Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 9, 2007 G.S. Hoose: Dowladda, Itoobiyaanka iyo Maamulka Gobolka oo Waxqabad ku Heshiiyey Muqdisho, 6 August 2007 - Kulan ay yeesheen Mas'uuliyiinta ugu sarreysa maamulka Gobolka Shabeellada Hoose, Mas'uuliyiinta Dowladda, Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ayaa la isku afgartey in si wadajir ah ay u wajahi doonaan qalalaasaha ka taagan Gobolka Shabeellada Hoose. [sNIP] Intaas ka dib ayaa mas'uuliyiinta Dowladda iyo Itoobiyaanka ay dhinacii kale ka dhageysteen warbixin ay iskaga difaacayaan eedeynta uu Guddoomiyuhu u soo jeediyey hase yeeshee doodda ayaa noqotey mid aan meesha ku jirin. Waxaa la weydiyey hubkii ay haystaan inta uu la egyahy. Waxaa kale oo la weydiyey waxa ay u soo xareyn waayeen malleeshiyaadkooda. More Little kids complaining and whining about each other to their Xabashi Master. So sad walaahi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 9, 2007 Safaaradda Itoobiya ee Soomaaliya oo u hanjabtay Idaacadda Shabeelle Muqdisho 07/08/07 - Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya ayaa maanta u hanjabtay Idaacadda Shabeelle sababo la xiriira ka hadalka dhacdooyinka Soomaaliya. Mas'uul ka tirsan safaaradda Itoobiya ay ku leedahay dalka Soomaaliya oo barqonimadii maanta la soo xiriirey shabakadda warbaahinta Shabeelle ayaa si kulul ugu eedeeyay in ay buun buuniso dhacdooyinka ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya. Sarkaalkaan oo hadaladiisa ay ka muuqdeen caro aad u fara badan ayaa waxa uu ku goodiyay sida uu sheegay in uu soo fasixi doono madax ka tirsan amniga qaranka Soomaaliya oo uu sheegay in uu ka celcelinayo shabakadda warbaahinta Shabeelle . Mas'uulkaan oo la yiraahdo Jamaaludiin ayaa mar la weydiiyay waxyaabaha uu ku eedeynayo shabakadda Shabeelle waxa uu sheegay in ay tahay waxyaabaha inta badan beesha caalamka iyo wakaaladaha ay u soo xigtaan Idaacadda Shabeelle. Waxa uu ku celceliyay in idaacadda inta badan ay ka hadasho dhacdooyinka ka dhaca dalka Soomaaliya gaar ahaan weerarada lagu qaado ciidamada Itoobiya. Mar Shabeelle ay weydiisay haddii uu diidan yahay in la sheego ama ka hadalka weerarada lagu qaado fariisimada ciidamada Itoobiya iyo waxyeelada ay geystaan ama loo geysto ayaa waxa uu sheegay in aanu diidaneyn arinkaasi hasa ahaatee idaacadda ay adeegsato ereyo aanu adeegsan warbaahinta inta badan ka jirta dalka Soomaaliya. Goodinta iyo hanjabaadaha maanta kaga yimid idaacadda Shabeelle safaaradda Itoobiya ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dhibaatooyin xoogan ay ka jiraan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, dhibaatooyinkaasi oo ah kuwo ciidamada Itoobiya ay u geystaan dadka rayidka ah marka loo geysto weeraro. Dowladda KMG ah oo sheegtay in ay saaxiib la tahay dowladda Itoobiya ayaa horey labo jeer albaabada isugu dhufatay idaacadda Shabeelle iyo idaacado kale inkastoo markii dambe lagu sii daayay cadaadis dowladda ay kala kulantay beesha caalamka iyo dadaalo ay sameysay dowladda Mareykanka. Shabeelle Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted August 10, 2007 amxaar maana keeyne! cidi keenta ka masuulah! i wonder wat kind of wc ramaadan party the shabaab has 4 them nijaas! it should be fun. Quote Share this post Link to post Share on other sites