Rokko Posted May 28, 2003 This article is kinda old, but I found it to be funny. September,12.2002 | Muqdisho| Bakaaraha Online Maxamed Xaaji (Ingiriis) Bakaaraha Online ,Muqdisho, Soomaaliya E-mail: Ingiriis@yahoo.com Intii muddo ahba waxaa ka soo yeerayey labada nin ee isku haya is maamul goboleedka Puntland is naqdin iyo is eedeyn. Cambaareyntoodu waxa ay dhabbaha u xaartay dagaal iyo masiibo la soo gudboonaata Puntland. Haddaba, labada nin Col. C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Col. Jaamac Cali Jaamac, waa niman caynkee ah? Bishii December ee sannadkii tagay ayaan cagta soo mariyey gobollada Puntland, waxaanan gooni gooni ula kulmay labada ninba. Ugu horreyntii, Col. Jaamac Cali Jaamac ayaan ku waraystay magaalada Boosaaso. Waa nin dheer oo cad, waana ku dhowaad dada 65 jir. Waa nin furfuran oo aad u dabacsan. Siyaasaddiisu aad ayay u qabow dahay. Waxa uu ka tirsanaa booliskii hore ee Soomaaliya. Ma aha nin laga dhex yaqaanno xeryaha ciidammada milateriga, sida Col. C/llaahi Yuusuf, waxaase aad looga yaqaannaa xarumihii xisbigii Kacaanka. Uma muuqan nin diyaar u ah Photo:C/laahi Yuusf & Ingiriis dagaal inuu kala hor tago ninka ay sida weyn isu diiddan yihin. Farqi weyn oo dhinaca siyaasiga ah ayaa u dhexeeya isaga iyo C/llaahi Yuusuf. Waxa uu isu haysta inuu yahay nin nabadeed (a man of peace), taasoo uu ka dhaxlay in dagaal lagaga qabsado xaruntiisii malkada u ahayd ee Boosaaso. Debecsanaanta Jaamac Cali Jaamac, waa tan keentay in markiii hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi uu dagaal kaga adkaaday kuwa dowladda KMG ah uu ku shirbay Milateriga Carta jilicsanaa, ma Jaamac Cali Jaamacaa? Lama oga waxa hadda kaddib siyaasaddiisu noqon doonto, iyadoo uu haatan fariisin ka dhigtay magaalada Jabuuti. Saddex jeer oo aan is aragnay Kornaylku waxa uu u muuqday nin daalan oo howluhu ku badan yihiin. Dadka isaga kaalmeeya ayaa wax badan maamulkiisa kala waday, iyagoo isku xirayey xiriiradiisa. Jaamac Cali Jaamac, intii aan ku sugnaa Boosaaso waxaan ku booqanayey xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Boosaaso. Waa nin aan ku dhex tartami karin xaaladaha dalku hadda ku sugan yahay, waxaase uu istaahilaa inuu madax ka noqdo meel nabadi ka jirto. Col. C/llaahi Yuusuf, waxaan isaga kula kulmay hotel Meereysane oo ku yaalla magaalada Garoowe, halkaas oo uu deggenaa intii uu ku sugnaa gobolka Nugaal. Waqti duhur ah oo qorraxdu kulushahay ayaan u tagay, iyadoo ay ahayd maalin Ramadaan ah. Kornaylku, waa maqnaa, waxaanan xan ku ogaaday inuu soo kormeerayey xerada 54-aad oo ay ku jireen ciidammadiisa. Waxaan u qaatay inuu heegan dagaal ku jiro. Iridka meesha laga galo hoteelka uu deggan yahay ayaa Wasiir ka tirsan xukuumaddiisii hore waxa uu maliishiyada C/llaahi Yuusuf ugu qaybinayey Moos iyo Caano Geel oo markaas la soo lisay. Wax yar