Sign in to follow this  
General Duke

Oodweyne demo against + shock of Riyaale admin at turn of events

Recommended Posts

Mudaharaad Hadheeyay Socdaalka Wefti Xukuumada Ah Oo Oodweyne Booqday

March 12th, 2009

 

Burco (Somaliland.Org)- Wararka ka imanaya caasimada gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne, ayaa xaqiijinaya in uu mudaharaad iyo guux hadheeyay xaflad ay xukuumada iyo xisbigeeda UDUB ku doonayeen in ay ku sheegtaan hirgalinta riig biyood ay hay’ad Islaami ahi hore ugu qoday dadweynaha deegaankasi, sida ay Somaliland.org caawa fiidkii u xaqiijiyeen dad ku sugan deegaankaasi oo iyagu goob joog ka ahaa.

 

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in weftiga xukuumada oo ka koobnaa wasiirro iyo xoghayaha guud ee xisbiga UDUB oo wata raxan baabuur sita calanka xisbiga xukuumiga ah, ay qaylo iyo mudaharaad kala kulmeen dadkii ay halkaasi ugu tageen taasi oo lagu sababeynaayo fulin-waaga balamihii ay hore ugu qaaday xukuumada madaxweyne Riyaale.

 

“Riigga mahadiisa Carab iyo cid kalaa leh, iyo UDUB doonimayno iyo hadallo caynkaas ah ayay dadku ku qaylinayeen, laakiin waxba may shiidin” sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah odayaasha deegaankaas oo goobtaasi joogay kana cudur-daartay in magaciisa la sheego

 

Goob-joogayaal kale ayaa xaqiijiyay jiritaanka warkani, kaasi oo la sheegay in qaar ka mid ah wasiiradani oo ay ka mid ahaayeen wasiirka hawlaha-guud iyo guryaynta Somaliland Siciid Sulub Maxamed iyo wasiirka macdanta iyo biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf oo uu xoghayaha xisbiga UDUB wakhti badan ku qaadatay aamusiinta shacabkii mudaharaaday.

 

Waxana socdaalka weftiga weheliyay qaar ka mid ah warbaahinta dawladu maamusho.

 

Weftigan ayaa ka amba-baxay magaalada Burco saaka subax, iyada oo la sheegay in ujeeddada socdaalkooda Oodweyne ahaa, in ay munaasibad u-qabtaan riig biyood ay hay’ad Islaami ahi ka hirgalisay deegaankaasi, kaasi oo ka mid ahaa mashaariicda ay hay’addaha samofalka ahi ugu deeqaan Somaliland.

 

Hasa yeeshee weftigan, oo ku guul-daraystay isku day ay ku baajinayaan shirka aaye ka tashiga ahaa ee beelaha bariga iyo galbeedka Burco uga socday hoteel City Plaza, ayay maanta sababta ay u tageen Oodweyne ahayd sheegashada dhismaha Riigga si xisbigooda ay shacabka reer Oodweyne ugaga kasbadaan taageero siyaasadeed.

 

Dareenka noocan ah ayaa wararku sheegayaan in ay sabab u tahay fulin-waaga ballamo badan oo xukuumadda madaxweyne riyaale hore ugu qaadday shacabka deegaankaasi kuwaasi oo ay ka mid yihiin dhismaha waddo-isku xidha Oodweyne iyo Hargeysa, iyo furitaanka cusbitaalka guud, iyo ka shaqaysiinta adeegyada bulshada oo ah mid uu dayac badani ka muuqdo.

 

Foosi saleebaan Aw-bindhe

Somaliland.org Burco

 

e-mail-foosi36@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

3361sicii.bmp

 

Wasiirada ugu Miisanka Culus Xukuumada Rayaale oo ka Sasay Go’aamada Ka soo Baxay Shirkii Burco

 

Burco (Jam)-Wasiiradda ugu misaanka culuc xukuumadda Madaxweyne Rayale ee dhalasho ahaan ka soo Gobolka Togdheer, ayaa markii u horaysay dareen isku mid ah ka bixiyey shirkii ay Burco ku qabsadeen beelaha Galbeedka iyo Bariga, iyaga oodareen sas leh oo walaac badani ku dheehan yahay ka bixiyey qaabka shirkasi u qabsoomay, waxayna Xisbiga KULMIYE ku eedeeyeen in uu dalka ka wado abaabul shirar beelaysan oo ay ku sheegeen in aanu danta dalka iyo dimuqraadiyada faa’iido ugu fadhiyin.

 

 

Wasiiradan oo kala ah wasiirka maaliyadda Md. Cawil Cali Ducaale iyo wasiirka Hawlaha Guud Md. Siciid Sulub,ayaa si gooni gooni ah dareenkooda ku waajahan shirka Burco u cabiray, ugu horayn Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Md.Siciid Sulub ayaa shirka ka socday magaalada Burco ku tilmaamay in shirbeeleed siyaayadaysani ugu horeyn ee kii Garadagba uu jiray waana dhaqanka Siyaasadeed ee Xisbiga KULMIYE, sidaana waxa ka sheegay mar uu galabta ku hakaday Burco isagoo ka yimi dhinaca Oodweyne oo maanta lagu qabtay Munaasibad loo sameeyay Ceel qodis uu ka bilaabay Riigii Dalka Imaaraadka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this