Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The president of somaliland returns back home

Recommended Posts

Weftigii hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Dalka Ugu Soo Laabtay.

 

Hargeysa (Ramaas) Nov.06, 2010 - Weftigii hogaaminayey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud [siilaanyo], ayaa dalka dib ugu soo laabtay abaaro 2:30 duhurnimo ee maanta.

 

Weftiga Madaxweynahas Somaliland markii uu soo gaadhay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa, waxa si diiran ugu soo dhaweeyey Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Shir-guddoonka labada baarlamaan, Xildhibaano, madaxda xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo dadweyne faro badan oo luxayey calanka Somaliland.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu salaanta ciidanka qaatay ka dib oo ugu waramay qolka nasashada ee madaarka caasimada saxaafada, ayaa sheegay in si fiican loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti, isla markaana uu Madaxweynaha Jabuuti iyo shacabkiisaba uga mahadnaqayo sida fiican ee loogu soo dhaweeyey dalkaas.

Md Siilaanyo waxaa uu sheegay in madaxda dalkaas ay wax badan kala soo hadleen oo ku taxaluuqa iskaashiga labada dal.

 

Waxaanu Madaxweynuhu safarkiisan ku tilmamay mid guul ku soo dhamaaday.

Warka oo faahfaahsan kala soco Ramaasnews goor dhow.

 

Ramaasnews Desk

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftigii M/weynaha Somaliland Hogaaminayay oo dalka Dib ugu soo guryo noqday mardhawayd

posted by: Webmaster

PIC_1090.jpg

Waftigii M/weynaha Somaliland Hogaaminayay oo dalka Dib ugu soo guryo noqday mardhawayd

 

Hargeysa/ToggaHerer

 

Waftigii M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo Socdaal ugu maqnaa Wadanka Jibuuti muddo saddex maalmood ah ayaa ka soo degay mar dhawayd madaarka Hargeisa International Airport .

 

M/weynaha Iyo waftigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka Hargeysa mudadii ay waftiga M/weynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ku sugnaayeen wadanka Jibuuti ayaa waxay kulamo kala duwan la yeesheen masuuliyiinta Xukuumada Jibuuti oo uu u horeeyo M/weyne Ismaaciil Cumar Geele iyaga oo ka wada hadaly xidhiidhaka labada dal ee walaalaha ah.

 

M/weynaha ayaa markii uu diyaarada ka soo dagay waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka-sida, M/weynaha ayaa sheegay in safarkiisu ku soo dhamaaday guul waxaanu hambalyo ujeediyey M/weynaha Jibuuti Iyo shacbiga Jamhuuriyada Jibuuti sidii diiranayd ee loogu soo dhaweeyey xiligii ay booqashda ku joogeen Jibuuti,M/weyne Siilaanyo ayaa ka dhawaajiyey in laba xafiis dublimaasiyadeed dhawaan laga furi doono Somaliland iyo DJibouti.

 

M/weynaha Somaliland iyo waftigiisa waxaa Garoonka Hargeisa International Airport si diiran ugu soo dhaweeyey M/weyne Kuxigeenka Somaliland Md C/Raxmaan Ismaaciil Saylici Shirgudoonka Labada Gole Wasiiro Xildhibaano masuuliyiin ka tirsan sadexda xisbi qaran iyo dadweyne kale.

 

Safarka M/weynaha ayaa Noqonaya kii ugu horeeyey ee tan iyo Mudadii la doortay uu dalka dibada uga baxo, geesta Kale amaanka ayaa aad loo sugayay waxaana ciidamo fara badan lagu daadiyey min madaarka Hargeisa ilaa iyo wadada madaxtooyada aada , iyada oo dhamaan gaadiid ka la joojinayay laguna wargelinayay in ay wadada hore u dhaafaan halka dhamaan luuqyada ama wado xaafadeedyada soo gala wadadaa dheer ee Madaarka tagtana lagu jaray gaadiidka Ciidanka Booliska taas oo culays badan ku keentay dadka isticmaalayay Dariiq xaafadeedyadaas dadweynuhuna aad uga cabanayeen hab-dhaqankan cusub ee ay la soo baxeen ciidanka iyo saraakiisha sugayay amaanka ama la safay wadadaa dheer .

 

Warqabadka ToggaHerer

 

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this