Jacpher Posted February 20, 2007 Baaq Ay Soo Saareen Waxgarad Ka Tirsan Beesha **** Oo Lagu Qaadacayo Maamulka Cusub Ee GEDO Loo Soo Magacaabay Feb 20,2007 by Norway-GEDO-NN UJEEDDO: Qaadicid Maamulka Cusub ee loo soo magacaabay Gobolka Gedo iyo Taageerid Baaqa Hoggaamiya dhaqameeyada Reer **** Ee Gedo, February 16, 2007. Kadib markaan qiimaynay marxaladda adag ee dalku marayo; Ka dib markaan argnnay rabitaanka iyo talooyinka siyaasiyiinta iyo nabaddoonnada beesha ****; Kadib markaan qiimaynay rabitaanka shacabka reer Gedo; Kadib markaan dareennay baahida loo qabo degenaashaha iyo nabad waarta oo loo helo gobalka Gedo oo ka soo daalay dagaallo iyo ismaandhaaf siyaasadeed, Waxaan go’aansannay: 1. In aan taageerno Baaqa ay Nabaddoonada beesha **** ay wada jirka ugu soo jeediyeen Maxawaynaha Dowladda Somalia, Mudane C/llahi Yuusuf oo ah in uu xushmeeyo dhismaha maamulka Gobalka, iyo guud ahaanbo tala soo jeedinta inta badan Siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada Beesha **** u matasha dowladda, 2. In aannan taageersanayn, taageerina doonin maamulka cusub ee loo soo magacaabay gobalka Gedo, kaasoo ku salaysan caddaalad xumi, sababina karo dhib iyo ismaandhaaf hor leh, oo ka dhex abuurma dadka tabaalaysan ee reer Gedo, 3. In Ugaaska Beeshu (Ugaas Cumar) uu faraha kala boxo Siyaasadda, kuna ekkaado shaqadiisa dhaqan ee isu dumidda beesha uu Ugaaska u yahay. 4. In uu Ugaasku ka waantoobo talooyinka qalloocan ee eexda huwan, kalifina kara qul-qulatooyin iyo isaaminid la’aan dadka dhexdiisa ah. 5. Maadaama dowladdu u dhisan tahay habka (4.5), maamulkeedana ku salaysanyahay hab qabiil, waan in uu Madaxwaynuhu faraha kala baxaa magacaabista Gedo maamulkeeda, una daayo beesha **** iyagaa yaqaanno beel dhismeedkeeda hoosee. 6. Waxaan dhammaan waxgaradka beesha **** dibad iyo gudaba ugu baaqaynaa in ay ka hortagaan khaldaadka iyo dulmiga beesha dhexdeeda laga wado, una muuqata mid wax loogu dhimayo midnimada beesha ****. Baaqaan waxaa is wada jir ah u soo saaray, Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo Wax-garad ka tirsan Beesha **** oo ku kala nool qaaradaha, North America, Europe iyo Australia. More Quote Share this post Link to post Share on other sites