Sign in to follow this  
Jabhad

Brotherly advise

Recommended Posts

Jabhad   

Cadde Muuse Oo Madaxweyne C/Laahi Yuusuf Talooyin Wax Ku Ool Ah Oo Ku Saabsan Dowladda Federaalka Ah Siiyey

MUQDISHO, Khamiis 5/1/2006

 

 

Madaxweynaha maamul Goboleedka la magac baxay Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa talooyin wax ku ool ah siiyey madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Cadde Muuse ayaa kulan uu la yeeshay intii uusan madaxweyne C/laahi yuusuf u amababixin dalka Yeman u sheegay in looga baahan yahay in uu wax badan ka tanaasulo isla markaana dowladda federaalka ah ay si dhab ah u shaqo bilowdo.

 

Cadde Muuse yaa kula taliyey C/laahi Yuusuf in uu ka tanaasulo amaba uu iska dhaafo waxyaabaha dadka Soomaaliyeed ku kicinaya xasaasiyada ama dareenka iyo weliba in uu dowladdaha qaar ee lagu tuhun san yahay in uu xiriir shaqsiyadeed la leeyahay uu u badelo mid caalami ah oo ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag, meeshana laga saaro dan u fulinta dowlad gaar ah.

 

 

Wuxuu sidoo kale u soo jeediyey in dib u heshiisiinta labada dhinac ee dowladda ay noqoto midda ug horeysay tilaabo la qaado isagoo sidoo kalena kula taliyey in magaalada Muqdisho dowlada federaalka ah ka howl bilowdo si addun weynuhu iyo weliba Soomaalidu ay ugu qanacdo nidaamka dowladda oo laga sugayo waxyaabo badan in ay qabato.

 

 

Ilo xog ogaal aha ayaa wargeyska QARAN u sheegay in Cadde Muuse uu talooyin muhiim ah siiyey isagoo u sheegay in waxyaabo badan oo madaxweynuhu ku dhaqmo hadii uusan ka tanaasulin dowladiisa aysan shaqeyn karin isla markaana loo baahan yahay in isbadel cusub uu sameeyo. (QARAN PRESS)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this