Jacaylbaro Posted August 15, 2009 Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabayaan mashuuc ay ku baxayso laba Milyan oo Dollar, oo lagu dhisayo dhisme cusub oo lagu soo kordhinayo Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport. Wasiirku wuxuu sidaasi kaga dhawaaqay shir jaraa'id oo ay maanta masuuliyiinta Wasaarada Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirku ay kaga xog-waramayeen wax qabad sanadeedkoodii. Md. Cali Waran Cadde, oo tafaasiil ka bixinayay qorsheyaasha ay u dejiyeen casriyaynta madaarka Hargeysa wuxuu yidhi "Waxaan jecelahay maanta inaan wax idiinka sheego hawlaha laga qabtay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport, oo la dhisay sanadkii 1958-kii sida idiinka muuqata nashqada sawirkaasi aad arkaysaan waa muuqaalka dhismaha cusub ee aan ugu tallo galay inaan ku dhiso. Qorshaha dhismaha cusubna waxaan nashqadiisa ka keenay dalka Shiinaha niman shirkad ah oo Shiinaha iyo niman reer Somaliland oo shirkad ah ayaa isku tagay waxaanay ugu tallo galeen in madaarkan Hargeysa dib loo habeeyo. Alaabtiisiina waxay imika ka soo socotaa Shiinaha waxaana loogu tallo galay in lagu maal geliyo lacag dhan laba Milyan oo Dollar illaa sadexda bilood illaa afarta bilood ee soo socota, haddii Alle yidhaahdo, oo qaarkood dhismahaasi ay bilaabmeen". Md. Cali Waran Cadde, wuxuu sheegay inay xiligan ay bilaabeen balaadhinta goobta ay diyaaraduhu istaagaan ee madaarka (Parking)-ka, waxaanu sheegay in dhisayaan dhisme qaadi doona illa 600 oo rakaab ah markiiba, oo qeyb ka ah casriyaynta iyo balaadhinta madaarada Somaliland, waxaanu yidhi "Dhismahan Madaarka waxa loo dhamaystiri doonaa dhammaan wixii qalab ah ee dhinaca Nabadgelyada ah, waxa kale oo laga hirgelin doonaa kamarado nabad gelyada wax ka tara iyo Beelka wareega oo ah qalab qaadaya alaabta oo laydh ku shaqaynaya. Markii aan dhawaan Shiinaha tagay waxaan soo qaaday nashqadii ugu quruxda badnayd ee taallay.goobta diyaaraduhu ay istaagaan imika daamurkii lagu dhisayay waa diyaar, dhabada (Run way) dahaadh kale ayaanu saaraynaa. Waxaanu ku dari doonaa hal Km oo kale dhererkii Madaarka." Wasiirka Duulista Hawada oo hadalkiisa sii watay, wuxuu intaasi ku daray, "Waxa wax qiimo weyn noo ah inaanu helay warshadii isku qasaysay Jayga iyo Daamurka, oo halkii jayga dusha lagaga shubi jiray marka daamurka dhabada (Wadada) la dhigo, iyadu daamurkii iyo Jaygii oo wada socda oo isku qasan mar ku shubaysa, warshadaasi oo imika laga soo raray wadanka Shiinaha ayaa noo soo socota, waxaanan rajaynaynaa in mustaqbalka lagaga faa'iidaysto wadooyinka dalka. Waxaanu saaraynaa dhabada diyaaraduhu ka haadaan 13 oo dahaadh cusub ah, waxaanan rajaynayaa inuu wax weyni iska bedelo madaarka." Wasiirku wuxuu u mahad celiyay Shirkado Shiinaha laga leeyahay iyo kuwo ay leeyihiin rag Somaliland u dhashay oo heshiis la galay la xidhiidha casriyaynta madaarada Somaliland. Sidoo kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Md. Axmed Cumar Axmed, oo isaguna ka hadlay shirkaasi ay kaga xog waramayeen waxqabadkooda ayaa sheegay in madaarka Hargeysa uu gaadhay horumar balaadhan muddo dhawr sanadood ah oo uu xilka wasaaradaasi hayay Cali Maxamed Waran-cadde. Wasiir Ku Xigeenku wuxuu sheegay in Wasiirku uu xil weyn iska saaray balaadhinta dhabadda ay diyaaraduhu ka haadaan oo uu saaray dahaadh qaro leh, oo suurto gal ka dhigay inay soo fadhiistaan Diyaaradaha xajmigoodu weyn yahay. Wasiirka Duulista Hawadu shacbigiisa wuu ka mutaystay ammaanta, waxaanu mudadii uu joogay Madaarka soo gaadhsiiyay heerkii (Standard)-kii caalamiga ahaa ee loo baahnaa, wuxuu madaarkii ka dhigay mid la jaan qaadi kara kuwa wadamada dariska ah oo hadh iyo habeenba diyaaraduhu way soo fadhiistaan kana duulaan,"Ayuu yidhi Md. Axmed Cumar Axmed, waxaanu