Xaaji Xunjuf Posted December 18, 2009 Halyeyadii Huriyey Hawl-galkii Inqilaabka ee 1960-kii Written by Qarannews Dec 18, 2009 at 07:55 AM Halyeyadii Huriyey Hawl-galkii Inqilaabka ee 1960-kii Filasho Wacan Qormaddan ‘Xogta Dedan iyo Tibaaxda Wargeyska' Waa qormo toddobaadle oo sida ku xusan Ciwaankeeda uu Wargeyska Yool ku soo ban-dhiggi doono xogaha bulshada ka qarsoon ee ku saabsan dhacdooyinka iyo taariikhiihii hore, kuwii dhexe iyo kuwa waqtigan la joogo ee ku taxaluqa Somaliland, ha noqdaan kuwo ka dhacay dalka gudihiisa ama debadiisa intaba. Sidaas darteed, Toddobaadyada soo socda waxaanu qormadan ‘Xogta Deddan iyo Tibaaxda Wargeyska' aanu akhristeyaasha ugu hayna a xoggo ku ku taxaluqda hawl-galka Inqilaabkii dhicisoobay ee ka dhacay 10 Dec. 1961-kii, waqtigaasoo laga joogay midowgii dhex-maray Somaliland iyo Gobolkii Koonfureed ee Soomaalidii Talyaanigu Gumeysan jirey 1muddo dhan Shan Bilood iyo 4 Maalmood oo u dhiganta 188 Maalmood. 48 Sannadood ka hor Maanta (Shalay) waxay ku began tahay markii ay koox Saraakiil ahi isku dayeen inay ku tallaabsadaan Inqilaab ay ku doonayeen inay dib ugu soo celiyaan Dawlad-nimadii iyo Madax-banaanidii Somaliland, ka dib midowgii Indho la'aanta ahaa ee dhex-maray 1 July. 1960-kii Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya. Hawl-galka Inqilaabkaas oo dhacay (10 Dec. 1960-kii) ka dib markii ay koox Saraakiil ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland, isla markaana ka mid ahaa da'a yartii ugu horeysay ee wax ku soo baratay Kulliyadaha Miletariga ee waddamada Reer Galbeedka, gaar ahaan Kuliyadda caan ka ah ee dalka Ingiriiska loona yaqaan Sandhurst ay si geesinimo leh ugu dhaqaaqeen hawl-gal ay ku doonayeen in ay Inqilaab ku qabsadaan hoggaanka dalka, ka dib markii ay ku qanceen in uu yahay jidka keliya ee lagu soo celin karo Dawlad-nimadii luntay ee Somaliland. Haddaba, Wargeyska Yool waxa uu akhristayaashiisa ugu bushaaraynaynaa Cadadadiisa soo socda u si taxane ah ugu soo gudbin doono qormooyin si Tifaftiran uga war-bixinaya xoggaha dhabta ah ee la xidhiidhay hawl-galkaasi. Source Wargayska Yool Quote Share this post Link to post Share on other sites
GAAROODI Posted December 18, 2009 SALUTE.....TO THESE MEN ! SANDHURST MILITARY ACADEMY GRADUATES. SAW WHAT WAS GOING TO HAPPEN AND ATTEMPTED TO PREVENT IT, THEY SAW THE ********* OF SOMALI'S AND THE DANGERS OF UNIFICATION. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted December 19, 2009 ^^ You think very highly of us :cool: Get like us. Quote Share this post Link to post Share on other sites