General Duke Posted July 29, 2007 Muqdisho: Guddoonka shirka beelaha oo maanta sheegay in shirkan kadib la tir tiray 4.5 29. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Shirkii maalmahanba ugu socday beelaha Soomaaliyeed magaalada Muqdisho ayaa maanta looga hadlay qodobo xasaasi ah taasoo ugu weynayd raali gelin ay beelaha ****** iyo ******* u fidiyeen beelaha beesha ....., iyadoo horay labadaasi beelood ugu cowday iney u geysteen mudadii fowdada xadgudubyo iyo tacadiyo. Duubabka beelaha Hawiyr sida Nabadoon Macallin Haaruun oo u hadlayey beesha ****** ayaa isagu halkaasi raali gelin ugu jeediyay beesha Shanaad isagoo caddeeyay inuu ka mid ahaa saxiixayaashii shirkii Carte u gudbiyay Madaxweynaha Jabuuti in beesha Shanaad ay tahay mid bar ah, isagoo cafis weydiistay bulshada ku abtirsada beesha Shanaad. Sidoo kale nabadoon Cabdi Yare oo u hadlayey beesha ******* ayaa raali gelin buuxda u fidiyay labadaasi beelood kana cadsaday iney cafiyaan isagoo qirtay iney u geysteen xadgudubyo Dhinaca kale beelaha iyo beesha ayaa iyaguna halkaasi ka soo jeediyay in wax walba ay ku iloobi karaan in la baabiyo nidaamka 4.5-ka kaasoo ay u gudbiyeen shir guddoonka. Intaa kadib ayaa guddiga shir guddoonka shirka ay soo saareen go’aan ah in laga bilaabo shirkan kadib aysan jiri doonin lana baabi’iyay nidaamka .5-ta iyado si simmana ay wax u qeybsan doonaan beelaha Soomaaliyeed. Gabagabadii kulanka oo ay maanta si wada jir ah labada gelin u kala guddoominayeen Md. Cali Mahdi iyo kuxigeenkiisa C/raxmaan Guul Wade ayaa waxaa goobtii shirka hareeray buuq ka dhashay ciidamada nabadgelyada iyo qaar ka tirsan wariyeyaasha ka qeybgalayey kulankaasi oo duubanayey muran ka dhashay qodobka is masaamaxa beelaha kaasoo ay wariyeyaasha ku mudeysteen in qaarkood la jirdi dilo lagana qaado qalabkii ay ku howlgalayeen. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 It was created by the Arta conference and built up the TNG at the time. However it will now be abolished. Victory indeed. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 29, 2007 Guddiga Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo sheegay in la baabi’inayo Magaca Others July 29, 2007 Markacadeey Shirka dib u heshiisiinta beelaha Somaaliyeed ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn looga doodey qodobo ka mid ahaa in leyka raali geliyo xasuugii iyo dhibkii beelaha Somaaliyeed ay isu geysteen. Shirka wuxuu dhegeystey cabasho ay halkaasi ka soo jeediyeen beelaha kuna aadanaa dhibaatooyinkii ay u geysteen beelaha ****** iyo ******* oo markaasi ku hardamaayey xukunka dalka. Shariif Munye oo ku hadlaayey magaca Beelaha ayaa halkaasi ka jeediyey cabasho asagoo ka hadley dhibaatooyinkii ay beesha ****** u geysateen beelahooda oo ka mid ahaa xasuuq, burburin hanti, iyo barakicin. Shariif Munye asagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in dadka qaarkood ay nabadgelyo ahaan u galeen Masaajidyada ku yaala Degmooyinka Xamar-weyne iyo Shangaani haseyeeshee ay dhacdey in masaajidyada loogu galey dhibaatooyin kala duwana halkaasi loogu geystey. Suldaan Cabdinaasir Aadan Seed oo ku hadlaayey magaca Beesha ****** ayaa eedeymahaasi jawaab ka bixiyey, asagoo sheegay in ay raaligelin ka bixin doonaan dhibaatooyinka Beeshiisa geysatey, isla markaana ay xaal-marin ka bixin doonto. Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadley Nabadoon Macallin Haaruun oo u hadlayey beesha ****** ayaa isagu halkaasi raali gelin ugu jeediyay beesha Shanaad isagoo caddeeyay inuu ka mid ahaa saxiixayaashii shirkii Carte u gudbiyay Madaxweynaha Jabuuti in beesha Shanaad ay tahay mid bar ah, isagoo cafis weydiistay bulshada ku abtirsada beesha Shanaad. Markaa ka dib ayaa guddoomiye ku xigeenka Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen ayaa sheegay in maanta waxii ka dambeeya aysan jiri doonin beelo Others la yiraahdo. Xafiiska Markacadeey Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites