Sign in to follow this  
Juje

Gudiyo laga soo saaray kulankii maxkamadaha iyo Baarlamanka (pictures)

Recommended Posts

Juje   

Gudiyo laga soo saaray kulankii maxkamadaha iyo Baarlamanka

War deg deg ah

Mogadishu 07, Nov.06 ( Sh.M.Network) Waxaa soo gabo gaboobay kulan degmada Afgooye uga socday golaha maxkamadaha islaamka Somalia iyo Xildhibaano uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Shariif xasan Sheekh Aadan, iyadoo kulankaasi laga soo saarayo Guddiyo labada dhinac ah.

Kulankaan oo qaatey saacado ayna isugu yimaadeen ilaa 67 mudanayaal ka tirsan baarlamanka Somalia oo uu hor-boodayo Afhayeenka baarlamanka Shariif Xasan iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Maxkamadaha islaamka oo uu ka mid ahaa Hogaanka golaha fulinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulankaan ayaa waxaa laga soo saaray guddiyo labada dhinac ah oo sii wada dib u heshiisiinta, iyadoo halkaasi hadalo uu ka jeediyay Sheekh Shariif Sheekh Axmed hogaanka maxkamadaha islaamka Somalia.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in Maxkamadaha islaamka ku tala galkooda uu ahaa in wada hadalka lagu gaaro natiijo wanaagsan oo umadda Somaliyeed ay isugu timaado, isagoo tilmaamay in dowlad aanu heysan shacbiga aanu shaqeyn karin, dowladda KMG ahna taageeradeeda shacabka waxa ay ku dhumisay la joogitaankeeda Ethiopia ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekh Sharifi ayaa ku amaanay gudoomiyaha baarlamanka Shariif xasan iyo rag ka tirsan dowladda KMG ah ee Somalia ee uusan magacaabin in ay wadeen dadaalo dib u heshiisiin ah oo uu ku tilmaamay mid islaanimo iyo somalinimo leh intaba.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in kulankaan ay ujeedadiisu aheyd xaflad loogu talo galay in wada hadal lagu furo, gudiyana laga soo saaro, dadkana ay ogaadaan in wada hadalka uu furmay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu sheegay in guulaha maxkamadaha ay keeneen ay u taalo Somalida in ay ka tashato sidii loo maamuli lahaa, mana jirto buu yiri ajando gaar ah oo maxkamadaha islaamka ay wataan.

Sheekh Shariif ayaa waxa uu sheegay in maxkamadaha islaamka aanu dooneyn xukun, balse ay yihiin dad ay ka go'an tahay in dalka lagu dhaqo shareecada islaamka oo aan cidna diidi karin.

Kulankaan ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay xubno ka tirsan baarlamanka Somalia oo gadaal aanu ka soo sheegi doono waxyaabihii ay ka hadleen.

 

af1.jpg

 

af4.jpg

 

af5.jpg

 

This the best picture I like

Juuje_jagadoon.jpg

 

af17.jpg

Mas'uuliyiin ka tirsan maxkamadaha islaamka

 

af16.jpg

Mudayaashii Baarlamanka ee ka qeybgalay kulanka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Khalid2   

waxaa logufarxi karaa sida ay maxaa kiimtu u ogolyihiin wadahadal ay isugu dayayaan in noqdaan siyaasiin wax hogaamin kara bulshada tusi kara in ay xataa xiiso ku leeyihiin xubnaha dowlada jujira, laakiin waxaan lahureynn dagaal ka qarxa dowlada iyo maxaakiinta dhexdooda, waxaa kaloo khatar kusoo foodleh shariif ka oo aan wax badan kafakarin goaanada uu qaatey waqtigaan xasaasiga ah, dowlada dibuheshiisiin waxa ay kadoorbideysaa dib udagaalan taasna waxaa sababaya awooda xoogan ee dowlada ethopia oo kago an in ay katakhalusto kacaanka cusub ii maxaakiimta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa wakhti lumis. U malayn maayo in Mele Zanawi uu rabo in ay Soomaaliya taladeedu ay gacmihiisa ka baxdo. Oo ma doqonbaa? Camiilka weyn ee ina Yeey iyo kuwa badan oo kalaba waxa ay ugu jiraan dabin aysan ka bixi kareyn eh. Wali imika ayuu qiimo u sii yeelaya oo uu lacago badan ku kharashgaraynayaa asaga oo u sii macaaneynaya riwaayadda in ay yihiin dawlad kaligeed talo gaari karta..waxa uu ogyahay in marka hore in uu Soomaali si fiican uu isugu sii jabiyo. Laakiin caws jiilaal waa lama huraan. Maxkamaduhu waa kuwa qura oo maanata Soomaali badbaadin kara iyoga oo Alle la kaashanaya; inta aan la soo hoosgalin oo ayaga aan laysku dirin, gees lo'aad kulaylka ayaa lagu gooyaaye, Baydhabo ha xoreeyeen oo xubnaha baarlamaanaka ee aan loo ogolayn in ay ka baxaan magaalada ha badbaadiyeen, dabadeedna shirkan Afgooye ha sii socdo oo Soomaali halkaa ha ku heshiiso, ha na dhisteen DAWLAD AAN CIDNA KA XIRIG XIRAN OO XOR AH...XABASHIDA WADDANKA HA LAGA SAARO...No time to edit and spell check.....

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^It is a waste of time I doubt the clan courts are willing to give back the land they occupy and the properties they have looted.

They want to increase their loot to parts of stable Somalia notably Bay&Bakool and Puntland.

 

This will not be accepted, I also find it funny how some are now happy because they have been given a little.

 

The issue is not fake religion but give the occupied land back, let ever clan set up their own adminstartions, and get your clan millitias out of these said areas... Simple..

 

The Sharif is wasting his time as usual, he has no power over the TFG armed forces and no suppor outside, he wont be able to give them legitimacy that they so crave.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Duke inta ay dabaabbad xabashi ay kuu jooogto baydhaba, wax alle waxa aad doonto ku hadal...man you are free to say whatever you like. But the question is how are you going to deal with this ALLAAHU AKBAR, ALLAAHU AKBAR?.. man dadkaaga dhinac ka raac. Did you forget the nice piece you wrote about Islamic constitution for Somalia? It was in the pole taking section. I do not know where the admin store data about that section because I put a search on it and can not retrieve it. you are not that bad. I know that Somalinimo resides in your heart but the clan sympathy takes the best of you. Istaakhfuriyeyso and stop labelling the people's upraising as clan clanish sh*t.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Nayruus dont be emotive, pretending to be religious does not mean you gain favour with the lord Allah SWT., Using Islam to cloak naked clan agenda is also a no no.

 

We see clearly certain clans running the show, while others are bought of with being given hand outs, mere peanuts but what about the national agenda?

 

Baidoa is strong, and we have seen the fake Jihad has been turned to more talks, between groups who can never bring peace.

 

Internal support is with the TFG, people need a government not some fake rubish from Abdiqasin and Co.

 

The clan courts and their few sympathisers wont derail the national plan. The TFG is still where it was, and the clan courts have replaced the warlords as the obsticle to peace.

 

Internal and International support is with the TFG.

 

Juuje_jagadoon.jpg lol. Sharif Ahmed used to work for Mohamed Dheere, so who knows about the future :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this