Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Safarkii Mandheera Iyo Kulankii Suxufiga Ee Siyaasiyiinta Xidhan - Interesting Story

Recommended Posts

Goor hadhimo ah ayaanu ka baxnay magaalada Hargeysa, waxaanan u jihaysanay jidka loo maro Xabsiga weyn ee Mandheera oo ay hadda ku jiraan siyaasiyiinta ururka QARAN eek ala ah Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Md. Jamaal Caydiid Ibrahim.

 

 

Waxaanu ahayn dhawr nin, waxaanan wadanay baabuur gaar ah, ujeedada safarkayaguna wuxuu ahaa inaanu saddexdaas siyaasi ugu tagno salaan iyo booqasho kooban. Jidka Mandheera loo sii maraa waa jidka taga Berbera, waana jid laamay ah oo waduhu aanu baabuurka ku kaxaynayn wax ka yar 100km saacadiiba. Sidaas daraadeed wadihii baabuurku wuxuu gaadhiga ku waday xawaare sare. Sababtoo ah waxaanu ka baqo qabnay inaanu soo noqodkayaga la kulano dooxyada oo rogmanaya.

 

 

Wakhti ku siman saacad iyo rubuc, ka dib ayaanu gaadhnay xabsiga weyn ee Mandheera, oo safarkaygani uu ahaa kii u horeeyay ee aan xabsigaas ku tago, marka laga reebo magaciisa oo aan in badan maqlay. Xabsigu wuxuu u jeedaa dhinaca Bari, waxaana si kooban ugu teedsan buuro , dhinaca barina waxa ka mara doox weyn. Markii aanu gaadhnay Xabsigii ayaa waxaanu raadsanay taliyaha xabsiga oo ah ninka loo gaynayo warqadda ogolaanshaha ah ee Hargeysa laga soo qaato marka la booqanayo maxaabiistan.

 

 

Taliyihii ayaanu u tagnay, isuna sheegnay inaanu u socono odayaashaas xidhan, waxaanan hore uga dhiibnay waraaqdii la noogu soo ogolaaday inaanu booqano. Wuxuu furay galkii warqadda, oo uu dabadeedna saxeexay. Inyar ka dib waxaanu galnay gudaha Xabsiga Mandheera.

 

 

Gudaha Xabsigu wuxuu u kala qaybsanyahay dhawr qaybood oo kala duwan. Muuqaalkiisu kuma eryayo oo naftaadu kama didayso, waxaanad dareemaysaa inaanu ahayn xabsi dadka ku xidhan lagu waxyeeleeyo ama dhibaatooyin kale loogu gaysto. Waxa lana fadhiisiyay meel barande ah, waxaana saddexdii siyaasi loo diray askari u soo sheega inay u joogto marti ku soo booqatay xabsiga iyaga hoyga u noqday muddooyinkan dambe.

 

 

Dr. Gaboose iyo Jamaal Caydiid, waxa iigu dambaysay maalin ka hor maalintii la xidhay, oo ahayd saacadihii u dambeeyay ee 27 Julay, 2007, Maxamed Xaashina, waxa iigu dambaysay saddex maalmood ka hor intii aan la xidhin. Sidaas daraadeed waxaan niyadda iska weydiinayay isbedelada ku dhacay mudadii ay xabsiga ku jireen iyo weliba waxyaabaha kale ee muuqaalkooda jidh ahaaneed guud ahaan ku soo kordhay.

 

 

Markii aanu fadhinay qadar ku siman shan minit, ayaa waxa meel suryin ah oo ku beegnayd dhinaca koonfureed ee goobtii aanu fadhinay ka soo baxay saddexdii siyaasi ee aanu soo booqanay. Waa Dr. Gaboose, oo xidhan Shaadh gacmo gaab ah oo cad iyo Macawis Abu sarande ah, waxaanu sitay muraayadda uu caanka ku yahay ee indhaha. Maxamed Xaashi isaguna wuxuu xidhnaa shaadh buluug ah iyo macawis cas, waxaanu laadlaadsanayay tusbax yar oo aan xidhmadiisa ku qiyaasay 33 god iyo weliba muraaydiisii indhaha. Jamaal Caydiid, isaguna wuxuu sitay shaadh gacme dheere ah oo kalar leh iyo macawis, mana sidan sida saaxiibadii muraayada indhaha. Markii ay xoogaa noo soo jirsadeen ayay saddexdiiba halacsadeen inaan ku jiro dadka maalintaas booqashada ugu yimid. Markii ay na soo gaadheen waxa ay dadkii soo booqday isku qaabileen salaam u qalanta qofba heerka uu xidhiidhkoodu gaadhsiisnaa.

