Jabhad Posted January 5, 2006 Cadde Muuse Oo Madaxweyne C/Laahi Yuusuf Talooyin Wax Ku Ool Ah Oo Ku Saabsan Dowladda Federaalka Ah Siiyey MUQDISHO, Khamiis 5/1/2006 Madaxweynaha maamul Goboleedka la magac baxay Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa talooyin wax ku ool ah siiyey madaxweynaha dowladda ku meel gaarka ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed. Cadde Muuse ayaa kulan uu la yeeshay intii uusan madaxweyne C/laahi yuusuf u amababixin dalka Yeman u sheegay in looga baahan yahay in uu wax badan ka tanaasulo isla markaana dowladda federaalka ah ay si dhab ah u shaqo bilowdo. Cadde Muuse yaa kula taliyey C/laahi Yuusuf in uu ka tanaasulo amaba uu iska dhaafo waxyaabaha dadka Soomaaliyeed ku kicinaya xasaasiyada ama dareenka iyo weliba in uu dowladdaha qaar ee lagu tuhun san yahay in uu xiriir shaqsiyadeed la leeyahay uu u badelo mid caalami ah oo ku dhisan wax wada qabsi iyo daris wanaag, meeshana laga saaro dan u fulinta dowlad gaar ah. Wuxuu sidoo kale u soo jeediyey in dib u heshiisiinta labada dhinac ee dowladda ay noqoto midda ug horeysay tilaabo la qaado isagoo sidoo kalena kula taliyey in magaalada Muqdisho dowlada federaalka ah ka howl bilowdo si addun weynuhu iyo weliba Soomaalidu ay ugu qanacdo nidaamka dowladda oo laga sugayo waxyaabo badan in ay qabato. Ilo xog ogaal aha ayaa wargeyska QARAN u sheegay in Cadde Muuse uu talooyin muhiim ah siiyey isagoo u sheegay in waxyaabo badan oo madaxweynuhu ku dhaqmo hadii uusan ka tanaasulin dowladiisa aysan shaqeyn karin isla markaana loo baahan yahay in isbadel cusub uu sameeyo. (QARAN PRESS) Quote Share this post Link to post Share on other sites