General Duke Posted April 20, 2009 Asmara;Hogaamiyaha Mucaaradka Xasan Dahir oo ku laabtay Magaalada Asmara 20. april 2009 Asmara;(AllPuntland) -Aweys ayaa ku laabtay Magalada Asmara halkaas oo uu ku laha saldhig siyaasadeed kadib safar uu ku tagay Caasimada Suudaan ee khartum oo la sheegayey in uu wadahadal kula lahaa dawlada Madaxweyne Shariif. Warar is khilaasan ayaa ka soo baxaya ku laabshada uu Xasan Dahir ku laabtay Asmara , waxaaana warar ay AllPuntland heshay sheegayaan in uu ku qanci waayey qorsho ama hindise ay dawlada Suudaan ay waday oo ahaa in uu ku biro dawlada Shariif Sh.Axmed . Afhayeen u hadlay Xasan Dahir oo ku sugan London oo lagu magacaabo Ugaas Bashir aaya sheegay in wali ay socdaan isku dayo kale laakin la fashiliyey warar aha in Xasan Dahir uu go’don ku ahaa Asmara oo anu ka bixi Karin. Waxa uu sheegay afhayenkan in iyaga wali aanu cadeyn ajandahooda ku aadan taagerada dawlada . Mar wax laga weydieyey aimo ku saabsan waxa uu ugu laabtay xasan dahir Asmara auu shegay in Asmara wali ay thay halka laga maamulo siyasad ahaan Urrukooda. Xasan Dahir ayaa dhawaanahan waxaa so baaxyey warar ahaa in uu imaanayo Somalia ha yeeshe ma dhicin lamina yaqaano waxa safarkisaas baajiyey xili taagerayashiisa ay jogan Muqdisho iyo Galguduud meelo ka mid ah Quote Share this post Link to post Share on other sites