Gabbal Posted February 28, 2007 Aqoonyahanada, Dadka Waxgaradta iyo Saraakiisha oo isaga cararaya Magaalada Muqdisho Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa ka baxsanaya dadka waxgarta ee is dhihi karo tiir ayay u noqon karaan dhismaha iyo jiritaanka dalka, kuwaas oo bartimaameed ka dhiganayaan kooxaha wax dila ee fowdada ka wada Muqdisho. Ugu yaraan 8 qof ayaa 12 saac aynu soo dhaafnay lagu dilay Caasimadda Soomaaliya Muqdisho, taasina waxay keentay in ay sii ballaarato cabsida laga qabo dhinaca Nabadgalyada. Markii shalay sii laba jibaartay dilka loo geysanayo dadka rayidka ah ayaa dad badan oo aan la kulmay waxay bilaabayeen inay isaga tagaan dalka isla markaana meel ka mid ah dunida ka raadsanayaan goob ay ku noolaadan. Qaar ka mid ah Aqoonyahanada degan Caasimadda Soomaaliya ayaa ku baxsaday lugta, iyadoo qaar kalena qorsheynayaan in ay u dhoofan Dibadda. Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada kala duwan Soomaaliya kuwa aysan shaqada ka helin Dowladda Federaalka ayaa iyagana waxay ka fikirayaan inay isaga tagaan Caasimadda Soomaaliya. 2-dii sano ugu dambeysay ayaa kooxo aan la fahmin waxaa ay yihiin waxay bartimaameed ka dhiganayeen Aqoonyahanada iyo Saraakiisha Soomaaliyed. Haatan oo dalka Dowlad ka jirta ayaa mar kale dib loo bilaabay dilka Saraakiisha iyo Aqoonyanada iyo dadka waxgarta eek u dhaqan Magaalada Muqdisho. Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taliban Posted February 28, 2007 Originally posted by N/AA: Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada kala duwan Soomaaliya kuwa aysan shaqada ka helin Dowladda Federaalka ayaa iyagana waxay ka fikirayaan inay isaga tagaan Caasimadda Soomaaliya. I think they would rather join the insurgency, just like what happened in Iraq. Quote Share this post Link to post Share on other sites