Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A/Y Presidential Guards Disarmed ,, loooool

Recommended Posts

Ciidamada gaarka ah ee xarunta madaxtoyada ee villa somaaliya ayaa waxaa habeenimadii xalay hubka dhigis ku sameeyey ciidamada xukumada Ethiopia kuwasoo lagu soo eedeeyey inay hubka saaran gawaarida gashaaman iyo kan garabka lagu qaadoba ay la baxsanayeen islamrkana la sheegay inay la gudbayeen .

 

Ciidamadan hubka dhigista lagu sameeyey oo dhamantood ka soo jeeday maamul goboleedka puntland islamarkana ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha dowlada somaaliya c/laahi yuusuf ahaa ayaa waxaa hubka si toos ah uga wareejiyey ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa xarunta madaxtoyada ee viila soomaaliya kuwasoo hubkaasi ku wareejiyey sarkaal lagu magacaabo col,gacmo duule o ka tirsan ciidamada milatarka dowlada KMG ah .

 

Sidoo kale Sarkaalkan hubka lagu wareejiyey oo kasoo jeeda beesha raysal wasaare nuur cade ayaa la sheegaya inay hubka dhigsita ciidamadan ilaalada u ahaa madaxweyne yuusuf ay salka ku hayso is haynta labada masuul ee dowlada KMG ah ugu Sareeya tasoo wararku intaasi ku darayaan in saraakiishii ciidamadan ilaalada madaxtoyada oo ka kobnaa ilaa 12-sarkaal dhamaantod xabsiga la dhigay halka ciidamadiina ay ku sugan yihiin isla xaruntaasi iyago aan haysan wax hub ah haba yaraatee .

 

Hub wareejintan lagu sameeyey ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweyne yuusuf xili uu ku sugan yahay magalada garoowe ayaa warar hoosadyo kasoo baxayaa sheegayan in khilaafka siyasadeed ee u dhexeeya masuuliyiinta dowlada KMG ah ugu sareeya ay salka ku hayso islamrkana ka tarjumayso hadalkii dhowaan kaso yeeray madaxweynaha dowlada soomaaliya oo ahaa in shirka jabuuti ka socdaa uu yahay shir beeleed kaasoo ka caraysiiyey odayaal, waxagarad,aqoon yahano iyo siyaasiyiin .

 

Ma cada sababta dhabta ah ee ka damabaysa hub wareejintan lagu sameeyey ciidamada ilaalada garka ah u ahaa madaxweyne c/lahi yuusuf kuwasoo saraakiishodiina xabsiga loo taxaabay islamrkana intodii kale ay ku sugan yihiin iyagoo aan wax hub ah haysan xarunta madaxtoyada ee villa soomaliya

 

 

 

 

 

 

Afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xabsiga dhigay saraakiisha ugu sar sareeysa madaxtooyada dowlada KMG Soomaaliya.

 

Saraakiishani ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen ciidmaada madaxtooyada oo dhawaan ay madaxada sar sare ee ciidamada Ethiopia ku ammareen In ay hubkooda soo wareejiyaan taasi oo qaar ka mid ah saraakiishaasi ay ka dhaga adeegeeyn amarkaasi.

 

Sida ay xaqiijiyeen illo ku dhow dhow Xarunta madaxtooyada Ee Vila Soomaaliya ayaa idaacada shabelle u xaqiijiyay in qaar ka mid ah saraakiishaasi xabsiga loo taxaabay kadib markii ay ka dhaga adeegeen amarka uga yimid ciidamada Ethiopia halka qaar ka mid ah saraakiishaasina ay baxsadeen.

 

Amarkani hub ka dhigista ah ee lagu amaray saraakiisha ciidamada madaxtooyada ayaa ka danbeeysay kadib markii sida la sheegay laga war helay in saraakiishaasi ay qorsheeynayeen in gaadiid dagaal oo lag lahaa madaxtooyda in ay la baxasadaan,halka kuwa kalena la sheegay in laga dhoofiyay dekeda magaalada Muqdisho oo laga dejiyay Dekeda Boosaaso.

