Sign in to follow this  
Emperor

Idin ma maqlo

Recommended Posts

Emperor   

cyusuf1.jpg

 

Idin Ma Maqlo Dhagna Jalaq Idiin Siin Mayo!

--------------------------------------------------------------------------------

Muqdisho, Somaliya (Calanka) 27-Agosto-2007

 

--------------------------------------------------------------------------------

Xukuumadda madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo ra`iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa mudadii gaabneyd ee ey ku sugneyd caasimadda Somaliya ee Muqdisho ayaa waxa ey ku talaabsatay talaabo eysan ku talaabsan mudadii labada sano iyo badhka aheyd oo ey ku sugneyd magaalooyinka Jowhar iyo Baydho.

 

Hadaba hurumarkan xowliga ku socda ee dowladda federalku ku talaabsaneyso iminka ayaa ah mid si weyn looga dareemayo dalka Somaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho waxaana dad badani ku fasireen in ey ka danbeyso masuuliyiinta sarsare ee dowladdu oo hal mowqif ka wada istaagay siyaasadda cakirneyd ee dalka iyo sidii dalka looga saari lahaa 17-ka sano ee fowdada iyo qaran la`aanta.

 

Siyaasadda cusub ee masuuliyiintan ayaa ah in ey la shaqeeyaan cid walba oo nabadda qeyb ka qaadaneysa islamarkaana ka damqanaya masiibada ku habsatay dadka iyo dalka Somaliyeed taasoo aanan marnaba qof damiir leh ka qabsan karin indhaha. Waxaana ey meel uga soo wada jeesteen masuuliyiintan qolooyinka qarandiidka, qaran dumiska, daneystayaasha, xaasidiinta iyo cid alle cidii aan horumar u ogoleyn umadda Somaliyeed in ey ka qabtaan.

 

Halku dhigyo ey ka mid yihiin "Dhag Jalaq idiin Siin Meyno" oo runtii ah halkudhig si gaar ah ugu wajahan kooxaha qas wada yaasha ah noocey doonaan ha ahaadaane ayaa u muuqda mid hirgalaya waana sida kaliya ee la isku raacay in lagaga guuleysan karo kooxaha nabad diidka ah ee aan u ogoleyn shacabka Somaliyed nolol wanaagsan iyo nabad.

 

Astaantii dowladnimo ayaa iminka si weyn looga dareemayaa dalka Somaliya guud ahaan gaar ahaana caasimadda inkastoo oo ey barbar socdaan kooxo doonaya in nidaamkan curtay ee dowliga ah si dhuumaaleysi iyo fuleynimo ku jirto ku burburiyaan taasoo aan marnaba laga ogolaan doonin eyna aakhirka iyaga u bas bixi doonaan hadaaneyn dadka dhinac ka raacin.

 

Neceyb Loo Qabo C/Laahi Yuusuf

 

Hadii aan dib u raacno taariikhda madaxweyne C/laahi Yuusuf ee ku aadan dagaalada sokeeye ma jirto colaad uu la galay qabaa`ilada kala gadisan ee Somaliyed marka laga reebo dagaalo dhex maray isaga iyo rag ey isku qabiil yihiin kasoo ku dhex maray dagaal deegaanada Puntland oo uu madaxweynaha kasoo ahaa ka hor inta aan loo dooran jagada madaxtinimo ee Somaliya.

 

Hadaba colaada iyo neceybka ey u qabaan qolooyin gaar ah madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa u kala baxa dhowr nooc, qaar ayaa ku neceb qabiilka uu kasoo jeedo oo kaliya oo aan la garaneyn ilaa iyo iminka waxa goonida ah oo ey bi`iyeen, qaar u neceb u istaagga uu u istaagay soo celinta qaranimada iyo qaar iyagu u neceb shaqsiiyan.

 

Hadaba qolooyinkaas oo dhan oo boqolkiiba sagaashan eynan jirin wax uu ka galabsaday ayaa waxa uu si cad ugu muujiyay in uusan "Dhag Jalaq Usiineyn" colaad kasta oo ey u qaadaan, waxaana uu cadeeyay in ey ka go`an tahay in uu ku dadaalo sidii dalkan burburay wax looga qaban lahaa isla markaana loo badbaadin lahaa.

 

 

Calanka.com: Isha Wararka Xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Adeer adigaba afkaad furataa markaad rabtid, maxaad dadka u af xiraysaa? kuwa SL malaha iyagu waa Professinal jounalists?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

Walee saxaafadii waxay noqotay musqul cid waliba u soo saxaro tagto ....

Midka laso shir tagey 'dacdaan' maxaad ka tiiri?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saxaafadeey xaal qaado ..............

 

Emperor, anigu kuwayaga inta nafta leh uun baan ka akhristaa ,, kuwa sidaas oo kele ah waqtiba iskagama lumiyo.

 

Juje, Midka la soo shir tegeyna Ilaahay ha soo hanuuniyo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jacaylbaro:

Juje, Midka la soo shir tegeyna Ilaahay ha soo hanuuniyo
:D

Amiin..!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

JB, ma xataa anaa? Sxb xagee meeshaa? waligaa waxaad lasoo shirtagtaa Maamuul huuhaa, been iyo xatooyo kudhisan propagadahiisa. Hardcore successionist enclave supporter, you JB, comes across and prays for a brother reporting good of his government to get back his moral conscience, walle waa aduunyo wareertayoo xiintayoo maaruqday, caal loo waa ayaan ka iri.

 

Maxaad rabtay inuu SL support-gareeyo miyaa? lol, Kolay ducadu maxumaa ilaahay haba hanuuniyo Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mar hadaynu ducada isku waafaqsannahay then let's say together: Ilaahay ha hanuuniyo :D

 

Kuwa saxaafadda ka sinaysta baad good ppl u taqaanaa sow maaha coz they raise your case ,,, cajiib walaahi waa Adduunyo gaddoontay. Xataa hadaad mid daliishanayso mid yara macquul ah oo wuxuu doono ha yidhaahdee si hufan u soo ban dhigi kara baa meesha la keenaa niyow ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

I think the old man has earwax buildup and is digging in his ear with his finger. So, so unprofessional that it's just criminal. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this