Maaddeey Posted September 17, 2010 Saddex Qof oo ku dhaawacantay Mudaaharaad ka Dhacay Boorama Dhaawaca saddexda qof ayaa yimid ka dib markii ciidamada ammaanku ay rasaas ku fureen dad mudaaharaad ka sameynayay magaalada Boorama. VOA Somali | Washington DC. Jimco, 17 September 2010 Inta la ogyahay saddex qof ayaa ku dhaawacantay rasaas ay ciidamada ammaanku ku fureen dad mudaaharaad ka sameynayay magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Boorama kuwaasoo la sheegay inay ka gadoodsan yihiin maxaabiis loo xirxiray inay gawaari ku daabuleen xoogag ka tirsan jabhadda ONLF oo la sheegay in laga soo dejiyay xeebaha Soomaaliland. Dadka ayaa dhagxaan bilaabay ka dib markii gaari Surf ah lagu dhuftay gaari bileysku wateen oo waday maxaabiis la eedeeyay. Waxaana la sheegay in dadkii mudaaharaadka sameynayay ay la baxsadeen mid ka mid ah raggii maxaabiista ahaa. Rasaastii boolisku fureen waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan saddex qof oo isugu jiray rag iyo dumar. Dadka mudaaharaadka sameynayay waxay ku cabanayeen in la damacsan yahay in ragga xiran la doonayo in ciidamada Itoobiya loo gacan geliyo. Balse taliyaha ciidamada gobolka Maxamed Cabdi ayaa VOA-da u sheegay inaanay waxba ka jirin warkaasi sheegaya in ciidamada Itoobiya loo dhiibayo maxaabiista ay hayaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted September 17, 2010 Dhegeyso: http://media.voanews.com/audio/borama+protest.Mp3 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 17, 2010 Dadka mudaaharaadka sameynayay waxay ku cabanayeen in la damacsan yahay in ragga xiran la doonayo in ciidamada Itoobiya loo gacan geliyo. Balse taliyaha ciidamada gobolka Maxamed Cabdi ayaa VOA-da u sheegay inaanay waxba ka jirin warkaasi sheegaya in ciidamada Itoobiya loo dhiibayo maxaabiista ay hayaan. ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted September 17, 2010 Taliyaha Saldhigga nin been badan yaqaanna maaha, wareysiga C/salaam Hereri dhegeyso!. Maxaa kulmiyey Wefdiga Xabashida & Nimanka laga bixiyey Saldhigga?. Mar wuxuu yiri: 'Xabsiga Boorama ayaa loo soo waday' marna 'Kan Hargeysa'... JB'yow see wax u jiraan?. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 17, 2010 War jiraaba cakaaruu iman ,,, wax weynse maaha. Nimanka qaraabadoodii uun baa lagu yidhi xabashidaa loo dhiibayaa oo ay ka xanaaqeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted September 17, 2010 ^^ Maaddeey, Adigu maxaad odhan laheed? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted September 17, 2010 ^Xamaasad baa intey i qaaddo baan Ethiopian'ka ha la laayo dhihi lahaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted September 17, 2010 Maaddeey, Sida aad sheegtay wuu kala hadlay taliyuhu. Shacabku arin iska cad bey ka hor tageen. Boorame waxaa ku sugan. Madaxa Liyuu Police-ka ee Awbarre oo ka tirsan Deegaanka jigjiga. Arinta ah in nimanka xaga jigjiga loo soo waday baa xaqiiqada aad ugu dhow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted September 17, 2010 Ceeb.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
NGONGE Posted September 17, 2010 Heh@Maaddeey..Xamaasada title-ka ayaay ka muuqata (uprising?). I don't think anyone from Awdal is going to get handed over to the Ethiopians. Meeshan siyaasad ba ka socota, saaxib. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 17, 2010 Siday jecel yihiin uun bay u qaataane ,,, waa loo daayaa Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted September 17, 2010 waryaa Jacayl in onlf ta la hareereeyo (waaba haddii lagu gaara e ) waa laysku ogaa, laakiin maxay tahay local guryaha kasoo baxay oo mudaaharaadayya ? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted September 17, 2010 NGONGE, I don't think you understand how Ethiopia's demands from Somaliland are easily provided. A father and daughter is what you want to have in your mind when you think of Ethiopia and Somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Maaddeey Posted September 17, 2010 Xamaasad title ka muuqata? heh!. Bal dhegeyso wareysiga!. Taliyuhu wuxuu yiri markii su'aashii ugu horreysay la weydiiyey: 'mar kale moogiye, hadda su'aal kale kama jawaabi karo.....100 wax ka badan baa nagu soo yaacay... nin maxaabiista ka mid ah bay kaxeysteen..' (If thats not uprising, I don't know what uprising is). Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted September 17, 2010 Originally posted by xiinfaniin: waryaa Jacayl in onlf ta la hareereeyo (waaba haddii lagu gaara e ) waa laysku ogaa, laakiin maxay tahay local guryaha kasoo baxay oo mudaaharaadayya ? Waa family gii ay nimanka xidhani ka dhasheen oo maqlay xabashi baa loo dhiibayaa ,,,, gaadhiga la jiidhsiiyay police ka waxa waday mid ka mid ah maxaabiista walaalkii ,,,,,,,, Fahamta wala la'a ? Quote Share this post Link to post Share on other sites