar incident last month when a bomb exploded in Mogadishu sports arena. Nine people died in that incident.

 

A high ranking police officer was killed in Mogadishu yesterday and another former government official who is seventy years old was kidnapped from his home last week.

 

Although Somalia has been in chaos for over 15 years now, using booby-traps and bombs in public areas were never reported before this year. This new trend is frightening.

News Category: Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Website-yo ku been abuurtay guddoomiyaha baarlamaanka markii ay soo qoreen in uu ka badbaaday bam

Balcad

Warar been abuur ah oo ay qoreen qaar ka tirsan boggaga Internet-ka, ayna ku sheegeen in guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan lala beegsaday Bam, uuna ka badbaaday, ayaa noqday warar been abuur ah oo markii loo kuurgalay ay cadaatay in aysan waxba ka jirin, waxaana weriyeyaal ku wehliyey guddoomiyaha & xubnaha labada gole socdaal ay maanta ku tageen xerada Hiilweyne oo ay maleeshiyooin halkaasi lagu xareeyey, waxa uu sheegay in wararka sheegaya bam lagu tuuray guddoomiyaha baarlamaanka in ay yihiin kuwa been abuur ah, isla markaana guddoomiyaha & xubnaha ku wehliyey socdaalkaasi aysan wax shid ah la kulmin maanta.

 

 

Wuxuu sheegay weriyuhu in guddoomiyaha baarlamaanka uu si nabad ah ku dhammeystay socdaalkiisa maanta uu ku yimid Hiilweyne, uuna halkaasi warbixin kaga dhageystay wasiirka hub ka dhigista & dhaqancelinta maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, uuna nabad ugu soo laabtay.

 

 

Warbixinta socdaalka guddoomiyaha oo sawiro wadata kala soco bogga dayniile com saacado kadib hadduu ALLE yiraa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqday Hiilweyne

MVC-752F.JPG

Galaal,Shariif-kaiyoMuuse.JPG

Muuse,Shariif-kaiyoBootaanCiise.JPG

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka hadlay halkaasi ayaa wuxuu sheegay inuu ku faraxasan yahay sida la isugu duba riday howlaha ka soconaya xarunta Hiilweyne isagoo tilmaamay in dowladda federaalka ay gacan ka geysaneyso suggida amniga, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay dadka reer Muqdisho inay taageeraan dadaalka ay wadaan xubanaha labada goleâ€wasiirada hubeysan ee Muqdisho waxaan ka dalbanayaa inay qaadaan isbaarada Muqdisho, ayna soo diyaariyaan 80 tikniko oo kale si loogu xoojiyo tiknikada hadda ku xareysan Hiilweyne iyo Laantabuuro†ayuu yiri Shariif Xasan oo intaa ku daray in Muqdisho haddii nabad laga dhigo ay u suura gelin doonto cidkasta inay nabad ku dhex lugeyso.

Wasiirka ganacsiga dowladda federaalka Muuse Suudi Yalaxow oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in wasiirada hubeysan ee Muqdisho iyo xubnaha labada gole ay ka go’antahay nabadeynta Muqdisho waa qaadaynaa lug ayaadna ku mari doontaa Muqdisho†ayuu yiri Muuse Suudi oo intaasi ku daray inaysan ka seexan doonin howsha ay u hayaan Qaranka Soomaaliyeed.

Guddoomiye waxaad meteleysaa madaxweynihii iyo ra’isul wasaaraha, waxaadna nasiib u yeelatay in ciidamadaadii caalamka oo dhan lagu dacweeyey ee la dhihi jiray ciidankaada waa ciidan dadka cuna, oo gaadiid iyo hub haysta oo dadka laaya maanta iyagoo tababar ciidan qaadanaya ayey salaan kaa qaadanayaan†ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi

Cidna aan wax na siin ammaani meyno dadka degan Sh/hoose & Afgooye si wanaagsan ayey noo soo dhoweeyaan Geel badanna waa noo keeneen dadka reer Balcad-se waxba kama hayno†ayuu yiri Muuse Suudi oo sheegay in isaga laga codsaday in uu joogo Laantabuuro, isla markaana wasiirka hub ka dhigista & tababarka maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin loo xilsaaray Hiilweyne

shariifkaoofadhiyahoolweynookuyaalahiilw

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

so the news about the sharif and the bomb is faalso, I wonder what these websites will achieve in reporting such baseless propaganda, no wonder there is no single somali website to trust on infromation highway today!

 

was the purpose of this topic only to highlight that Geedi is in paris and Yey in london, that was all, and sharif in mogadishu with bombs striking him from all directions, how sad, that is how the title of the topic speaks!!

 

 

good to c some pictures from hiilweyne, I remeber this place very well, Hiilweyne aka Carrafaag, in case anyone wonders, Hiilweyne is also called Carrafaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this