General Duke Posted November 25, 2008 Madaxweyne Yusuf iyo General William oo ka wada hadlay arimaha Soomaaliya News/Articles Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed iyo Generalka haysta ciidanka Mareykanka ee Africa ku sugan Genral William Kip ayaa waxa ay ka wada hadleen arimaha ka socda geeska Africa iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa,waxaana Gen welwel badan ka muujiyey Burcadbadeeda ku sii badanaysa Soomaaliya. Dhinaca kale general william ayaa u sheegay in dowlada Maraykanka ay ka go,an tahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa arimaha Soomaaliya iyo guud ahaan Qaarada Africa kulanka labada masuul ayaa waxaa la sheegay in aanay ku wehelin masuuliyiinka kale oo ka socotay Dowlada Maraykanka iyo weliba Soomaaliya, Sarkaal ku sugnaa goobta wadahalku ka socday ayaa waxa uu ku tilmaayey in ay ka wada hadleeen arimaha nabda galyada iyo sidii kor loogu sii qaadi lahaa,waxaa kale oo la isla soo qaaday sidii loo tageeri lahaa Dowlada Soomaaliyeed. Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa u sheegey in ay lagama maar maan tahay in Soomaaliya la keeno Ciidamo ku soo celiya Nabada wuxuna kaloo u sheegey in arimaha Soomaaliya ka socon waayeen wadamo kale. Ugu danbayntii waxaa la isku afgartay sidii loo xoojin lahaa nabada gaar ahaan sidii loola dagaalami lahaa Burcadbadeeda ku sii faafaysa guud ahaan Dunida gaar ahaa Soomaaliya. Mataan Farah Quote Share this post Link to post Share on other sites
Poker Posted November 26, 2008 Waryaa Duke odayga shirkii Gjibouti miyaa loo diiday? Quote Share this post Link to post Share on other sites