Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Prime minister Gheedi arrives in Afgooye!

Recommended Posts

Afgooye: Ra`iisul wasaare Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmada Afgooye.

 

Khamiis, December 28, 2006

 

Afgooye (AllPuntland)- Ra`iisul wasaaraha dawladda Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa dhowaan gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabellada Hoose.

 

Sida uu shaaciyay TV-ga Al -Carabiya ra`iisul wasaare Geddi ayaa waxa uu hadal u jediyay qaar ka mid ah odoyaasha degmada iyo dadwayne aad u fara badan oo magaalada Muqdisho ka aaday degmadaas.

 

Ra`iisul wasaare Gedi oo degmada Afgooye waraysi ku siiyay wakaaladda wararka ee Rueters ayaa waxa uu sheegay in ciidamada dawladdu ay gudaha u galeen magaalada Muqdisho, dhowaana uu gaari doono.

 

Socdaalka Geedi ee degmada Afgooye ayaa waxaa ku wehliya mas`uuliyiin ka mid ah golaha xukuumadda ee dalka Soomaaliya.

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka socdaal olole ballaaran oo ay wadaan dadka deegaanka oo ay ku doonayaan in ay ku soo dhoweeyaan wafdiga xukuumadda.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ciidamada dawladda Soomaaliya oo si rasmi ah gudaha ugu galay magaalada Muqdisho.

 

Khamiis, December 28, 2006

 

Muqdisho (AllPuntland)- Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

 

Ciidamada dawladda ayaa waxa ay magaalada Muqdisho ka soo galeen dhanka deegaanka Balcad oo ay dhowaan ka soo ambabaxeen.

 

Wariye ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu inoo xaqiijiyay in uu arkay gawaarida ciidamada dawlada oo maraya wadooyinka waawayn ee magaalada Muqdisho.

 

Wali ciidamada dawladda ee galay magaalada Muqdisho ma aysan samaysan goob fariisin ah, ama xarun ay dagaan.

 

Ciidamada dawladda oo muddo laga sugayay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la filayaa in ay sugaan amaanka magaalada Muqdisho oo ay dhowaan fawdo ka bilaabatay.

 

Midawgii maxkamadaha ee magaalada Muqdisho dhowaanahaan gacanat ku hayay ayaa waxa ay magaalada ka baxeen ka gadaal markii ay xukuumadda Soomaaliya magaalada Muqdisho dul dhigtay awood ciidan oo aad u ballaaran.

 

Waa markii ugu horeysay oo ciidamada ay leedahay dawlad Soomaaliyeed ay gaalaan magaalada Muqdisho oo caasimad u ah dalka Soomaaliya.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Duke, The greatest challenge facing us right now, is how to get the weapons out of Mogadishu residents hands, who have been again allowed to arm themselves by the UIC!

 

They left convienantly the storages open, so that everyone can 'help' themself to something!

 

This will delay inshallaah for a few months the disarmament of the city and citizens of Mogadishu.

 

Without disarmament no lasting peace can be reached so therefore the first priority must be disarmament, then inshallaah peace can be returned fully.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^I love the new pictures. The TFG has many challanges to face, though pacifying the country wont be an easy task.

 

The clan courts are trying to start mayhem so they can escape.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Thanks Duke for the reminder, I've to accredit Puntlandpost.com for this very beautiful pictures indeed.

 

<font color="orange"

Source: Puntlandpost.com

 

BIYO.JPG

 

XEEB.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this