Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Electoral Committee Elected Chairman and his Deputy

Recommended Posts

Komishinka Doorashooyinka Somaliland Oo Doortay Gudoomiye Iyo Gudoomiye Ku-xigeen

 

 

Hargeysa (Qaran)- Komishinka cusub ee Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta Gudoomiye iyo Gudoomiye kuxigeen,ku doortay fadhi gaar ah oo ay ku yeesheen xaruntooda Magaalada Hargeysa.

 

Komishinka doorashooyinka Qaranku,kulan socday muddo shan saacadood ah kadib,ayay saxaafada u iclaamiyeen in ay Gudoomiyaha Komishinka u doorteen Mudane Maxamed Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa sadexdii xubnood ee Madaxweynuhu soo magacaabay,halka Kuxigeenka gudoomiyahana loo doortay Mudane Xirsi Cali X.Xasan oo ay isagana soo xuleen Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE.

 

Guddiga Doorashooyinka Somaliland,waxa ay Axsaabta,Xukuumada iyo Shacbiga Somalilanba ka dalbadeen in ay Komishinka kala shaqeeyaan ka kaalin uga gaysan lahaayeen gudashada iyo hirgelinta xilka culus ee loo doortay.

 

Komishinka Doorashooyinka Qaranku,ilaa imika kama ay hadlin in doorashooyinkii Golayaasha deegaanka,oo hore loogu qoondeeyay 15ka December 2007 inay dalka ka qabsoomaan,ay ku dhacayaan xiligoodii iyo in kale.

 

Komishinka Doorashooyinka Qaranka,oo mudada xilhayntoodu tahay shan sano,waxa ay ka kooban yihiin todoba xubnood,oo sadex uu soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland,labana Guurtidu ay soo magacowday,halka Labada kalena ay soo kala xuleen xisbiyada mucaaridka ah ee Kulmiye iyo UCID

 

 

 

 

Cumar Maxamed Faarax

 

Qarannews/Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

u_2d_2007-9-22-13-41-12f_Untitled-3.psd.

 

hadhwanaag 2007-09-22 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta si rasmiya shaaca uga qaatay inay doorteen Gudoomiye iyo Gudoomiye Ku-xigeen.

 

Labada xubnood ee loo doortay oo kala ah Gudoomiye Maxamed Yuusuf Cabdi, Gudoomiye Ku-xigeen Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Kulan ay ku lafa gureen Xubnaha Komiishanka doorashooyinka oo ay ku qabteen Xarunta Guddida Doorashooyinka ayey geba-gebadii ku shaaciyeen inay labadaa xubnood ugu doorteen Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen.

 

Jaamac Sweden oo ka mid ah todobada xubnood ee Gudida Doorashooyinka Qaranka oo ka hadlay Munaasibadaa ayaa waxa uu sheegay inay masuuliyiintaas u doorteen Gudoomiye Maxamed Yuusuf Axmed, iyo Gudoomiye Ku-xigeen Xirsi Cali Xaaji Xasan ay ilaahay uga baryeen inay xilkaasi ay u igmadeen Komiishan ahaan uu ku garab galo,isla markaana waxay tilmaameen inay komiishan ahaan doorkooda ka qaadandoonaan sidii ay xubnahaasi si fiican u la shaqeyn lahaayeen,oo ay isugu xidhnaan lahaayeen xubnaha komiishanku danta qaranka sidii ay uga soo baxaan.

 

Todobada Xubnood ee Gudida Doorashooyinka ayaa ka codsaday bulshada Somaliland,Dawlada,Axsaabta Qaranka iyo bahweynta Saxaafada inay si hagar la’aana u gacan siiyaan gudashada Xilkaasi,waxaanay tilmaameen haddii aanay ku gacan siin oo aan lala qaban xilkaasi culus aanay keligood waxba qaban Karin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hey, i wanna run for somaliland election! u think i can win...lool. for real though, i wanna do it that what hell.

 

i think i qualify..first, i am somali, second i can do better than these leaders there! my first agenda will be to give the somaliland ladies equal rights to homies! i like them, they nice ladies. hey, that should give me half the votes...!

 

i need votes! vote for me...ok. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

dee i wanna free them! ethio aint gonna be welcome there if rudy got his way.. then i will capture pland and work my down to kismayo.. u feel me.

 

time for the bigger pie!! not lil slices.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this