markii aan fadhiyey qolka uu ku qaabilo martida ayaa waxaa ii soo galay Col. C/llaahi Yuusuf. Isagoo kabaha siibanaya ayaan eegayey dhabarkiisa, waxaana iiga muuqatay inuu wax badan ka shabbaho saaxiibkiisii geeriyooday Jen. Maxamed Faarax Caydiid. Col. C/llaahi Yuusuf, waa soo galay, waana fariistay, waana la iskeen baray. Wax yar kaddib, waxaan ogaaday in Kornaylku yahay nin kaftan badan, dacaayad badan, dhaleeceyn badan, hadal badan, muran badan oo xitaa qaylo badan. Ma aha nin hadalka la gabbada. Sida badan hadalladiisu waa kuwo cad-cad oo aanu daah saarnayn, waxaase ay u badan yihiin cay iyo afgalaado. Ka hor intii aanu waraysiga billaaban ayaa nin da dhexaad ah uu u yimid Col. C/llaahi Yuusuf, waxaana uu billaabay inuu madaxa u shanleeyo, una toosiyo. Shanladu ma handadaad baa baan is iri, haddana waxaan ogaaday inay tahay mid ka mid ah caadooyinkiisa. Kornaylku, ka sokow ad adayga iyo kartida, waxa uu dhinac kasta ka shabbahaa Maxamed Faarax Caydiid. Hal-beeggiisu waa dad iska dhicin iyo libin dagaal oo laga guul-gaaro. Isagoo ka hadlaya in Jen. Caydiid uu argagixiso ahaa iyo in kale, waxa uu yiri CIA-du waa ka been sheegeen Caydiid, mana ahayn argagixiso, maxaa yeelay waan isla digrin jirnay, argagixisana ma digriso. Hadda waxa ay diiraddu u saaran tahay Cabdiqaasim Salaad Xasan, Madaxweynaha KMG ah oo uu ku tilmaamay inuu yahay wahaabi. C/llaahiyow, adigana? markaan iri waxa uu yiri anigu waxaan ahay nin Muslim ah, waxaan ka ahay Sunni, waxaan ka ahay Shaafici, waxaan ka sii ahay Ahlu-sunna-wal-Jameeca, waxaana ka sii ahay Qaadiriya. Intaanan soo gaarin Garoowe, waxaan soo booqday meesha la yiraahdo Shimbiraale oo 30km dhinaca bari ka xigta Boosaaso xeebta badda cas. Waa meel lagu tilmaami jiray inay ahayd xarun argagixiso, hase ahaatee waxay ahayd meel dalxiiska ku wanaagsan oo aan strategically ku fiican in ciidamo ay degaan. Labada nin ayaa is weydaarsanayey cambaareyn siyaasadeed, iyadoo midba midka kale ku eedeynayey inuu argagixisada siiyo gacan iyo gabbaad. Waxay eedeyntaasi ka dhignayd dagaalkii Caydiid iyo Cali Mahdi oo soo gaara waqtigan, labada nin-na waxa ay hadda kala taagan yihiin meeshii ay kala taagnaan jireen Cali iyo Caydiid 1991-92. Iyadoo maanta la xusayo sannadguuradii 1-aad ee ka soo wareegatay September 11 oo ahayd markii Al-Qaacida ay weerar ku qaaday magaalooyinka New York iyo Washington oo ay qarxisay daarihii mataanaha ahaa (twin towers) iyo xarunta Pentagon, xaggee ku dambaysay eedeyntii ahayd in Shimbiraale ay deggan yihiin urur argagixiso? Si kastaba ha ahaatee, Jaamac Cali Jaamac, waxa uu ku dhashay magaalada Marka, iyadoo Col. C/llaahi Yuusuf-na la wada ogyahay inuu ku dhashay Mudug. Haddaba suaasha is weydiinta leh waxa ay tahay si kasta oo loo tartamo Mudug iyo Marka ma tartami karaan? Quote Share this post Link to post Share on other sites