Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: 10 arrested for attack ....

Recommended Posts

KISMAAYO: Qaraxii shalay ka dhacay magaalada Kismaayo oo loo qabtay 10 maleeshiyo ah

Posted to the Web Feb 12, 13:54

 

 

Kismaayo: (pp) - Ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen kooxo lagu sheegay inay ka danbeeyeen weerarkii bambaano ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo .

 

Maleeshiyada ay gacanta ku soo dhigeen ciidanka dowlada oo gaaraya ilaa 10 maleeshiyo ah ayaa lagu soo eedeeyey inay ahaayeen kooxihii maalintii shalay ahayd ka danbeeyey falkii arga-gaxa lahaa ee ka dhacay beerta xoriyada ee magaalada Kismaayo.

 

 

Falkii shalay ayaa ugu yaraan waxaa ku geeriyootay 4-ruux , 20-ruux oo kalena way ku dhaawacmeen oo ay ka mid ahaayeen Abaanduulaha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdi Mahdi C/salaan iyo masuuliyiin kale oo la socotay oo soo gaaray magaalada Kismaayo.

 

Maleeshiyaadka loo qabtay falkii shalay ayaa lagu soo waramayaa in dhamaantood loo dhaadhiciyey xabsiga ku yaal bartamaha magaalada Kismaayo , goobtaas oo ay ku baarayaan Ciidanka Booliiska ee magaalada Kismaayo.

 

Maxamed Jaamac

Puntlandpost, Kismaayo, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadki ka dhambeyey wala ogyahay, tilaabaneh walaga qaadi dooni, masaakinta la iska xir xirayo ha la iska dayo waxbaneh uma sameyndoonto dadki falka geysta hadey umaleeyaan inn ey is qarinkaraan; ciyaarti ha bilawato smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Saxib do not regerat it later, you seem to be full of regrets lately.

 

One expects the injured officers to speak out, resign their commision and start a rebel movement, will they. Or will you speak out for them and fight for them?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo oo lagu xiray eedaysanayaal iyo Bandow magaalada lagu soo rogay

Last Updated::2007-02-12 12:44:27

 

Kismaayo:- Magaalada Kismaayo ayaa lagu xiray in ku dhaw 10 ruux oo loo heysto weerarkii bambaano oo shalay ka dhacay magaaladaasi.

 

Weerarkii shalay ayey ku dhinteen 4 ruux iyo qof 5aad oo markii danbe u dhintay dhaawaciisa.

 

Qaraxaasi ka dhacay Beerta Xoriyada ayaa lala beegsaday Banaanbax lagu taageerayay keenista ciidamada Nabad illaalinta ee Afrika iyo soo dhaweynta Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federaalka.

 

Waxaa weerarkaasi sidoo kale dhaawacyo kala gedisan ay kasoo gaareen qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada DFKMG ayadoo dadka khasaaraha ugu weyn soo gaaray ay u badan yihiin dad shacab ah.

 

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi ayadoo qaar kamid ah Dhaawacooda uu yahay mid aad u culus.

 

Ciidamada Dowlada oo shalay iyo xalay sameeyey baaritaano lala beegsaday xaafadaha magaalada ayaa lagu soo qabqabtay dad badan oo lagu tuhunsan yahay in ay qeyb ku lahaayeen weerarkii shalay.

 

Dadka lasoo qabtay ayaa waxaa ku jira kuwo isla shalay lagu qabtay nawaaxiga Beerta Xoriyada ayagoo halkaasi isku dayaya in ay ka baxsadaan sida ay sheegeen qaar kamid ah Ciidamada Dowlada, halka dadka kale loo qabtay baaritaano lagu sameeyey xaafadaha.

 

Xalay ayaa magaalada lagu soo rogay bandow socday 9kii fiidnimo illaa iyo saaka 5tii subaxnimo, ayadoo si weyn magaalada gudaheeda loogu arkayo ciidamada amniga oo isha ku haya dhaq dhaqaaqa magaalada.

 

Ahmed Musse

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

"You seem to be full of regrets lately."

 

 

And they are? Hadalka in uu micno leeyahay baa fiicaan, mise nac-nackasto iska dahdaa?

 

Tan kale, rag assassination attempt lagu sameeyey tol bey leeyahiin wixi jawaab u ahne falkaan waala arki doona.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^Ok saxib, you seem to be in your own little world, where you can make baseless accusations, and use laymen hearsay as evidance.

 

Well good luck to you, but I aint interested in this type of nonsence.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this