Sign in to follow this  
Somalina

Yaa Ka dambeeya Dilalka qorsheysan ee Muqdisho iyo Shirqoolada saxaafadda

Recommended Posts

Somalina   

faaloole.jpg

 

Muqdisho (Shabelle– 27-09-2010)–: IDAACADDA SHABEELLE OO BAARITAAN DHEER KU SAMEYSAY KOOX ISKU DUUBAN OO DILALKA MUQDISHO MALEEGA, KUNA KALA SUGAN DALALKA MAREYKANKA, INGIRIISKA IYO SWEDEN... (FAALLO).

 

Tan iyo markii ay ciidamadii cadowga ahaa ee Itoobiyaanka ka huleeleen geyiga Soomaaliya, waxaa soo if baxay kooxo Soomaaliyeed oo dibad joog ah oo shirqoolada dilalka ah u maleega waxgaradka Muqdisho, kuwaas oo markoodii hore qarsoonaa balse baaritaan dheer oo ay sameysay shabakadda warbaahinta Shabelle ay ku soo bandhigeyso kooxdaasi dilayaasha ah.

 

Idaacadda Shabelle waxay ka mid tahay dhibanayaasha ay kooxahaasi sida cad u bartilmaameedsadeen una geysteen dhibaatooyin isugu jira dilal loo geystay masuuliyiintii idaacadda iyo weriyeyaasha, handadaad joogto ah, dacaayad iyo cagajugleyn, taas oo keentay inay shabelle u qalab qaadato sidii ay uga jibo keeni laheyd waxa ay yihiin kooxdan, si bulshada loogu soo bandhigo qatartooda.

 

Haddaba idaacadda Shabelle waxay maanta bilaabeysaa inay dhegeystayaasheeda u soo gudbiso warbixino ku saabsan natiijooyinkii ka soo baxay baaritaankii ay muddo sanadka iyo bilooyin ah ku sameyneysay wax ay tahay kooxdan, sida ay u shaqeeyaan, waxa uu hadafkoodu ku qotomo iyo sababta ku kalifeysa inay ka shaqeeyaan beegsiga waxgaradka ka soo jeeda Muqdisho.

 

Kooxdan maleegta dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho iyo gobalo kale oo Soomaaliya ah waxaa u hormuud ah sedax nin oo isku heyb ah, isku jufo ah, kuna kala sugan sedaxda dal ee kala ah Mareykanka, Ingiriiska iyo Sweden.

 

Baaritaankan oo shabelle ay soo waday muddo sanad iyo bar kudhow ayaa waxaa in la bilaabo sabab u ahaa kaddib markii kooxdani ay maleegeen shirqoolo ka dhan ah idaacadda Shabelle, kuwaas oo qaarkood keenay in la dilo saxafiyiin ka tirsanaa idaacadda iyo masuuliyiin, kuwaas oo dilal la qorsheeyey loogu geystay gudaha Muqdisho.

 

Sedaxda nin ee hormuudka ah:

 

1. Nin lagu magacaabo Cabdiweli DALDOON oo isagu maamula Shabakadda lagu macagaabo SOMALIMEMO, kaas oo degan dalka Mareykanka, balse dhibaatada Muqdisho ka socota aad uga qeybqaata kaalin weyna ku leh tacadiyada dhacaya.

 

Ninkani wuxuu ka soo jeedaa magaaladda Gaalkacyo dhanka Puntland, wuxuuna ahaa ninka maamula website-ka SOMALITALK, haatana wuxuu aad ugu mashqulsan yahay qorsheynta, buunbuuninta iyo fulinta dilalka lagu bartilmaameedsanayo inta yar ee ka hartay waxgaradka Muqdisho.

 

Qofka ay kooxdan dilkiisa in la fuliyo doonayaan waxay ku soo qoraan website loo sameeyey in lagu fuliyo dhibaateynta ummadda, laguna fuliyo dilal qorsheysan oo ka dhan ah dadka waxgaradka ah ee Muqdisho kaas oo cinwaankiisu yahay somalimemo.

 

Ninkan Soomaalida reer Minasota waxay u yaqaanaan, Cabdiweli DANDOON, halka Gaalkacyo iyo hareereheedana looga yaqaano INA XAARAAN DAAQ, waana nin naceybka iyo qabyaaladda kaliya ka shaqeeya oo waqti badan geliya.

