Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sharif Hotel's trip cost the lives of 120 civilians

Recommended Posts

Shiikh Shariif oo markale ka badbaadey duqeymo

28 Oct 28, 2009 - 6:32:02 AM

 

Madaxweyanha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta 28 Oct,2009 ka badbaaday mar kale duqeyn ay la beegsadeen xoogaga dowladiisa kasoo horjeeda, waxaana duqeyntan lagu beegay xili uu ka dagayay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

 

Wafdiga Madaxweynaha ee weerarka lagu qaaday ayaa kasoo laabtay safaro ay ku tageen dalalka, Uganda, Jabuuti, Yemen, Kuwait iyo Arab Emirates, kuwaasoo qaatay muddo sitimaan ah.

 

"Kooxaha naga soo horjeeda waxay madaafiic la beegsadeen garoonka diyaaradaha, markii ay soo cagodhigatay diyaarad gaar ah oo waday Madaxweynaha iyo xubnaha safarkiisa ku wehliyay, balse nasiib wanaag waxba ma aysan gaarin" ayuu yiri C/qaadir Barnaamij oo ah afhayeenka Madaxtooyada.

 

Afhayenka ayaa saxaafada Muqdisho u sheegay in iskudaygan uu ahaa mid aad loola yaabo ayna suuragashay in Madaxweynaha iyo xubnaha wafdigiisa ay si nabadgalyo ah kusoo gaaraan Madaxtooyada [Villa Somalia].

 

Waa markii labaad oo Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif uu ka badbaado iskuday dil oo ay la damaceen kooxaha kasoo horjeeda DF muddo hal todobaad ku siman, iyadoo todobaadkii hore dhamaadkiisa la weeraray garoonka xili uu duulayay.

 

Madaafiic ay weerarkan kaga jawaabeen ciidamada AMISOM ayaa ka geysatay Muqdisho dhimasho iyo dhaawac gaartay dadka rayidka ah, iyadoo tiro badan oo madaafiic ah ay ku dhaceen suuqa Bakaaraha.

 

Sh. Shariif iyo wafdigiisa oo wasiiro ah ayaan ka hadlin weli weerarka lagu qaaday markii ay maanta Muqdisho gaareen iyo kii lagu qaaday markii ay ka duulayeen, iyadoo kooxaha Islaamiyiinta ah ay horay u sheegeen inaysan la hadlayn DF.

 

Madaxweynaha ayaa ah mid dibad wareeg ah isaga oo inta badan safaro dibada ah ugu maqan dalalka deeqaha bixiya taasoo mar walba safarkiisa uu ku weheliyo wasiirka maaliyada Shriif Xasan.

 

Safarka Kuwait iyo kuwo kale ayaa warar lagu kalsoon yahay Garowe Online u sheegeen in laga casumey Raísla wasaarha balse ay diideen Shariif Xasan oo aad ugu dhow Madaxweynaha Somalia kuwaasoo ku dirqiyey inuu isagu tago.

 

Kooxaha mucaaradka ahaa oo uu Sheekh Shariif horey ugu jirey ayaa duqeymo noocaan ah la beegsan jirey Madaxweynhii hore ee Somalia Cabdulahi Yusuf marka uu baxayo iyo marka uu dib ugu soo noqnayo magaalada Muqdisho.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DFKM ah oo maanta sii dirqi ah ka badbaaday weerar lagu dili lahaa.

 

October 28, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)

Madaxweynaha DFKM ah oo maanta sii dirqi ah ka badbaaday weerar lagu dili lahaa. | read this item Horseed Media

 

News Desk.

 

Sarkaal ka tirsan DFKM ah ee Soomaaliya ayaa goor dhowayd shaaciyey in Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya u maanta ka badbaaday dagaalki qaraar ee maanta ka dhacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada C/qaadir Barnaamij oo u waramaaya telefishinka CNN ee fadhigiisu yahay Wadanka Maraykanka ayaa sheegay in dagaalki maanta ay Kooxaha Mucaaradka ay soo qaadeen u sii dirqi ah u kaga baxsaday Madaxweynaha isla mar ahaanta ka badbaaday.

 

”Kooxaha Islaamiyinta ee naga soo horjeeda waxaa ay weerar ku qaadeen Madaxweynaha isla mar ahaanta ay madaafiic ku weerareen kuwaas oo ay ku muujinaayeen calaamad in ay goobta ku suganyihin”,ayuu yiri.

 

Waxaana u hadalkiisa ku daray in weerarkaas ay ku damacsanaayeen in ay ku dilaan Madaxweynaha balse ay u surtagali wayday ka dib marki u dagaal qaraar dhexmaray iyaga iyo Ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM iyo kuwa DFKM ah oo wadajir ah.

 

Magaalada Muqdisho xilliyada ay dhoofayaan ayna soo degaayan masuuliyinta sar sare ee DFKM ah waxaa inta badan looga bartay in u dagaal ka dhaco,iyadoo inta badan dagaalkaas u ka dhaco wadada Maka Al-Mukarama oo ay xiraan Ciidamada AMISOM.

 

Madaxweynaha oo mudo asbuuc ka maqna dalka ayaa xilliga u dhoofaayay todobaadki aan soo dhaafnay iyo xilliga u soo degaaya ayaa waxaa dhacay dagaalo iyo duqeyn oo dhamaantood ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo fara badan.

 

Horseed Media.

Share this post


Link to post
Share on other sites

source

 

Even the clanist Dayniile, is falling out of love with Sharif due to his weakness. The man has had one success since 2005 and that is he has played a role in the death and destruction of Mogadishu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this