Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: University of Rome delegation arrives in Puntland: PICS

Recommended Posts

Wafti kasocda Jaamacadaha Dalka Talyaaniga, oo Booqasho ku jooga Maamul Goboleedka Puntland

Last Updated::2007-09-24 12:29:15

 

Garowe:- Wafti ka socda Jaamacadaha Dalka Talyaaniga oo uu hogaaminayo,Prof. Fago Luicieno oo ka socda Jaamacada ROME UNIVERSITY

oo ay weheliyaan Inj.Calas Cabdinuur Yuusuf oo ah xiriiriyaha jaamacada Rome University iyo Puntland State Univesity ayaa booqasho ku jooga Puntland.

 

Waftigaan oo ka soo degey garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Aqoonyahano ay horkacayeen Prof. Maxamed Jaamac Salaad iyo Jen Cabdinuur Yuusuf Axmed.

 

Waxayna kullamo kula yeesheen magaalada Garowe Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf {Gaagaab} Wasiirka Caafimaadka Dr.C/rixmaan Saciid Dhagaweyne, Wasiirka Waxbarashada Axmed Saciid Awnuur, Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah iyo madaxda iyo Macalimiinta Jaamacada Puntland ee Garoowe.

 

Waxayna heshiis Waxbarasho kala saxiixdeen Maamulka Puntland, heshiis kaas oo dhigaya in Jaamacadaha Talyaanigu ay taageerayaan Jaamacadaha Puntland oo talyaanigu uu soo celinayo Taageeradii uu siin jiray jamacadihii Soomaaliya islamarkaasna ay is dhaaf sanayaan talyaaniga iyo Puntland Cilmi Baarista Dhinaca jaamacadaha ah, taas oo ay weheliso in ardada Puntland ay heli doonaan Waxbarashada Jaamacada Rome University.

Sidoo kalena Mataa noobayaan, Rome University iyo Puntland State University.

 

Waftigaas oo u ababaxay Boosaaso ayaa intii ay joogeen Garoowe waxaa Casho sharaf u sameeyey Wasiirka Maaliyadda Dr Maxamed Cali Yuusuf{Gaagaab} iyo Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr C/rixmaan Saciid Dhagaweyne.

 

Waxaana kasoo qaybgalay xafladaasi Wasiiro, Xildhibaano, Wasiir kuxigeeno iyo aqoonyahano.

 

Wasiiraddda Maaliyadda iyo Caafimaadka ayaa aad ugu mahda ceshey Profsoorada talyaaniga iyo kuwa Puntland ee kasoo shaqeeyey taageerada JaamacadaTalyaanigu ay siinayso Jaamacada Puntland State University,

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti caalamiya oo ka socda Jaamacadaha Dalka Talyaaniga ayaa waxa ay Booqasho iyo kormeero kala duwan u jogan Degaanada Puntland Iyagoo indha indhaynaya arimo badan

 

BOSASO:Weftigan Caalamiga ah ayaa waxaa ay u kuur gelayaan Xaalada Aqooneed e ka Jirta Maamulka Puntland waxaana ay Weftigan ay ka socdaan Jaamacadaha Dalka Talyaaniga Waxaana Hormuud ka ah ooo Hogaaminaya Safarkoodana ku soo Raacay Prof. Fago Luicieno oo ka socda Jaamacada Rome University Iyo Sidoo kale Inj.Calas Cabdinuur Yuusuf oo ah xiriiriyaha jaamacada Rome University iyo Puntland State Univesity Waxana ay Ka soo Degeen

 

Masuuliyiintaasi Dhawaan madaarka Magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaana ay u kuur gelayaan Weftigani arimo Badan oo la xiriira Nidaamka caalamiga ah ee aqooneed taas oo Hadafkodu ahaa inay ku soo xaqiijiyaan arimo badan oo ay u soo Qarshyeen boqashadan ay hada dalka ku joogaan,

 

Waxayna kullamo kula yeesheen Garowe Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)Wasiirka Caafimaadka Dr.C/rixmaan Saciid Dhagaweyne, Wasiirka Waxbarashada Axmed Saciid Awnuur, Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah iyo madaxda iyo Macalimiinta Jaamacada Puntland ee Garoowe, waxayna heshiis Waxbarasho kala saxiixdeen Maamulka Pun tland Waxaana Heshiiskaas ka Muuqata tageero loo fidinayo iyo Soo dhawayn looga gol leeyahay sare u qaadista Jaamacadaha Puntland

 

 

Dhinaca kale waxaa Magaalada Bosaso Casho sharaf ugu Sameeyey Wasiirka Wasaarada Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) Iyo Wasiirka wasaarada DGPL waxaana ku Soo xaadiray Casha sharaftaasi Dad fara badan oo Casumaad ka helay waxana kala ahyeen Wasiiro,Xildhibaano,Wasiir kuxigeeno iyo aqoonyahano Dhaliyaro Cuqaal iyo Qaybaha kale oo ka mida wax garadka Puntland,

 

 

Sidoo kale waxaa casha sharaftaas Weftigan Caalamiga ah Mahad naq uga soo jeediyey Wasaaradaha Caafimaadka iyo Maaliyada ee DGPL oo ku tilmaamay talaabadaas Mid mudan Wanaag iyo tixgelin Waxayna Mahad gaar u jeediyeen Wasaaradu Madaxda sare ee Qaabilsan arimahan oo iminka kula joogta safarka Wada shaqayntuna ka dhexayso kuwaas oo ka shaqeeyey taageerada JaamacadaTalyaanigu ay siinayso Jaamacada Puntland State University,

 

Maxamed Axmed Ciise

 

 

Bosaso Puntland

 

 

Geedi7@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this