intaasi ku daray, "Wasiirku markii uu xilka qabtay waxa madaarka Joogay laba baabuur oo yar yar oo dab-damis ah, imikana waxa jooga Gaadiid dab damis oo aad u tiro badan oo ka hawl gala Madaarka, sidoo kale dhinaca nabad gelyada waxa madaarka lagu soo xidhay kamaradihii nabad gelyada, waxa intaas dheer waxa la balaadhiyay oo la sameeyay qolka VIP-da oo cusub." Wasiir Ku Xigeenku wuxuu xusay inay dhawaan dayactir balaadhan ay ku sameeyeen Madaarka Berbara, oo ay ka dhiseen meel loogu tallo galay rakaabka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 15, 2009 sida idiinka muuqata nashqada sawirkaasi aad arkaysaan waa muuqaalka dhismaha cusub ee aan ugu tallo galay inaan ku dhiso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted August 15, 2009 So 2 million dollars will change it from this....... To this?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted August 15, 2009 Sheeko udub why do they come up with this when the election is in 6 weeks from now Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 15, 2009 It could be done anytime ,,, the main point is to be done no matter when ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
GAAROODI Posted August 15, 2009 hey heard the news, its some good stuff. Dam that is some good news. Cant wait to see it start. But there could be an element of party politics behind it. loool, but still regardless of the time it will be done. More traffic mean more business and prestige. Quote Share this post Link to post Share on other sites
juma-nne Posted August 15, 2009 maxay tari madaar laqurxiyo ayadoo dekaddii aiy fadhiid tahaiy. plus ummada baahidu hayso umabaahna madar loo macmalo. the so foreign idea of democracy has failed in this part of the world. They should either invite sheikh Godane to even things here or should go back to their once effective political norm of xeer dhaqameed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
N.O.R.F Posted August 15, 2009 Originally posted by Xaaji_xundjuf: Sheeko udub why do they come up with this when the election is in 6 weeks from now Qadow! LoL@sheeko UDUB. Remember the $300m they said they would develop Berbera with?? JB, nagadaa wararkan aan aad question-gareeneen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted August 15, 2009 Jacayl baro daahir riyaale iyo udub 2 milion oo dollar 2003 ba way haysteen may dhiisaan war anigu nafaqadii udub eeh qarrannews waan ka daalay. Iyo ciyaartan Somaliland eeh tom and jerry. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Kool_Kat Posted August 15, 2009 Originally posted by ThankfulSP: So 2 million dollars will change it from this....... To this?? Yup, and accoring to JB, this should be done by next summer! Quote Share this post Link to post Share on other sites
MAXIMUS POWERS Posted August 15, 2009 Waa suuraggal... stranger things have happened like Puntland celebrating 11 years of independence and Bosasso apparently being the most cosmopolitan city in Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Thankful Posted August 15, 2009 Originally posted by Kool_Kat: Yup, and accoring to JB, this should be done by next summer ! I stop over at Hargeysa's airport last january, I was shocked how many old plastics bags around the side of the buildings there were, lots of garbage. But yeah, Mogadishu and Hargeysa are so lucky Siad Barre regime built them aiports. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted August 15, 2009 Also I'm still waiting for Udub's promise to create a an airforce. Remember that one? Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted August 16, 2009 ^^^ lol@an airforce, Redsea, haye u wana become the future Somaliland fighter jet pilots, it can be done Quote Share this post Link to post Share on other sites