Sign in to follow this  
General Duke

AU troops patrol the capital ..PICS

Recommended Posts

Ciidamada Midowga Africa oo socod ku sameeyay caasimadda Somalia

 

Mogadishu 01, May.07 ( Sh.M.Network) Ciidamada Midowga Africa Ka Socda ee Ku Sugan Muqdisho ayaa maanta markii ugu Horeysay Socod Ka Billaabeen Magaalada Muqdisho iyagoo Soo booqdey Meelihii ay dagaaladu ka dhaceen dhawaantaan.

 

Socodkaan ay Sameeyeen Ciidamada Uganda oo ah ciidamada Keliya ee ka socda Midowga Africa ee kusagan waddanka Somalia ayey saraakiil la hadashey saxaafadda waxaa ay u sheegeen in ay tahay sidii dadka reer Muqdisho ay kalsooni uga sameysan lahaayeen.

 

Wariye Shabelle Ka tirsan ayaa sheegey in ciidamadaani oo ku hubeysanaa ku dhawaad 15 gawaari oo kuwa Dagaalka ah in ay soo mareen deegaanada Fagax, Towfiiq, Huriwaa iyo Xarunta Jaamacadda Muqdisho oo ku sheegey Dhamaan deegaanadaasi in ay degnaayeen Ciidamo Ethipian ah.

 

Saraakiil Ugandes ah oo la yiraahdo Cornel Delta Lawula, oo saxaafadda kula hadlay Dugsiga Xalane ayaa waxa uu sheegay in roondaddooda in ay ka dambeyso sidii ay u badelli lahaayeen ciidamada Ethiopianka oo goobaha ay islamarkaan ay dadku isku baraan.

 

Corneeelka waxa uu sheegay in goordhow ay kala wareegi doonaan ciidamada Ethiopia deegaanada iyo goobaha ay fadhiyaan, waxaana uu qirey in burbur xoogan uu ka jiro goobihii dagaaladu ay ka dhaceen.

 

Deegaanadii ay Soo mareen ciidamadaani ayaa waxaa ka muuqdey raadadkii uu ku reebey dagaalladii Cuslaa ee ka Dhacey Muqdisho Maalmo ka hor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

u05.jpg

Dhismayaal ku yaala isgoyska Cali Kamiin

 

u08.jpg

Ciidamada Uganda oo roondeyn ku sameeyay maanta caasimadda Somalia

 

u014.jpg

Xarunta Hay'adda DBG ee Bin Cali oo madaafiic lagu burburiyay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidammadii AU-da oo la wareegay ammaanka Muqdisho

 

Axmed-yaasiin Ma'ed Sooyaan

Waayaha.net

 

Muqdisho(May,01,07) Ciidammada nabad ilaalinta ee dalalka midowga Afrika ayaa maanta si buuxda ula wareegay ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, talaabadan oo ah tii ugu horeysay ee ay qaadan ciidankan ayaa maanta waxaa la arkayay gaadiidka ciidammada Uganda oo dhex meeraysanaya meelihii toddobaadkii dagaalladuka dhaceeisla markaasna ammaanka sugaya.

 

Gaadiid gaashaaman ee ciidammada oo ilaa 30gaari dhan ayaa maanta soo gaaray woqooyiga magaallada Muqdisho meelihii ay dagaalladu ka dhaceen, qaar ciidammada ka mid ah ayaa ku macneeyay imaatinkooda meellahaas in loola jeedo in la dhiiri geliyo amniga iyo isu socodka dadka dhexdiisa, iyo waliba si kalsooni iyo is-dhex-gal ula sameeyaan dadyowga ku nool meelahaas.

 

Capt.Ankonda oo isagu ah af-hayeenka ciidammada midowga Afrika ayaa sheegay in kor-meerkooda loola jeedo sidii loo sugi lahaa amaanka hay'adaha xukuumadda isl markaasna gargaarka aadminimo loo gaarsiin lahaa dadka u baahan.

 

Sida laysku ogaa Ciidammada uganda oo ay tiradoodu gaarayso 1600 askari iyo kuwa soo socda ee ay balan qaadeen dowladaha Afrikaanka ayaa lagu wadaa inay xilka amaanka magaallada Muqdisho kala wareegaan ciidammada Itoobiyaanka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this