 

Ninkanu ma ahan nin diinta wax ka yaqaana, balse wuxuu haatan sheegtaa inuu yahay macalin dugsi quraan, wuxuuna isagoo qamiis gashan isku soo bandhigaa website-yada uu isagu maamulo.

 

2. Ninka labaad waa nin lagu magacaabo Cabdiwaaxid Khaliif, Kani waa milkiilaha shabakadan dilalka qorsheysan lagu fuliyo ee SOMALIMEMO, wuxuuna degan yahay London, wuxuuna ka soo jeedaa isla Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, waxayna qaraabo yihiin INA XAARAAN DAAQ.

 

Cabdiwaaxid wuxuu ahaan jiray dhalintii ay barbaariyeen Al Itixaad, wuxuuna wax ku qori jiray shabakadii Alitixaadku lahaan jireen balse dhalinta beeleedka ay la wareegeen ee Somalitalk. wuxuu qormooyinkiisa intooda badan ku gaaleysiiyaa culimada iyo siyaasiinta ka soo jeeda Muqdisho iyo koofurta Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Kismaayo.

 

Haatan wuxuu ka mid yahay sedaxda nin ee ku masuulka ka ah shabakadan loo adeegsado shirqoolada ummadda iyo maleegida dilalka, wuxuuna bixiyaa qarashaadka ku baxa dadka dilalkooda la maleegay ee la fulinayo, isagoo dhaqaalahaasina ka soo aruuriya ummadda Soomaaliyeed ee reer London oo uu u sheego in aqoon loogu deeqayo.

 

Culimada, odayaasha iyo aqoonyahanka dilkooda la sii qorsheynayo waxaa lagu soo qoraa shabakadda Somalimemo, si haddii ay ka fakadaan kooxdooda ay u dilaan kooxaha jihaad doonka ah, waxaana qofka la beegsanayo ay ku eedeeyaan inuu Bahuuko la shaqeeyo iyo inuu dowladda ka tirsan yahay, taas oo dhalin karta inay kooxaha dowladda ka soo horjeeda qofkaasi u dhibaateeyaan qoraalkaas shirqoolka ah ee laga soo dhigay website-ka Somalimemo dartiis.

 

3. Ninka seddaxaad waxaa lagu magacaabaa Suldaan Garyare, wuxuu degan yahay dalka Sweden, wuxuuna ka tirsanaan jiray isbaheysigii dib u xureynta garabkii Sheekh Xasan Daahir.

 

Haatan waa wakiilka Xisbul Islaam ee Sweden, wuxuuna halkaas uga soo aruuriyaa lacago, balse qorshaha uu ugu jiro Xisbul Islaam waa inuu ku gaaro hadafka qalafsan ee ah beegsida waxgaradka.

 

Suldaan Garyare, ma ahan nin Suldaan ah, waa nin magacaasi ula baxay naanees ahaan iyo inay bulshada u aragto nin wanaagsan maadaama magaca suldaan uu yahay magac ay bulshada xushmeyso.

 

Waxaa lagu xasuustaa inuu yahay ninkii dadka reer Muqdisho ee barakacsan ku amray inaysan guryahooda dib ugu soo laaban karin kaddib markii axmaaradii guryahoodii ka saartay ay ka huleeshay Muqdisho xiligaasi oo dadkuna doonayeen inay geedaha ka soo hoos kacaan oo guryahooda ku soo laabtaan.

 

Garyare, wuxuu ka mid yahay shabakad ahaan kuwa maleega shirqoolada lagu dilo dadka reer Muqdisho, wuxuuna u qaabilsan yahay dhanka ka talo bixinta qofka ay muhiimka tahay in la dilo ama la barakiciyo.

 

Garyare kama tirsana maamulka SOMALIMEMO, balse wuxuu ka tirsan yahay sedaxda nin ee maleegaya shirqoolada, isla markaasna shabakadaas u adeegsada dacaayadda qofka uu dilkiisa u suuroobi waayo si ay ugu abuuraan cadow kale oo u dila, Wuxuu isagana ka soo jeedaa isla Magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay isku jufo yihiin labada nin ee kore, haddana inuu qaraabo la yahay umay xaqiiqsana Shabelle.

 

Sedaxda nin waxay kor ka maamulaan koox dhalinyaro ah oo kala joogta Muqdisho, Puntland, iyo dalalka ay ku sugan yihiin, kuwaas oo ay u adeegsadaan inay u fuliyaan hawlahooda guracan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dilalka qorsheysan iyo hawlo basaasnimo, taas oo daliilaheeda ay ku sugan yihiin shabakadaha ay maamulaan ee SOMALIMEMO.

