Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

The real adminstration in Xamar

Recommended Posts

G.S. Hoose: Dowladda, Itoobiyaanka iyo Maamulka Gobolka oo Waxqabad ku Heshiiyey

 

Muqdisho, 6 August 2007 - Kulan ay yeesheen Mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Gobolka Shabeellada Hoose, Mas'uuliyiinta Dowladda,
Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya
iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa la isku afgartey in si wadajir ah ay u wajahi doonaan qalalaasaha ka taagan Gobolka Shabeellada Hoose.

 

[sNIP]

 

Intaas ka dib ayaa mas'uuliyiinta Dowladda iyo
Itoobiyaanka
ay dhinacii kale ka dhageysteen warbixin ay iskaga difaacayaan eedeynta uu Guddoomiyuhu u soo jeediyey hase yeeshee doodda ayaa noqotey mid aan meesha ku jirin. Waxaa la weydiyey hubkii ay haystaan inta uu la egyahy. Waxaa kale oo la weydiyey waxa ay u soo xareyn waayeen malleeshiyaadkooda.

 

Little kids complaining and whining about each other to their Xabashi Master. So sad walaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya oo u hanjabtay Idaacadda Shabeelle

 

Muqdisho 07/08/07 - Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya ayaa maanta u hanjabtay Idaacadda Shabeelle sababo la xiriira ka hadalka dhacdooyinka Soomaaliya.

 

Mas'uul ka tirsan safaaradda Itoobiya ay ku leedahay dalka Soomaaliya oo barqonimadii maanta la soo xiriirey shabakadda warbaahinta Shabeelle ayaa si kulul ugu eedeeyay in ay buun buuniso dhacdooyinka ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya.

 

Sarkaalkaan oo hadaladiisa ay ka muuqdeen caro aad u fara badan ayaa waxa uu ku goodiyay sida uu sheegay in uu
soo fasixi doono madax ka tirsan amniga qaranka Soomaaliya oo uu sheegay in uu ka celcelinayo shabakadda warbaahinta Shabeelle
.

 

Mas'uulkaan oo la yiraahdo Jamaaludiin ayaa mar la weydiiyay waxyaabaha uu ku eedeynayo shabakadda Shabeelle waxa uu sheegay in ay tahay waxyaabaha inta badan beesha caalamka iyo wakaaladaha ay u soo xigtaan Idaacadda Shabeelle.

 

Waxa uu ku celceliyay in idaacadda inta badan ay ka hadasho dhacdooyinka ka dhaca dalka Soomaaliya gaar ahaan weerarada lagu qaado ciidamada Itoobiya.

 

Mar Shabeelle ay weydiisay haddii uu diidan yahay in la sheego ama ka hadalka weerarada lagu qaado fariisimada ciidamada Itoobiya iyo waxyeelada ay geystaan ama loo geysto ayaa waxa uu sheegay in aanu diidaneyn arinkaasi hasa ahaatee idaacadda ay adeegsato ereyo aanu adeegsan warbaahinta inta badan ka jirta dalka Soomaaliya.

 

Goodinta iyo hanjabaadaha maanta kaga yimid idaacadda Shabeelle safaaradda Itoobiya ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dhibaatooyin xoogan ay ka jiraan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, dhibaatooyinkaasi oo ah kuwo ciidamada Itoobiya ay u geystaan dadka rayidka ah marka loo geysto weeraro.

 

Dowladda KMG ah oo sheegtay in ay saaxiib la tahay dowladda Itoobiya ayaa horey labo jeer albaabada isugu dhufatay idaacadda Shabeelle iyo idaacado kale inkastoo markii dambe lagu sii daayay cadaadis dowladda ay kala kulantay beesha caalamka iyo dadaalo ay sameysay dowladda Mareykanka.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this