General Duke Posted May 16, 2009 Madaxweynaha Soomaaliya oo wada hadal ugu baaqay Kooxaha Dagaalamaya Madaxweynaha Wadanka Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa waxaa uu Kooxaha Islaamiyinta ee ka dagaalameeya Magaaladda Muqdisho ugu baaqay in ay soo fariistaan Miiska Wada hadalka. Madaxweyne Sheikh Shariif waxaa uu BBC-da uu sheegay in Dagaalada iminka ka soconaaya aysan fa’ido uu ahayn Dadweynaha Soomaaliyeed ayna ku barakacayaan Dad kumaan kuun ah maalin kasta. Madaxweyne Sheikh Shariif waxaa uu sheegay in Kooxaha Dagaalada wada ay sharci ka dhigteen dhiig daadashadda iyadoo ujeedadooda ay tahay in Wadanka Soomaaliya ay xoog kula wareegaan.waxaana uu ugu baaqay in ay joojiyaan joojiyaan ayna wada hadalada soo galaan. Dhanka kale Sheikh Xassan Daahir Aweys oo ka soo horjeeda Dowladda Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayna mar isku Xisbi ahaan Jirin Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu diiday una ka soo horjeestay Baaqa ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaana uu BBC-da uu sheegay in aysan surtagal ahayn in ay wada hadal la qaatan Dowladda Soomaaliya inta ay Ciidamada AMISOM ku suganyihin Magaaladda Muqdisho,waxaana uu sheegay in ay yihin Cadowga koowaad ee Soomaaliyeed. Balse Hadalkaas waxaa aad uga soo horjeestay jawaabna ka bixiyey ergayga Midowga Afrika ee uu qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicolas Bwakiira,waxaana uu sheegay inaysan xilligaan munaasiib ahayn in ay dib uga soo guurtaan Magaaladda Muqdisho. Ciidamadda AMISOM ee jooga Magaaladda Muqdisho oo gaareeya 4,300 oo ka kala socda Wadamada Burundi iyo Uganda ayaa waxay ilaaliyaan goobo aad uu muhiimsan oo ay ka mid yihin Dekada iyo Garoonka Aadan Cade International Airport. Dowladda Wadanka Maraykanka iyo Qaramada Midoobay waxay Sheikh Xassan Daahir Aweys ku dareen Liiska Argagaxiisada Caalamka. Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee uu qaabilsan arimaha Soomaaliya Axmedou Wald Abdalla ayaa waxaa uu baaqay in laga saaro liiska Argagaxiisada Caalamka sidii uu wada hadal la geli laha Dowladda Soomaaliya. Waxaa uu sheegay hadii uu ku jiro liiska argagaxiisada caalamka ma uusan qaban karo xil oo xafiis ma fariisan karo,xitaa wax safar ah ma geli karo waayo khatar ayuu gelaaya. Baaqaan ayaa waxaa uu ku soo beegmaaya xilli Dagaalada ka soconaaya Magaaladda Muqdisho ay geysteen Khasaaro dhimasho oo gaareeya 139-qof halka dad lagu qiyaasay 27,000-qof ay ku barakaceen. Farta Ali Husein SBC International- Bosaaso. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 16, 2009 Shiikh Xasan Daahir oo diiday wada hadal Labada nin oo horey u ahaa xulafo ayaa hadda iska soo horjeeda Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa ku gacanseyray codsi uu soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo uu kaga dalbanayay kooxaha mucaaradka ee la dagaallamaya dowladdiisa inay wada hadal la galaan. Xasan Daahir Shiikh Aweys ayaa diiday wax wada xaajood ah inta ay joogaan sida uu yiri ciidamada Midowga Africa dhulka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay dowladda inay tahay mid aannu shacabku soo dooran, oo aanay matalin dadka Soomaaliyeed. Hey'adda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in ilaa soddon kun oo qof dagaalladu ku qasbeen inay isafa baxaan guryihii ay ku noolaayeen. Cumar Iimaan oo madax ka ururka Xisbul Islaam oo ay isbahaysi yihiin kooxda Al-shabaab ayaa wareysi uu BBC siiyay ku sheegay in ciidamada dowladda ay qaarna baxsadeen, qaarka hareyna waxaa ilaalinaaya ciidamada Midowga Afrika. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 16, 2009 Ould-Abdalla said he has offered to help Somalia's hardline Islamic leaders remove their names from a U.N. Security Council list of terrorists if they will work for peace. " It is not in killing their own people that they will solve this problem, " Ould-Abdalla said, referring to the terrorist designation. "On the contrary." Walid Abdalla is making offers to Xasan Dahir Aways, what does he know that we dont? Quote Share this post Link to post Share on other sites