General Duke Posted February 18, 2008 RA’IISAL WASAARE NUUR CADDE: “In aan Ciidamada Itoobiyaanka ka saarno Soomaaliya waxay nagu qaadaneysaa 24 Saac, laakin waa in aan ka fiirsanaa sidii aan u buuxin lahayn booska ay baneeyaan” Axad, February 17, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde oo shalay Waxgarad Soomaaliyeed kula hadlayay Hotelka Panari ee magaalada Nairobi ayaa wuxuu mar kale ku celiyay qorshaha ay Xukuumaddiisa dooneyso in ay wax uga qabato mushkiladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa ay muhiim u yihiin nabadeynta Soomaaliya iyo sidii xal waara loo gaari lahaa, wuxuuna caddeeyay in waxyaabaha ay Mucaaradka tabanayaan ay u kala jiraan labo arrimood oo kala ah in ay qaarkood Dowladda dhaliilsan yihiin, halka kuwo kalena ay dareemayaan in awood qeybsigii dalka aan lagu tixgelin. Waxaa uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha in ay jirto baahi ku saabsan sidii nabadda iyo dib u heshiisiinta la isugu waafajin lahaa dadka qunyar-socodka ah iyo kuwa mayalka adag ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, meeshana looga saari lahaa is-mari-waaga jira, dabadeedna loo gaari lahaa xal waara oo loo helo mushkiladda 15-ka sano ka badan ka taagan Dalka Soomaaliya. Mar uu ka jawaabayay weydiin ku saabsaneyd goorta ay Soomaaliya ka baxaan Ciidamada Itoobiya oo uga timid dhinaca Dadkii uu la hadlayay ee uu kula kulmay Hotelka Panari ee Magaalada Nairobi ayaa wuxuu sheegay in ay 24 saacadood ku qaadaneyso in ay Ciidamada Itoobiya ka saaraan Soomaaliya hayeeshee loo baahan yahay in marka hore laga fiirsado sidii loo buuxin lahaa booska nabad-sugidda ah ee ay baneeyaan Ciidamada Itoobiya. “In aan Ciidamada Itoobiyaanka ka saarno Soomaaliya waxay nagu qaadaneysaa 24 Saac, laakin waa in aan ka fiirsanaa sidii aan u buuxin lahayn booska nabad-sugidda ah ee ay baneeyaan” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen wasiirro ka tirsan Xukuumaddiisa oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cali Xaamud iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika. Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu walaac ka muujiyay xaaladda adag ee ay ku nool yihiin dad badan oo ka barakacay dhibaatooyinka ka jira Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in aysan dadkaasi heysan gargaarka ay u baahan yihiin marka laga reebo dadaallo ay waddo Dowladda Federaalka iyo Hay’ado Deeq bixiyayaal ah oo dadkaas raashin lagu gaarsiiyo, wuxuuna ka codsaday Beesha Caalamka inay Dadkaas gargaar deg deg ah la soo gaaraan. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 18, 2008 Brussels: Raysal Wasaare Nuur Cadde oo qiray in Somaliya ay ka mid tahay furimaha dagaal ee argagixisada caalamka Ciraaq & Afghanistan ka sokow, tilmaamayse in badi mucaaradka lala xaajoon karo, aan ka ahayn tiro yar oo xag jir ah. 17. februar 2008 Brussels, Feb 15 - R/wasaaraha Somaliya Nuur Xasan Xuseen 'Cadde' ayaa qiray in Somaliya ay ka mid tahay furimaha dagaal ee Argagixisada Caalamka Ciraaq & Afghanistan ka sokow, tilmaamayse in badi mucaaradka lala xaajoon karo, aan ka ahayn tiro yar oo xag jir ah. Badi mucaaradka ayaa ku tilmaamay in ay yihiin kuwa lala xaajoon karo, marka laga reebo tiro yar oo gacansaar la leh argagixisada caalamka. "Waxaan qabaa in badi mucaaradku ay yihiin kuwa saluugsan wax qabadka dawlada, rabana in isbedel la sameeyo. Qaar kale ayaa qaba in aan laga qayb galin awood-qaybsiga, jeclelna in ay iska dhex arkaan sawirka..." ayaa uu yiri R/wasaare Cadde oo ka hadlayey mucaaradka. "Lahaanshaha dawladu waa mid bulsheed, waana mid bulshada Somalida ..." ayaa uu raaciyey. R/wasaaraha ayaa waraysi uu siiyey wargeyska todobaadlaha ah ee Newsweek ku tilmaamay xaalada guud ee Somaliya mid qasan, aadna uga dayriyey xaalada bini'aadanimo ee dadka Somalida oo sida uu