Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bugland Official Defected to Somaliland

Recommended Posts

Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool gaadhigii Taliyaha Qaybta Police-ka ee Gobolka Sool ee maamul Goboleedka Puntland ee Somalia gaadhigaas oo tan iyo intii maamulka Somaliland uu la wareegay gacan ku haynta Gobolka ku sugnaa magaalada Tukaraq.

 

Gaadhigan ayaa waxaa lasoo galay darawalkii watay iyo todoba askari oo kale waxaana ay ula soo galeen maamulka Somaliland ee haatan ku sugan magaalada Laascaanood iyagoo kasoo kicitimay magaalada Kukaraq ee ay ku sugan yihiin ciidamada maamulka Puntland gaadhigan oo ahaa nooca Soomaalidu utaqaan cabdi bilaha oo qori ku rakiban yahay.

 

Waxaa soo galbiyay gaadhiga Taliyaha qaybta ee Puntland masuuliyiinta Gobolka Sool oo ay horkacayeen Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Sool Maxamed faarax Indho Buur,Gudoomiyaha Degmada Laascaanood Canbaashe aw Daahir x. Xasan iyo Taliya cusub ee Qaybta Police-ka ee Gobolka Sool Cabdi Muuse iyagoo ku sugayay darafka barri ee ukoonaysa ciidamada Somalialnd.

 

Askartii saarnayd gaadhiga iyo gaadhigiiba ayaa waxaa la keenay saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood halkaas oo ay ilaa hadda ku sugan yihiin iyadoo gaadhigani aan la ogayn inay Dawladu lacagta u celin doonto raga lasoo baxsaday iyo in ay sitoos ah ula wareegi doonto.

 

Isku soo wada duuboo waxaa caado rasmi ah ka noqday lasoo baxsashada baabuurta dagaalka iyo waliba kuwa kale maamul Goboleedka Puntland iyadoo alaaba ay wadayaasha baabuurtaasi ay lasoo goostaan baabuurka ay darawalka ka yihiin ulana soo galaan maamulka Somaliland.

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascanood, (Qarannews)-Waxaa maanta la soo galay ciidan iyo gaadiid Taliye lagu Naaneyso, KA BAYDH-DAWLADA, oo ahaan jirey Ciidanka Booliiska ee Gobolka Sool waxaana weheliya 10 Askari oo ka mid ahaa ilaaladiisa iyo ciidanka Booliska ee Puntland ee G/Sool

 

Mudane Kabaydh dawlada, ayaa wuxuu ahaan jirey shaqsiyaadka sida wayn uga soo horjeedi jirey dawlada Somalialnd ama Joogitaanka Somaliland ee Gobolka Sool,dhinaca kale aad ayaa Maanta loo hadal hayaa Soo gelista Sarkaalka oo dadka qaarkoodba ay ku tilmaameen in anay Cidaba ku hadhayn meesha Sarkaalkani ka yimid, taasi oo maanta dadweynaha reer Laascanood ay meeshii aad tagtaba ama aad istaagtaba ay sheekada ugu hadal haynta weyni ay tahay sarkaalkani oo isu soo dhiibay maamulka gobolka Sool, isla markaasna soo dhaweeyay xukumada Somaliland iyo sida ay uga hawl gashay gobolka Sool, taasi oo uu ku tilmaamay dawlad dadkeeda iyo dalkeeda u shaqaynaysa.

 

Dhanka kalena aad iyo aad ayaa loo soo dhaweeyey, sarkaalkani haday noqoto Shacab iyo Dawladaba Ciidanka iyo Gaadiidka uu hogaaminayey Md Kabaydh-Dawlada,waxaana ka muuqatay Farxad aad u wayn sida loo soo dhaweeyey iyo Qaabilaada uu ka helay Maamulka Gobolka Sool iyo Saraakiisha Ciidanka Qarankaba.

 

Mana aha markii ugu horaysay ee ay xaga Somaliland u soo firxadaan ciidamo iyo saraakiilka tirsanaan jiray xaga Puntland, lakiin sarkaalkani waxa uu ahaa kii ugu xag jirsanaa saraakiisha ka soo hor jeedi jirtay xukumada Somaliland, hase ahaayee hada mawqifkiisaasi ka tanaasulay.