 

Bishii Maajo ee Sanadkii hore ayey aheyd markii Shabakada Somalimemo. la soo dhigay war lagu sheegay in idaacadda Shabelle ay iibsatay safaaradda Mareykanka, kaas oo ahaa war aan sal iyo raad toona laheyn balse ujeedo gaar ah laga lahaa, maalmo dabadood waxaa la dilay Weriye ka tirsan idaacadda shabelle Cabdirisaaq Warsame Maxamed Allaah ha u naxariistee.

 

Bil kaddib ayaa shabakadan Somalimemo la soo dhigay qoraal kale oo ay cinwaan uga dhigeen ”Idaacadda Shabelle oo laga siideyn doono barnaamijyo ka dhan ah Mujaahidiinta Alshabaab iyo Xisbul Islaam”

 

Taasina waxay keentay in barqo cad ay koox hubeysan suuqa Bakaaraha ku dhex toogtaan agaasimihii Idaacadda Shabelle Muqtaar Maxamed Hiraabe Naxariistii Janno Allaah ha siiyee.

 

Shirqooladii ay kooxdani u dhigayeen waxgaradka Muqdisho way sii socdeen, waxayna kordhiyeen dacaayado ujeedkoodu yahay dilalka lala maaganaa shaqaalaha shabelle, taas oo kentay inay shabelle u qalab qaadato soo helitaanka cidda ka masuulka ah maleegida dilalkan qorsheysan.

 

Waxayna kooxdan olole weyn u gashay inay xaqiijiso dilka inta ugu waxgaradsan reer Muqdisho ee ay u arki karaan inay bulshada muhiim u yihiin. Qorshayaashaasi qaar way fuliyeen qaarna way ku guul dareysteen taas oo ay sabab u tahay iyadoo aysan tooda soo galin.

 

Waxgaradka ay shirqoolada dilka ah u maleegeen ee inaan tooda soo galin darteed kaga fakaday waxaa ka mid ah Nabadoon Axmed Diiriye Cali iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo labaduba kaalin aan Soomaalidu ilaabi doonin ka soo qaatay la dagaalankii gumeystayaashii madoobaa ee itoobiya ee dalka Soomaaliya qabsaday, Waxayna labadan odey ahaayeen codka kaliya ee u hadla bulshada markii ay itoobiyaanku xasuuqayeen.

 

Xilligii ay itoobiyaanku dalka heysteen Cabdiweli Xaaraan Daaq iyo Cabdiwaaxid Khaliif raalli ayey ka ahaayeen. Wuxuu Cabdi Waaxid isagoo Suud iyo Taay xiran isku soo sawiri jiray website-ka Somalitalk, halkaas oo uu ku qori jiray maqaalo taageero u ah Cabdulaahi Yuusuf oo ahaa madaxweynihii ay xukuumadiisa taageerayeen Itoobiyaanka.

 

Halka ina Xaaraan daaqna uu lahaa website-yo si xad ka bax ah u taageersanaa Cabdulaahi Yuusuf, kuwaas oo uu ka mid ahaa web lagu magacaabi jiray www.abaaqarow.com, wuxuuna halkaasi ku qori jiray qoraalo diin ka bax ah oo marka uu xusayo magaca Cabdulaahi Yuusuf uu raacin jiray ”RADIYALAAHU CANHU”, marka uu sheegayo magacyada Shabaab iyo Sheekh Xassan Daahirna wuxuu raacin jiray hadalo habaar iyo aflagaado ah.

 

Ragani ku heshiiyey shirqoolidda Waxgaradka Muqdisho waxay borobagaankooda u adeegsadaan macaga jihaadiyiinta, iyagoo iska dhiga inay taageerayaal u yihiin, balse kama mid aha oo waa koox gooni ah oo hadaf gooni ah oo cuqdad beeleed ku saleysan aaminsan.

 

Lama oga waxa ay ku saleysan tahay gocashadooda, balse waxay isasoo shaacbixiyeen markii uu xilka ka degay Cabdulaahi Yuusuf oo Shariifna kala wareegay, markaas oo ay ololahoodii website-kii abaaqarow ee ka dhanka aha muqaawamada u bedeleen Somalimemo oo isu muujinaya inuu la safan yahay Shabaab iyo Xisbul Islaam.

