NGONGE Posted November 25, 2008 gudbiya fariintan iga soo gaadhay urur cusub oo u hadla badmaaxayaasha soomaaliyeed ============================================== URURKA BADMAAXAYAASHA SOOMAALIYEED UJEEDDO: MARAAKIIBTA DALKEENA SIDA GARDARADA AHI UGU XADGUDBAY XEEBAHA SOOMAALIYA Walaalayaal; Sida aadba la socotaan, xeebaha soomaaliya waxaa in badan xadgudbyo ku sameynayey shisheeye gardarooyinkiisu aaneysan xuduudo lahayn oo kaluumeysatadii Soomaaliyeed hagardaamo joogta ah ku hayey, sidoo kale maraakiibtan shisheeye waxay si qarsoodi ahi in mudo ahi xeebaha dalkeena ku aasayeen sun iyo qashin kale oo warshadaha iyo hubka halista ah laga sameeyo, kuwaas oo waxyeelo badan u geystay Soomaali badan oo caafimaadkoodii ku waayey amaba noloshoodii. Waxaa su'aal mudan, adduunweynaha hadda ka qaylinaya waxa ay ugu yeeraan "afduubka maraakiibta", maxay cabasho taas la mid ahi uga sameynwaayeen falalka foolxumada badan ee ay maraakiibtani ku kacayeen 20kii sano ee la soo dhaafay? Waxaa inoo muuqata in adduunku ka siman yahay waxyeelada Ummadda Soomaaliyeed, sida ay haddaba uga aamusan yihiin gardarooyinka Itoobiya ku hayso sinjiyadda soomaaliyeed ee ay maantadan dagaalka kharaar ku dhexmarayo meelo badan oo ka tirsan Soomaaliya. Haddaba, waxaan si talo iyo tusaaleynba leh ugu iftiimineynaa walaahaha soomaaliyeed inay qadariyaan tilaabooyinkan aanu qaadnay oo ah kuwo sharafta magaca Soomaali lagu ilaalinayo oo walibana aynu adduunku ugu muujineyno in aynaan raali ka noqoneyn dhaca iyo boobka ay ka wadaan xeebaha soomaaliya. Qof walibaa oo soomaali ahi oo in badanba ciil iyo caro ka qabay falalkan ay shisheeyaha ka fulinayaan xeebaheena, waxaad ogaataa in maanta ay ku hortaalo fursad qaaliya oo aad lacag iyo hantiba aad ku sameyn kartid. Sanadkii xeebaha soomaaliya waxaa mara cadad maraakiiba oo kor u dhaafaya 30,000, haddaba, haddii markab walibaa lagu ganaaxo ugu yaraan $10 milyan oo doolar, waxaa halkaas kaaga muuqata lacag aad u faro badan oo aan la xisaabi Karin. Waxaan ku faraxsannahay in maanta qoysas badan oo soomaaliyeed oo horey qurbaha ugu tiirsanaa taageero iyo boqol doolar oo sanadkii loo soo xawilo ay ka gudbeen marxaladaas oo ay filooyin seexdaan, kuna raaxeysanayaan nolol aad u fiican iyaga oo dalkooda jooga walibana barkanaya DOOLAR. mashruucani waa midkii soomaalidu ku heli lahayd lacag ka badan mida ay dalalka carabta ahi ka helaan saliida madow, waa hawlgal qofkii ka qaybqaataa uu fakhri iyo lacag la'aan si fiican ugu kala hari doonaan meel fog. qof walibow oo soomaali sheegtaa, maanta waxaa ku horyaala fursad aan dib dambe kuu soo mari doonin ee hadda ka faa'iideyso inta ay goori goor tahay. tiro ahaan anaga ayaa ka badan kuwa lagu sheego inay badda ilaaliyaan, balse haddii toban kun oo soomaali ahi badda gasho, waxaa su'aala YAA LA XIDHI YAASE LA SII DAYN??????????? Source: Sent by e-mail. Quote Share this post Link to post Share on other sites