sheegay ah mid khatar ku sugan. Waxaa uu xusay in amni darida ka jirta dalku ay sabab u tahay taas, ayna adag tahay in laga badbaado haddii amniga dalku aanu sugnayn. R/wasaare Cadde oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Brussels, xarunta Midawga Europe, shirarna la yeeshay madaxda Midawga Europe ayaa ugu baaqay beesha caalamku in ay gacan ka gaysato hawlaha dib u heshiisiinta ee ay xukuumadiisu ku baaqday, si xal siyaasadeed loo gaaro. Dawrka dawlada Maraykanka ee arrimaha Somaliya ayaa uu R/wasaare Cadde ku tilmaamay in uu yahay mid taageero siyaasadeed, ayna dawlada Maraykanu majaraha u hayso hawlgalada ka socda Somaliya. Waxaa uu xusay in aanay jirin ciidamo Maraykan ah oo ku sugan gudaha Somaliya, balse ay taageero ka helaan ciidanka sirdoonka Maraykanka ee CID-da, oo uu sheegay in ay yimaadaan dalka saraakiil ka tirsan CIA-du, aanayse ku nagaan in badan gudaha dalka Mar la weydiiyey xiriirka u dhexeeya dawladaha Somaliya iyo Ethiopia, iyo in xiriirkaasi uu yahay mid mugdi galin kara jiritaanka dawlada Somaliya ayaa R/wasaare Cadde uu sheegay in aanay taasi jirin, dhab ahaana ay Ethiopia gacan u fidisay Somaliya mar ay aad ugu baahnayd, ayna weli ka taageerto sugidda amniga. In colaada ka aloosan Somaliya ay tahay waxa loogu yeero "proxy-war" oo ay Somaliya noqotay goof ay ku hardamaan Ethiopia iyo Eritrea ayaa R/wasaaruhu aanu inkirin, oo sida uu sheegay mucaaradkuna uu taageero ka helo Eritrea, dawlada Somaliyana ay taageero ka hesho wadamo ay ka mid yihiin Ethioipa. Waxaa uu intaa raaciyey in colaada u dhaxaysa Ethiopia iyo Eritrea ay qayb ka tahay, balse ay jiraan raadad kale oo badan oo huriya mahlakada ka taagan Somaliya. Mar la weydiiyey R/wasaaruhu rajada uu ka qabo ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay oo la geeyo Somaliya ayaa uu sheegay in QM ay u dirtay Somaliya sahan, layslana qiray baahida ciidamo nabad ilaalineed. R/wasaare Cadde ayaa qiray in Somaliya ay mid ka tahay furimaha dagaal ee argagixisada caalamka oo ay saddexayso Ciraaq & Afghanistan. Waxaa uu xusay in ay jirto fursad weyn oo Somaliya ay hoy ugu noqon karto argagixisada caalamka, hubka ugu weyn ee lagula dagaalami karaana ay tahay dib u heshiisiin. Diiwaanka Wararka, Radio Daljir. Il- newsweek.com Sii baahintii AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 18, 2008 Nuur cadde ‘Somalia waxay ka mid tahay Furimaha Dagaal ee Argagixisada Caalamka Ciraaq iyo Afghanistaan’ Posted to the MOL February 17, 2008, 9:02 am Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde ayaa sheegay in Soomaaliya ka mid tahay furimaha dagaal ee Argagixisada Caalamiga Ciraaq iyo Afghanistan. Nuur Cadde ayaa sheegay inay Somaliya ku sugan yihiin kooxo ku xiran kooxda Alaaciida ee dagaalka ka wada Ciraaq iyo afganistaan. Nuur Cadde ayaa sheegay in qaar ka mid ah mucaaradka Dowladiisa wada xaajoon lala gali karo laakiin ay jiraan kuwo xiriir toosa laleh Argagixisada caalamiga ah sida Alqaaciida. Nuur Cadde wareysi siiyay wargeysa afka dheer ee Newsweak ayaa xaalada Somaliya ku timaamay mid ay ka jirto fowdo baahsan dadka Somalidana ay haysato dhibaatooyin isugu jira mid dhaqaale iyo nabad xumo ay dhaliyeen dagaaladu. ‘Waa jiraan kooxo ka soo horjeeda dowlada oo ay wada hadal la galayaan, waxaa kaloo jira kuwo xag jira oo aan ogalayn wax wada hadal ah iyo nabad la gaaro toona’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Nuur cade mar uu ka hadlayay mucaaradka dowladiisa. Ra’iisal wasaare Nuur Cadde oo waayadaan dambe booqosho ku maraya wadamada midowga Yurub ayaa sheegay in dowladiisu u baahan tahay in laga taageero sidii ay wadanka nabad ugu soo dabaali lahayd. Isagoo sheegay in gacan dowladiisu ka heshay dowlado badan oo ay ku jiraan Maraykanka iyo midowga Yurub. Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites