Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland military coup d'état in 1961

Recommended Posts

Xassan%20Kayd.gif

 

 

Halyeyadii Huriyey Hawl-galkii Inqilaabka ee 1960-kii

Written by Qarannews

Dec 18, 2009 at 07:55 AM

Halyeyadii Huriyey Hawl-galkii Inqilaabka ee 1960-kii

 

Filasho Wacan

 

Qormaddan ‘Xogta Dedan iyo Tibaaxda Wargeyska' Waa qormo toddobaadle oo sida ku xusan Ciwaankeeda uu Wargeyska Yool ku soo ban-dhiggi doono xogaha bulshada ka qarsoon ee ku saabsan dhacdooyinka iyo taariikhiihii hore, kuwii dhexe iyo kuwa waqtigan la joogo ee ku taxaluqa Somaliland, ha noqdaan kuwo ka dhacay dalka gudihiisa ama debadiisa intaba.

 

Sidaas darteed, Toddobaadyada soo socda waxaanu qormadan ‘Xogta Deddan iyo Tibaaxda Wargeyska' aanu akhristeyaasha ugu hayna a xoggo ku ku taxaluqda hawl-galka Inqilaabkii dhicisoobay ee ka dhacay 10 Dec. 1961-kii, waqtigaasoo laga joogay midowgii dhex-maray Somaliland iyo Gobolkii Koonfureed ee Soomaalidii Talyaanigu Gumeysan jirey 1muddo dhan Shan Bilood iyo 4 Maalmood oo u dhiganta 188 Maalmood.

 

48 Sannadood ka hor Maanta (Shalay) waxay ku began tahay markii ay koox Saraakiil ahi isku dayeen inay ku tallaabsadaan Inqilaab ay ku doonayeen inay dib ugu soo celiyaan Dawlad-nimadii iyo Madax-banaanidii Somaliland, ka dib midowgii Indho la'aanta ahaa ee dhex-maray 1 July. 1960-kii Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.

 

Hawl-galka Inqilaabkaas oo dhacay (10 Dec. 1960-kii) ka dib markii ay koox Saraakiil ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland, isla markaana ka mid ahaa da'a yartii ugu horeysay ee wax ku soo baratay Kulliyadaha Miletariga ee waddamada Reer Galbeedka, gaar ahaan Kuliyadda caan ka ah ee dalka Ingiriiska loona yaqaan Sandhurst ay si geesinimo leh ugu dhaqaaqeen hawl-gal ay ku doonayeen in ay Inqilaab ku qabsadaan hoggaanka dalka, ka dib markii ay ku qanceen in uu yahay jidka keliya ee lagu soo celin karo Dawlad-nimadii luntay ee Somaliland.

 

Haddaba, Wargeyska Yool waxa uu akhristayaashiisa ugu bushaaraynaynaa Cadadadiisa soo socda u si taxane ah ugu soo gudbin doono qormooyin si Tifaftiran uga war-bixinaya xoggaha dhabta ah ee la xidhiidhay hawl-galkaasi.

 

 

 

Source Wargayska Yool

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

SALUTE.....TO THESE MEN !

 

SANDHURST MILITARY ACADEMY GRADUATES.

 

SAW WHAT WAS GOING TO HAPPEN AND ATTEMPTED TO PREVENT IT, THEY SAW THE ********* OF SOMALI'S AND THE DANGERS OF UNIFICATION.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this