Sign in to follow this  
Somalina

Saraakiil ka tirsan DKMG oo tababar loogu soo gaba gabeeyay Uganda.

Recommended Posts

Somalina   

Kampala:( Sh. M. Network) In ka badan 60 sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta tababar loogu soo gaba gabeeyay dalka Uganda iyadoo munaasabadii tababarka loogu soo gaba gabeynayana ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda.

 

Kadib xaflad balaaran oo maanta ka dhacday Garoonka Mandele Naitonal ee dalka Uganda ayaa maanta waxaa tababar loogu soo xiray 60 sarkaal oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya kuwaasi oo mudo labo bilood ah halkaasi tababar ku qaadanayay.

 

Goobta ay ka dhaceysay munaasabada soo gaba gabeynta tababarka Saraakiishaani ayaa waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka tirsan dowladda Uganda oo uu ka mid ahaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka sedaxaad ahna wasiirka arimaha gudaha, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda, talisyada ciidamada Uganda iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hay’adda UNDP.

 

Sarkaalka dhinaca tababarada u qaabilsan dowladda Uganda oo lagu magacaabo General Felix ayaa halkaasi ka sheegay in ciidamadaani mudo labo bilood ah tababar uu uga socday wadankaasi, isagoo tilmaamay in intii tababarkaasi ay wadeen halkaasi uu ku dhintay 19-kii October gaashaanle Max’ed Max’uud oo ka mid ahaa saraakiishii tababarka loo geeyay Uganda.

 

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Uganda oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay tababarka maanta loo soo gaba gabeeyay saraakiishaani ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, isagoo sheegay inay sii wadi doonto dowladda Uganda tababarida ciidamada dowladda KMG Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntii ayaa qaar ka mid ah saraakiisha tababarka loo soo gaba gabeeyay waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay shahaadooyin muujinaya tababarka ay soo dhameysteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this