 

 

Dr. Gaboose waa shakhsi dadka yaqaanaa ay ku tilmaansadaan inuu yahay nin u dhashay hal adayg, cod kar iyo weliba degenaan. Saaxiibadii waxa ay ku tilmaansadeen inaanu ahayn nin kaftan badan, balse waa qof miisaaman oo inta aad la hadlayso kuu dhegaysanaya si muxtarami ah. Inkasta oo aanu kaftan badnayn, haddana waxa ka muuqata inuu yahay nin weji furan oo inta badan dhoola cadeeya.

 

 

Eng. Maxamed Xaashi, isaguna waa shakhsi aan hadal badnayn oo afgaaban, balse marka uu helo cid ay sheekada isla garanayaan waa nin kaftan iyo haasawe badan. Weliba waxa uu caan ku yahay waxa uu helaa hadalada kaftanka iyo haasaawaha leh ee haddana gaa-gaaban. Inta badana marka uu hadal kaftan ah soo wato marka hore wuu aaamusaa, dabadeedna gadaal ayuu ka hadlaa.

 

 

Jamaal Caydiid, isagu waa nin kaftan badan oo inta aad la joogto aanad marnaba dareemayn wax caajis ah. Waa nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii tirada badnaa ee ay Mujaahidiintii SNM sannadkaii 19832a jebiyeen xabsiga Mandheera oo ay xilligaasna ku xidhay dawladii Maxamed Siyaad Barre ee kali taliska ahayd.

 

 

Waxaan hal mar weydiiyay bal iska warama oo caafimaadkiinu waa sidee. Jamaal ayaa u baxay oo isaga oo kaftamaya yidhi , "Aniga iyo Gaboosena waanu casaanay, Maxamed Xaashina wuu naaxay, oo waadigaas arkaya.' Markii uu intaas yidhi ayuu Maxamed Xaashina isaga oo kaftankaas saaxiibkii ka jawaabaya yidhi, "Waar waxba may casaan ee waa kuwaas weli madoow.'

 

 

Aniga oo kaftanka dhinac ka galay balse aan ugu tallo gelin inaan ka jawaabo kaftanka saaxiibtinimadu ku dheehantahay ee la is dhaafsanayo ayaa si kama' ah u idhi, ‘Waa run oo adiga iyo Gaboose Jamaaloow waad casaateen, Maxamedna waa yara naaxay.'

 

 

Dr. Gaboose, ayaa kaftanka dhinac ka soo galay, isaga oo hadalkaygii soo xiganayana waxa uu yidhi, ‘Eng Maxamed Xaashiyoow, wuxuu ninkani yidhi idinkuna waad casaateen, Maxamedna wuu naaxay.'

 

 

Kaftaankaas ka dib, waxaan weydiiyay sida uu yahay xaalkooda caafimaad, waxaanay si wada jir ah iigu sheegeen inuu caafimaadkoodu wanaagsanyahay. Waxa ay ii sheegeen in noloshoodu tahay mid wanaagsan, iyaga oo ka mahad sheegtay askarta ilaalisa iyo weliba maamulka guud ee Xabsiga Mandheera, ‘Waxaanu degenahay isku qol, nalkuna wuxuu habeenkii naga tagaa tobanka habeenimo. Markaas xaalku waa iska caadi, caafimaadkayaguna wuu fiicanyahay. Waxaad salaam naga gaadhsiisaa dhammaan umadda Somaliland ee jecel xaqa, ee neceb baadilka." Sidaas waxa yidhi Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

 

 

Ugu dambayn waxa ay saddexda siyaasi ee xabsiga ku jiraa u muuqdeen oo inkasta oo aanan si toos ah u weydiin haddana laga akhrisanayay inay si weyn u aaminsanyihiin in ururkooda iyo ururada kale ee doonaaba xaq u leeyihiin inay ka qayb gallaan doorashada dawladaha hoose.

 

 

Source: Wargeyska Geeska Afrika

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this