 

Cabdiweli Xaaraan Daaq oo la weydiyey sababta uu Shabelle mar walba beenta uga sheego ayaa ku jawaabay, ”Shabelle waxaa iska leh rag ka soo jeeda beel aan necbahay, waxaan jeclaan lahaa in mar qura la wada dilo dhamaan shaqaalaha iyo maamulka idaacadda”.

 

Hadalkan oo u muuqda mid naceyb weyni ka muuqdo ayuu Cabdiweli u sheegay saxafi ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee webkiisa wax ku qora, wuxuuna saxafigaasi sheegay inuu u maleyn jiray Ina Xaaraan Daaq nin wadaad ah, balse ay u cadaatay inuu qamiiska gashaday markii uu Cabdulaahi Yuusuf xilka ka tagay si uu taageerayaasha muqaawamada isugu ekeysiiyo gaar ahaanna ururka Alshabaab Almujaahidiin.

 

Ugu dambeyntii inagoo intaasi ku soo koobeyna qeybtii hore ee araarta u aheyd warbixino taxane noqon doona ayaan dhegeystayaashada idaacadda iyo aqristayaasha shabakadeena u balan qaadeynaa inaan u soo bandhigi doonno natiijooyinkii ka soo baxay baaritaanadii ay Shabelle ku sameysay kooxdan, gaar ahaan qodobadan soo socda:

 

1. Dilalka qorsheysan ee ay sedaxdan nin gacanta ka geysteen ee ka dhacay Muqdisho.

 

2. Gacantii ay ku lahaayeen soo dirida caruurta Soomaaliyeed ee qurbaha laga soo diro ee Muqdisho ka dagaalama ama isku qarxiya.

 

3. Dhaqaalaha ay ka aruuriyaan ummadda Soomaaliyeed ee qurbe joogta ah ee ay kaga qaadaan in jihaad lagu taageerayo balse loo adeegsado fulinta dilalka qorsheysan.

 

4. Arrimo sheegaya kulan dhex maray wiil ka mid ah wiilashii Soomaaliyeed ee inta Mareykanka ka soo tageen Soomaaliya isku qarxiyey iyo Cabdiweli Xaaraan Daaq (Daldoon), kulankaas oo ka dhacay maqaayad McDonald ah.

 

5. Wadaado reer Puntland ah oo uu ka mid yahay Sheekh Ismaaciil Khaliif Mire oo u xiran shirqool basaasnimo ah oo uu maleegay Cabdiweli Xaaraan Daaq, kaddib markii wadaadka oo masjid ka qudbeynaya cod sir ah ay ka duubeen wiilal u shaqeeya Xaaraan Daaq, kaddibna soo dhigeen Shabakada, taas oo keentay in qadaadka ay xiraan ciidnka Puntland.

 

6. Iyo warbixino kale oo xasaasi ah.

 

Dhamaan warbixinadan waxay noqonayaan kuwo todobaad walba mar soo baxa, waxayna dhegeystaaya iyo aqristayaasha Shabelle kaga bogan doonaan shirqoolada ay maleegaan kooxda damiirlaawayaasha ah, insha Allaah.

 

Hadaba Waa kuwan hoos ku qoran Wararkii ugu danbeeyay ee sedaxdaani ay ku shirqoolayeen Shaqaalaha Shabelle iyagoo ku soo qoray Wabseedka Shirqoolka umada Soomaaliyeed ee Somalimemo. waxaana wararka ka muuqda Caadifada Qaabiil ee dadkaasi ku jirta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninkani wuxuu ka soo jeedaa magaaladda Gaalkacyo dhanka Puntland

wuxuuna ka soo jeedaa isla Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland,

Wuxuu isagana ka soo jeedaa isla Magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay isku jufo yihiin labada nin ee kore

Haye, Wixii xunba xaawaa leh miyaa sheekadu ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

looooool@JB

 

Aniga waxaa weli iga degi la' Xaaraan Daaq, sidee loo aaminey nin magacaas wata?. Magac xumaa, ma magacyadii ayaa dhamaadey belaayo na haysata!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninkaas C/waaxid Khaliif la leeyahay qoraaladiisa wuxuu kusoo daabici jiray Soomaalitalk iyo Soomaaliweyn years ago asagoo taagersan Barbaarta iyo xulafadooda. Sanadahaan dambe wax uu qorayba ma arkin. Taloow ma Xamar ayuu aaday oo si toos ugu biiray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Indeed but the men they mention and the website Somalimidnimo is even worse.

 

They were all friends once, and Shabelle was the biggest mouth piece for the clan courts. Now they are history and can not get over it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this