 

Saraakiisha ciidamada Ethiopia ayaa iyagana qorsheeynaya in ammaanka Xarunta madaxtooyada ay ku wareejiyaan Ciidamo isku dhaf ah oo ka tirsan kuwa dowlada kmg Soomaaliya maadama ay sheegeen in ay halkasi ku sugan yihiin ciidamo gaar ah oo ay sheegeen in ay hoos tagaan madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya.

 

Ciidamadani lagu wareejin doono Vila Somalia ayaa waxaa la sheegay in ay hoos tagi doonaan taliye ku xigeenka ciidamada Milateriga dowlada kmg Col Cali Caraaye Cosoble (Gacma Duule).

 

Arinkani ayaan aheeyn mid ku cusub dhagaha shacabka ku nool magaalada Muqdisho waxana ay aheyd dhawaan markii amar ka soo baxay ciidamada Ethiopia ay ku amreen in gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxed Dheere uu hubkiisa ku soo wareejiyo.

 

 

Shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

When even Dayniile writes this, then I have a good reason to decode this news with a pinch of salt...

 

Afhayeenka C/llaahi Yuusuf oo beeniyey warar ay shalay qoreen warbaahinta maxaliga ah

 

Xuseen Maxamed Max’uud (Xuubsireed) oo ah afhayeenka madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa beeniyey war shalay ku soo baxay qeybaha kala duwan ee warbaahinta maxaliga ah, wuxuuna warkaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, inkastoo aanu saxaafadda u soo bandhigin cadeymo muujinaya beenintiisa.

 

Xuseen Xuubsireed warka uu beeniyey ayaa wuxuu ahaa war shalay magaalada si weyn la isula dhex xulayey, warkaasoo ahaa saraakiil Itoobiyaan ah oo dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ka qabqabtay kadibna xabsiga ay ku leeyihiin Villa Somalia u taxaabtay saraakiil ka tirsan dowladda federaalka oo ka soo jeeda Puntland, kadib markii saraakiisha Puntland ay ka madax adeygeen in ay Itoobiyaanka ku soo wareejiyaan hub fara badan oo isugu jira rasaas & baabuurta dagaalka oo ay doonayeen in ay ku raraan markab ku xernaa dekadda, hasse ahaatee markii ay Itoobiyaanku ka war heleen arrintaasi ayey soo gaareen dekadda, waxeyna ku amreen saraakiisha Puntland in ay hubkaasi ku soo wareejiyaan, hasse ahaatee saraakiisha Puntland ayaa ku adkeystay in ay hubkaasi wareejinayaan oo keliya marka uu magaalada Muqdisho soo gaaro madaxweynaha taasoo u cuntami weysay saraakiisha Itoobiyaanka, oo markaa kadib amar ku bixiyey xariga saraakiishaasi.

 

"Warka ku saabsan xariga saraakiisha ee ku soo baxay qeybaha kala duwan ee warbaahinta waa mid been abuur ah, mana jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada DF oo Itoobiyaanku ay xireen, waxaana u sheegeyaa bulshada Soomaliyeed in saraakiisha iyo ciidamada ee labada dhinac uu ka dhexeeyo xiriir aad u wanaagsan, runtiina saraakiisha Itoobiya iyo kuwa la yiri waa la xiray ee Soomaliyed markii ay maqleen warkan aad bey ula yaabeen" ayuu yiri Xuubsireed.