 

War isna goor dhawayd naga soo gaadhey dhinaca Tuka raq ayaa wuxu sheegayaa in Labo nin lagu dhaawacay gaadhi xamuul ahaa oo ay wateen laga dhacay maanta, sidoo kale wararka ayaa sheegaaya in ay dhimashona jirto, taasi ujeedada loo dhacay gaadhigan ayaa waxaa maleeehsiyada Puntland ay ku tilmaameen in uu leehayay gaadhigan ganacsade ka soo jeeda deegaanka Buuhoodlle taasi oo ay ku eedeeyeen ganacsadahaasi in uu dawalda Somalialnd uu ku soo dhaweeyey magaalada Buuhoodleh, dhawaan, taasi oo ay dawlada Somaliland ka hirgalisay gobolka Buuhoodleh maamul hada shaqaynaaya, taasi oo uu madaxweyne Rayaale dhawaan u magacaabay gobolkaasi madaxdii maamulka ee gobolka iyo taliyayaashii ciidamda booliska iyo nabadgalydaba, kuwaasi oo si buuxda uga hawlgalay hada gobolkaasi.

 

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay ganacsadaha baabuurkaasi xamuulka ah lahaa iyo waxa ka jira waxa ay maleeshiayda Puntland ay ku eedaynayso.

 

Wixii dambe dib kala soco anaga oo warkaasi oo faah faahsan idiin soo gudbin doona hadii Ilahay ogolaado...

 

Odayaal shalay la xidhay oo maanta la sii daayey kadib markii xubnno ka mid ah Guurtida ay xaliyeen arintii.

 

Waxaa maalintii shalay lagu xidhay saldhiga dhexe ee Laascaanood Odayaal dhaqameed ka soo jeeda beelaha Laascaanood dega ka dib markii ay Maamulka Gobolka khilaaf dhexmaray ku salaysan shirka Adhicadeeye,Shirkaas oo lagu dhexdhexaadinayey beesha Odatyaasha laxidhay iyo Beel kale oo ay wada degaan Agdhicadeeye,Xubin ka mid ah Odayasha la xidhay ayaa sidan u dhigay hadlkiisa 'Anagu ma diidanin Nabada iyo in aannu la xaajo qaadano Ardaaga kale balse waxaaannu diidnay Xubnaha ka socda Golaha Guurtida iyo wixii ku lug leh Maamulba waaayo waxaa ku jira shirka Adhicadeeye Arimo Siyaasadeed oo aannu diidanahay Beel ahaan,hadii nala dhedhexaadinayo Beesha kale Laacaanood baanu diyaar ku nahay.

 

Beryahanba Gudomiyaha Gobolka ayaa Odayasha kala hadlayey inay ka qayb galaan shirka ka socda Adhicadeey iyo in ay la xaajoodaan Beesha kale ee xurguftu dhextaalo balse arintaas ayey isku maan dhaafeen Gudomiye Cali iyo odayaasha ka dibna loo taxaabay Saldhiga halkaas oo ay xalay ku baryen saakana Xubnihii Guurtida iyo Odayaal Gobolka ah soo daayeen oo ay xaliyeen Arintii.

 

Dhinaca kale ma cadda ilaa iyo hada in ay Odayashu ka qayb gelayaan Shirka Adhicadey iyo In kale waloow warar xasaasi ah ay sheegayaan in ay ku adkeysteen Go'aankoodii hore.

 

Dhiaca Gudomiyaha iyo Maamulka Somaliland ayaa ku tilmaamay Odayashan in ay Diidan yihiin in ay la nabad qaataan ardaaga kale oo ay doonayaan in aan cidi dhexdhaxaadin.

 

Qarannews, kala soco wararka gobolka Sool, anaga oo ka soo warami doona dhacda kasta oo ka taagan gobolka madaama aanu si weyn uga hawlgalno xaga warbaahinta gobolka iyo dhaman gobolada dalka ee Somaliland, iyada oo ay gobolada dalka nooga soo warmaan wariyayaal tayo iyo aqoon u leh waxa ay soo gudbinayaan, balanteenu waa barta qarannews.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this