Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Kasturi University !

Recommended Posts

Gaalkacyo:Xafiis isku xiraya ardayda waxbarasho doonka ah iyo Jaamacadda Kasturi University , Malaysia oo laga furay Gaalkacyo!

 

Arboco, January 10, 2007

 

APL

 

Gaalkacyo(AllPuntland)-Magaalada Gaalkacyo waxaa markii ugu horaysay laga furay xafiis isku xiraya ardayda gobolka Mudug ee doonaysa waxbarashada dibadda iyo jaamacad ku taalla dalka Malaysia oo lagu magacaabo Kasturi University , oo ardayda Soomaalida ah fursad u siisay inay jaamacaddasi wax ka dhigtaan

 

Xafiiskan ayaa waxaa hir galiyay , kana wada shaqeeyay wax garad iyo arday u dhalatay Puntland oo kusugan dalka Malaysia horumuudna uu u yahay Haashim Axmed Barre.

 

Xafladdii xafiiskan lagu furayay ayaa waxay maanta ka dhacday xarunta waxbarashada nabadda iyo horumarinta Gaalkacyo , waxaana kasoo qayb galay maamulka gobolka iyo dadka daneeya waxbarashada.

 

Waiilka xafiiska isku xirka ardayda gobolka Mudug iyo jaamacadda Kasturi Xaawo C/samad Shalaqbeen ayaa halkaasi ugu horay hadal kasoo jeedisay, waxayna sheegtay in xafiiskan uu sahli doono in ardaydu ay muddo laba todobaad gudohood ah ku heli karaan jaamacad tayo sare leh.

 

Xaawo waxay intaasi ku dartay dadka gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland ay markii hore Visaha usoo saari jireen dad eheladood ah oo mar marka qaar dhib ka mari jiray, haddase xafiiskan uu sahlay qaabka fiisaha loo helayo.

 

Wakiilka xafiiskan cusub Xaawo Shalaqbeen waxay sheegtay in maamulka sare ee Jaamacadda Kasturi ay gobolka Mudug yimaadeen gaar ahaan madaxa jaamacadda oo lagu magacabo Kumar iyo haweenay ka tirsan hawl wadeenka jaamacadda oo lagu magacaabo Chitra, waxayna sheegtay inay soo mariyeen dhammaan goobaha waxbarashada.

 

 

Guddoomiyaha dallada ururada gobolka Mudug Axmed Cawil ayaa sharaxay waxqabadka Jaamacadda asagoo sheeagay in ardayda laga qaadayo Lacag aan badnayn oo Visaha loogu saarayo , muddo laba todobaadna ay Visadu ugu soo bixi doonto.

 

Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay ardayda gobolka inay ka faa'iidaystaan fursaddan hortaalla ee ah jaamacadda u fidisay fursaddan waxbarasho, wuxuu Axmed sheegay in haddii arday fara badan la helo in jaamacaddu bixin doonto deeq waxbarasho.

 

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Mudug Bashiir Maxamed Mire oo ugu danbayn halkaasi ka hadlay ayaa waaliddiinta gobolka ka codsaday inay caruurtooda lacagta u raadiyaan.

 

Wuxuu codsaday in waalidku ay maal galiyaan caruurta ay dhaleen , si mustaqbal wanaagsan ay u helaan, asagoo sheegay in saddex sano ama afar sano ay tahay xilli yar .

 

Guddoomiye kuxigeenku wuxuu ammaanay waxbarashada gobolka Mudug , asagoo sheegay in dugsiga sare ee Cumar Samatar uu sanad walba galo kaalinta dugsiyada Puntland, iminkana ay ardaydii dugsiga sare dhamaysay oo aad u fara badan ay u baahan yihiin waxbarasho sare.

 

Ugu danbayn Bashiir Maxamed Mire ayaa si toos ah xarigga uga jaray xafiiska cusub ee isku xiraya ardayda waxbarasho doonka iyo jaamacadda Kasturi ee Malaysia.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this