 

Dowladda Itoobiya ayaa muddooyinkii u danbeeyey wax weyn ka bedeshay siyaasadeeda ay ku taageeri jirtay madaxweynaha, waxaana khilaafkaasi oo ay ka hadleen madaxda dowladda Itoobiya laga dareemayaa goobaha ay wada joogaan Itoobiyaanka & ciidamada dowladda, iyadoo dhowr cisho ka hor ay aheyd markii ciidamo Itoobiyaan ah ay ka bixiyeen hoygii uu Muqdisho ka deganaa ciidamo ka soo jeeda Puntland oo ilaalo ka hayey gurigaasi, waxaana ammaanka hoyga raisul wasaaraha haatan lagu wareejiyey ciidamada AIMSOM

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Been Somalida oo dhanbaa iska sheegta waa iska caadi ayay noqotay taa, ee Dayniile is Qanyare's mouth piece, hal dhinacna way uxaglisaa waligeed... thus my point was, iyagiiba haday sidaan qoreen, filter garee warka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by HornAfrique:

Dayniile sow taad shalay lahayd waa shabakad been abuur ah?
:D

Marmar ayey runta sheegan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Juje:

quote:Originally posted by HornAfrique:

Dayniile sow taad shalay lahayd waa shabakad been abuur ah?
:D

Marmar ayey runta sheegan.
Ma saas baa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here's another source, that shows that the Dhabodhiffs who have been used and abused by the ethiopians are now being disarmed.

 

Somalia: Ethiopian Troops Arrest High Rank Government Officials

 

 

 

 

 

Email This Page

 

Print This Page

 

Comment on this article

 

Visit The Publisher's Site

 

 

 

Shabelle Media Network (Mogadishu)

 

1 December 2008

Posted to the web 1 December 2008

 

Mogadishu

 

The Ethiopian forces in Mogadishu have arrested 3 Somali government officials on Monday; sources close to the presidential palace confirmed.

 

The Somali officials rejected to hand over their weapons to the Ethiopian soldiers.

 

A government official who spoke to Shabelle Media Network on condition of anonymity confirmed the reports.

 

The reports say officials were planning to escape weapons including battle wagons from the presidential place to the Semi-autonomous region of Puntland.

 

The Ethiopian soldiers are reportedly planning to hand over the security of the presidential palace to inclusive soldiers.

 

The presidential palace is now under control of soldiers very close to the Somali president.

Relevant Links

 

* East Africa

* Arms and Military Affairs

* Conflict, Peace and Security

* Ethiopia

* Somalia

 

The Ethiopians had previously ordered former Mogadishu mayor to hand over his weapons

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeenka ciidamada milatariga dalka soomaaliya daahir maxamed xirsi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hubka dhigista ay ciidamada xukuumada Ethiopia ku samaysay qaar ka tirsan saraakiisha iyo ciidamada dowlada KMG ah islamrkaana tilmaamay inaysan xaq u lahayn inay fara geliyaan ciidamo soomaali ah .

 

Daahir Max'ed Xirsi oo u waramayay saxaafada ayaa gaashaanka u daruuray in ciidamada Ethiopian-ka aysan xaq u lahayn in ay xidh xidhaan saraakiisha sar sare ee madaxtooyada hubkoodana ay wareejiyaan islamarkaana ay imaan karto hadii ay ciidamadan shi sheeye ee Ethiopia ay bur burinayaan awooda ciidamada milatariga dowlada KMG ah

 

Sidoo kale sarkaalkan oo ay ka muuqato caro xoogan ayaa carabka ku adkeeyey in ciidamada milatariga dowlada soomaaliyeed ay leeyihiin talisyo u gaar ah waa siduu hadalka u dhigaye isagoo tilmaamay in ciidamada madaxtooyadu ay ka duwan yihiin kuwa kale ee ciidamada dowlada ah islamrkaana shaaca ka qaaday inay leeyihiin awood u gaar ah .

 

Hadalkan kasoo baxay afhayeenka ciidamada milatariga soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xili ay habeen hore saqdii dhexe ay ciidamada xukuumada ethiopia ay si kedis ah hubkii uga fara maroojiyeen ciidamada ilaalada u ah madaxweyne yuusuf islamarkaana ku wareejiyeen sarkaal sare oo kasoo jeeda haybta raysal wasaaraha xukuumada DKMG ah taasoo dhalisay buuq bulaan ka abuurmay ciidamada dowlada dhexdooda islamrkaana keeni kara bur bur xoogan oo ku yimaada ciidamada tirada yare e dowlada KMG ah u jooga muqdisho.

 

 

 

 

 

Afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this